HomeNewsBandhiga DeeyooWararka XidigahaArimaha FankaMusic Sport Contacts
Abwaan Axmadeey Cabdi Gaashan: Dhiigeygu Saddex Mar Ayuu Muqdisho Ku Baxay, Walina Ma Jirto Meel Aan Ku Doorsanayo:-wareysi-
2012-12-04 15:00:23

Abwaan Axmadeey Cabdi Gaashaan oo ah ka mid ah Abwaanada Soomaaliyeed ee Caanka ah kana mid ahaa Dadkii uu dhaawaca xun kasoo gaaray Qaraxii ka dhacay Xarunta Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho 4 tii April ee sanadkan ayaa dhawaan soo gaaray Dalkan Norway.


   Abwaan Axmadeey Cabdi Gaashaan oo dibadda loosoo qaaday si looga daweeyo dhaawicii soo gaaray ayaan wax ka weydiinay xaaladdiisa caafimaad xilligan, isagoo sheegay inuu aad u wanaagsanyahay kana bogsooday dhaawacii soo gaaray.


   Waxaan sii weydiinay raadka uu dhaawacaasi ku reebay inta uu gaarsiisanyahay "wali waxaan dareemayaa walwal fara badan gaar ahan marka aan soo xasuusto dadkii aan wada garanayey ee weerarkaas ku nafwaayey" ayuu si qushuuc ku jiro u yiri abwaanka oo wali laga dareemayo dhaawacyadii kasoo gaaray Qaraxaasi gaar ahaan gubashadii jirkiisa soo gaartay.


   Dhaawicii kasoo gaaray weerarkii ismiidaaminta ahaa ee 4 tii April ka dhacay Tiyaatarka uma ahayn kii ugu horreeyey ee Abwaan Axmadeey Cabdi Gaashan soo gaaray waxaase dhowr mar oo kale loo geeystay weerar Rasaaseed oo toos ah sanado kala duwan." Saddex mar ayaa dhiigeygu ku daatay Magaalada Muqdisho, walina ma jirto meel aan ku doorsanaayo" ayuu cod sare ku yiri Abwaanka oo weeraro lagu qaaday ku dhaawacmay sanadihii 1993, 2010 iyo 2012 ka.


   Haddaba, Muqdisho ma tahay meel uu  u xiisi doono abwaanku mar haddii intaas oo dhibaato ah loogu geystay...ayey ahayd su,aal kale oo aanu weydiinay Abwaanka oo si aan leex leexad lahayn ugu jawaabay " Dhulkaagu waa lama huraan, shakina kuma jiro inaan u xiisayo maanta iyo maalmo kaleba,waxaana jecelahay in dalkeygi hooyo leygu duugo hadii ay teydu gasho".


   Sida laga yaabo in qaar badan oo dadka soomaaliyeed ka mid ahi la socdaan, Abwaan Axmadeey Cabdi Gaashaan waxaa uu ka mid yahay Abwaanada Soomaaliyeed ee caanka ku ah sameynta Ruwaayadaha Banaadiriga wuxuuna sameeyey ruwaayado tiradoodu kor u dhaafeyso 12,kuwooda ugu magaca dheerna waxaa ka mid ah: 15 ka Shumeey, Kibirkii Beerta Karfan saaray Jaceylka,Shan u yar ha ii sheegin iyo kuwo kale oo caan ah.


   Abwaan Axmadeey oo dhamaadka bishan Desember ee aynu ku jirno sii galaya sanadkiisii 65 aad wuxuu ku dhashay Magaalada Afgooye,halkasoo uu ka bilaabay Fanka wuxuuse sanadkii 1968 dii ku biiray kooxda Hiddaha iyo dhaqanka ee Somalia.


   Laashin Axmadeey Cabdi Gaashaan oo Todobaadkan Shabadadda Deeyoo.com ugu warramay Magaalada Oslo mar uu booqasho gaaban ku yimid ayaa si weyn ugu mahad celiyey guud ahaan Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan intii caawisay xilligii uu dhaawaca la jiifay Cisbitaalada,isagoo si gaar ah u xusay fanaaniinta ,Gabdho isxilqaamay oo Soomaaliyeed iyo guud ahaan umadda soomaaliyeed " ma iloobi karo umaddii Soomaaliyeed ee i dhahaayey Sariirta aad saarantahay uma saarnid Qoys,Qabiil iyo Dowlad midna ee waxaad u saarantahay Umadda Soomaaliyeed ee aad Abwaanka u tahay" ayuu yiri.


   Laashin Gaashaan ayaan markale weydiinay haddii uu Ruwaayad ama Heeso ka sameynayo Dhibaatadii naftiisa halista galisay ayaa sheegay inuusan jecleyn inuu dadka soo xasuusiyo wixii horey loo soo maray, sidaas darteedna uusan dooneynin in Ruwaayad ama wax kale uu ka sameeyo " Buug in laga qoro maahane wixii dhacay Ruwaayad laguma soo koobi karo" ayuu yiri Abwaanka oo umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay is cafiyaan oo ay iska iloobaan wixii dhaxdooda ka dhacay. wuxuuna ugu baaqay kooxaha hubeysan ee dagaalada dalka ka wada inay nabadda qaataan oo ay hubka iska dhigaan si dadkeenu nabad ugu noolaadaan.



WDiyaariyey: Qaasim Cabdulle Nero



Latest News Mohamed alta fanaan isku darsaday cod, laxan iyo heybad ayaa soo saaray muuqaalk
2014-10-28 21:30:31
Xidigta waqooyiga amerika fartun omar iyo hees muuqaal ah oo ay soo saartay dada
2014-10-28 20:57:18
Laba fanaan oo in badan la sugayay hees ay wada qaadaan cawaale iyo kabayare oo
2014-10-28 19:37:13
Gabar abwaanad ah oo tusaale iyo dhiiri gelin u noqotay dumar badan kadib markii
2014-10-27 01:58:15
Hees cusub oo cajiib ah ayey wada qaadayaan labadan fanaan ee nasteexa indho iyo
2014-10-23 22:17:09
Xaflad soo dhaweyn ah oo oslo loogu sameeyay xasan cali geesey oo ah madaxa dall
2014-10-20 01:38:07
Xidigta caan baxday ee norway ayaan tromso iyo wacdareheeda hargeysa oo aan muuq
2014-10-18 21:23:40
Fanka oo faraha uga sii baxaya is jiijiidka u dhexeeya abwaanada iyo fanaaninta
2014-10-03 22:39:58
Wareysi xiisa badan heeso iyo fanaanada codka dahabiga ah nateexo indho bal nala
2014-10-02 11:08:29
Kooxda caan baxday ee waayaha cusub ayaa idinka haqab tiraya heybadooda faneed i
2014-09-30 16:50:07
Arimaha Bulshada Mohamed alta fanaan isku darsaday cod, laxan iyo heybad ayaa soo saaray muuqaalk
2014-10-28 21:30:31
Xidigta waqooyiga amerika fartun omar iyo hees muuqaal ah oo ay soo saartay dada
2014-10-28 20:57:18
Laba fanaan oo in badan la sugayay hees ay wada qaadaan cawaale iyo kabayare oo
2014-10-28 19:37:13
Gabar abwaanad ah oo tusaale iyo dhiiri gelin u noqotay dumar badan kadib markii
2014-10-27 01:58:15
Hees cusub oo cajiib ah ayey wada qaadayaan labadan fanaan ee nasteexa indho iyo
2014-10-23 22:17:09