HomeNewsBandhiga DeeyooWararka XidigahaArimaha FankaMusic Sport Contacts
Nin British Ah Oo Noqday Ninkii Ugu Horeeyay Oo 4 Sanno Gudahood Safar Ku Maray 201 Dal Isagoo Aan Diyaarad Raacin.
2012-11-29 12:50:15

 

Warbixintan waxaa kusoo qaadanaynaa ninkii ugu horeeyay ee Ingiriis ah oo muddo afar sanno safar ku taga ilaa 201 dal waliba waxaa sii dheer inuusan raacin ama uusan ku duulin diyaarad waxaana uu sameeyay arrin aan hore loo samayn.

 

Ninkaan Ayaa ugu magac daray warbixintaan Socdaal laakin magaciisa saxda ah waa Graham Hughes oo 33 jir ah wuxuu booqday ilaa 201 dal oo ku yaalla Qaaradaa Australia,Yurub,Ameerika,Aasiya iyo Afrika.

 

Graham Hughes ama Socdaal wuxuu intii uu safrayay isticmaalin diyaarad oo uu raacin ama uusan ku duulin waxaana uu sheegay inuu adeegsaday kaliya Basas,Takaasi,Tareeno,Maraakiib,Dooman iyo lugtiisa oo uu maalayay ama uu lugeenayay.

 

Socdaal ninkaan aan ugu magac daray warbixintaan waa Graham Hughes wuxuu socod ku maray 160 kun oo mile ama 256 kun km oo caalamka oo dhan ah.

 

Ninkaan ayaa safar dhibaato badan ku maray caalamka wuxuna ka bilaabay magaalada Liverpool oo ah halka uu ku dhashtay wuxuuna kusoo gabo gabeeyay magalada Juba ee caasimadda dalka Koofurta Sudan wuxuuna bilaabay sanadka cusub 1-dii January ee 2009-kii.

 

Safarka socdaal ama Graham Hughes, ayaa qaatay 1,426 Maalmood waxaana todobaadkii uu cunayay cunto raqiis ah oo lagu sheegay qiimo ahaan ah 100 Dollar si uu u beekhaamiyo dhaqaalihiisa maadaama uu safar ku tagaayo dalal badan oo caalamka ah.

 

 

Graham Hughes, ayaa muddo afar maalmood ah raacay dooni shidaal qaadayso waliba dareero shidal ay dhibaato isaga ku haysay si uu u gaaro Cape Verde.

 

Ninkaan ayaa lagu xeray mudo todobaad ah dalka Congo sidoo kale waxaa laga bad baadiyay koox xag jir ah muslimiin ah oo la dagaalama dowlada Philipine.

 

Intii uu safarka ku guda jiray Graham Hughes  ayaa mid kamid ah murugadii uu la kulmay ay ahayd iyadoo ay cudurka Kansarka ah u geeriyootay walaashisa Nicole oo labo sanno ka hor dhimatay isagoo safarka kaga maqan qoyskiisa.

 

“waxaa rabay inaan arko adduunyada iyo waxa ay tahay ma ahan wax in lagu sii mashquulo in badan adduunkan ma ahan mid weyn kaliya waa goob dagaal iyo dhibaato laakin xaqiiqdii waxaa ku nool adduunka dhexdiisa dad raba inay ku caawiyaan ayuu yiri Graham Hughes.

Ninkaan 33 jirka ah Graham Hughes ayaa safarkiisa uu afar sanno ka hor ka bilaabay magalada uu ku dhashtay ee Liverpool

 

Graham Hughes ayaa markii caqabo la kulmay intuu ku jiray safarkisa waxaana lagu qabtay Congo isagoo lagu eedeyay inuu yahay sirdoon,sidoo kale waxaa lagu xeray dalka Ruushka isagoo galayay  sidoo kale u gacan galay koox muslimiin ah oo la dagaalama dowladda Philipine laakin waxaa kasoo bad baadisay gabar yar oo magaceeda uu ku sheegay Jenn.

 

 

Graham Hughes ayaa socdaalkiisa kusoo gabo gabeeyay dal aan  madax banaani qaadan markii safarkiisa uu bilaabanayay afar sanno ka hor waana dalka koofurta Sudan magaaladiisa Jubba ee caasimadda u ah waxana Koofurta Sudan ay madax banaanideeda ay heshay oo dal noqotay 9-kii July 2011.

 

“waa jeclahay safarka,ujeedkeeygana wuxuu ahaa inaan ogaadi kaliya in la sameyn karo socodkaan oo addunka dhan safar lagu mari karo ayuu Graham Hughes u sheegay jariiradda Christian Science Monitor.

 

Ninkan Graham Hughes ayaa ku safray dhamaan xududaha  193-da dal ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay oo lagu daray dalalka Taiwan, Vatican, Falastiin, Kosovo, Galbeedka Saxaraha iyo afar dal oo hoos taga Boqortooyada UK isagoo aan wax duulimad diyaaradeed ah samayn.

 

Buugga lagu qoro La Yaabka Adduunka Guinness ayaa xaqiijiyay in Graham Hughes  uu galay buuga La Yaabka adduunka waxaana Muuqaalada safarkisa uu ku heli doonnaa lacago deeq ah oo ay siin doonto WaterAid.

 

Intii uu  ku guda jiray safarkiisa Graham Hughes wuxuu maray dalal xaaladooda ay adag tahay sida Afghanistan oo uu kula kulmay carruur waxayna u sheegen inuu iska ilaaliyo ragga garka weyn leh,wuxuu ku safray Iraq,iyo waqooyga Kuuriya.

 

Waxa jiray dalal uusan maqlin ka hor safarkiisa sida dal lagu magacaabo Nauru oo ku yaala bartamaha Badda Pacific,sidoo kale Maldives iyo Seycheles ayuu maray oo Qatar ku ah burcad badeeda Somalida.

 

Wuxuu la kulmay Ra’iisul wasaaraha dalka Tuvalu oo ku yaalla badda Pacific wuxuuna waxaana dalkaan Tuvalu uu u dhaxeeyaa dalalka Australia iyo Hawaii.

 

Graham Hughes ayaa intii uu ku jiray safarka wuxuu damcay inuu iska joojiyo safarkiisa wuxuuna markas uu safaro ku tagay ilaa 184 dal waxaana u harsanaa 17 dal laakin waxaa ku dhiiri galisay inuu safarkiiisa sii wato walashisa Nocole ka hor inta aysan geeriyoon.

 

Socdaal ninkaan aan ugu magac daray ee dalalka badan ku sodcaalay ee lagu magacaabo Graham Hughes ayaa dib ugu laabanaya dalka Ingiriiska mana gadanaayo Tikidh Diyaaraded isagoo dib ugu laabanayo UK isagoo aan raacin diyaarad wuxuuna raacaya safar dhanka badda ah oo uu markab ku safri doonno wuxuuna rabaa inuu dib ugu laabto UK Ciida Kirishmiska.

 

 

Ahmed Mooge.

 

Xafiiska Deeyoo Afrika.

 

ahmed_mooge007@hotmail.com

 

00252615140242.

Latest News Silsilada heesta caan baxday ee nolosha cusub soo dhawee oo noqotay mid la isugu
2014-07-20 20:39:48
Hambalyo aroos walaasheen deeqa aadan laami iyo seygeeda abdulkadir aadan abdull
2014-06-28 14:05:25
Hambalyo meherka fanaaniinta qaaliga ah mohamed alta iyo hodan abdirahman + nala
2014-06-28 08:39:06
Calankeena quruxda leh habeenka qotominee,, axsan hees iyo muuqaal ay fanaanada
2014-06-27 22:37:42
Xeebta liido waa hees muuqaal ah iyo xidigta kasoo bidhaantay holland ee farah k
2014-06-27 22:13:44
Waa muuqaal kale oo kamid ah safar faneedkii ay uk ku kala bixisay boqorada codk
2014-06-27 09:11:30
Fanaanada qaaliga ah ee reer swiss maandeeq nuur garaash ayaa soo saartay muuqaa
2014-06-27 09:06:39
Fanaanada caan baxday hani uk oo soo saartay muuqaal hees cusub oo la magac baxd
2014-06-27 08:26:44
Halkan nagala daawo muuqaalkii ugu danbeeyay ee gabagabada safar faneedkii uk iy
2014-06-26 09:46:03
Hees la yaab leh iyo fanaanka caan baxay ee reer north amerika dalmar yare nala
2014-06-26 09:40:40
Arimaha Bulshada Silsilada heesta caan baxday ee nolosha cusub soo dhawee oo noqotay mid la isugu
2014-07-20 20:39:48
Hambalyo meherka fanaaniinta qaaliga ah mohamed alta iyo hodan abdirahman + nala
2014-06-28 08:39:06
Calankeena quruxda leh habeenka qotominee,, axsan hees iyo muuqaal ay fanaanada
2014-06-27 22:37:42
Xeebta liido waa hees muuqaal ah iyo xidigta kasoo bidhaantay holland ee farah k
2014-06-27 22:13:44
Waa muuqaal kale oo kamid ah safar faneedkii ay uk ku kala bixisay boqorada codk
2014-06-27 09:11:30