HomeNewsBandhiga DeeyooWararka XidigahaArimaha FankaMusic Sport Contacts
Maalin Walba Wax Kaa Yaabiyo Ayaad Aragtaaye, Maxaad Ka Taqaan Qoyska Ugu Caruurta Badan Dalka Ingiriiska.
2012-11-24 01:42:09

 

Maalin kasto waxaa maqlaysa ama aad arkaysaa dhacdo kaa yaabisa oo adduunka ka dhacda hadaba warbixintaan waxay ka hadlaysaa ama ay ku saabsan tahay qoyska carruurta ugu badan dhalay dalweynaha Britain.

 

Haweenayda lagu magacaabo Sue Radford iyo ninkeeda Noel ayaa waxay isku dhaleen 9 wiil iyo 7 Gabdhood waxaana ugu dambeeyay Casper oo bishii lasoo dhaafay la dhalay waxayna qaadatay dhalmadiisa 16 daqiiqo oo ay ku sugneed isbitaalka maamada dhashay Casper.

 

Sue Radford waa 37 jir waxana todobaadkii ay qoyskaas biil u isticmaalaan lacag dhan 250 Gini ama 400$ Dollar waa axad ka axad inta ay biil ahan u isticmaalaan mana ahan lacago ku filan laakin waa kuwo isku filneeysiiya.

 

 

Hooyada iyo Aabaha Qoyskaan ayaa ka shaqeeya Foorno Rooti oo ku taallo deegaanka Morecambe ee Lanchashire ee dalka Ingiriiska waxay yihiiin kuwo u shaqeeya qoyskooda.

 

Qoyskaan ayaa maalintii cuna Rooti ama Roodhi saddex xermo ah, 16 cad oo Jilibka Doofaarka ah,labo boxis oo cereal ah iyo 18 xabo oo Baakayaal Caano ah,7 kiilo oo Bataati ah iyo 30 xabo oo Karooto ah.

 

Hooyo Sue Radford iyo Aabe Noel ayaa noqday markoodii ugu horeysay Awoowe iyo Ayeeyo.

 

Sue Radford ayaa dhashay  16-kaan caruur oo 9 ay wiilal yihiin halka 7 ay gabdho yihiin waxayna kala yihiin sidaan,(1) Chris, oo 23 jir ah (2) Sophie,oo 18 jir ah (3) Chloe, 17 jir ah (4) Jack, 15 jir ah (5) Daniel, 13 jir ah (6) Luke, 11 jir ah (7) Millie, 10 jir ah (8) Katie, 9 jir ah (9) James, 8 jir ah (10) Ellie, 7 jir ah (11) Aimee, 6 jir ah (12) Josh, 4 (13) Max, 3 jir ah (14) Tilly May, 2 jir ah (15) Oscar, 1 jir ah iyo Canuga 16-aad oo noqday  Casper,oo bishii lasoo dhaafay ay dhashay.

 

 

Qoyskaan ayaa ku nool 9 qolal ah wuxuna gurigooda ku yaala goob dalcad ah ama meel sare ah oo warshado ay u dhow yihin.

 

“waan jeclahay inan ahaado hooyo ,waxaan nahay qoys nasiib badan ayay Sue Radford u sheegtay wargayska The Sun waxayna intas ku dartay inay farxayso marka ay aragto caruurteeda oo isla jooga.

 

Aabaha iyo Hooyada qoyskaan ayaa noloshooda bilaabay goor hore iyagoo da’yar ah waxana ay ahaayeen xilligii ay iskuulka dhiganayeen haatanna wee ku faraxsan yihiin maxaa yeelay wiilkooda curudka ah Chris waa 23 jir haatan.

 

Hooyada qoyskaan oo lagu magacaabo Sue Radford ayaa guursatay iyadoo 18 jir ah markii ay dhamaysay iskuulka waxayna wali rajeenaysaa ha lama labo canug kale inay dhasho.

Labada gabdhood ee kusoo xiga wiilka curudka Sophie iyo Chloe ayaa da’dooda kala ah 18 jir iyo 17 jir kadib waxaa dhashtay Jack oo 15 jir ah,waxay qaaday Sue Radford uurka Daniel oo 13 jir ah waxayna heleen xilligaas guri ay iyaga leeyihiin kaas oo ah kan ay haatan degan yihiin oo dowladda ay siisay.

 

Kadib Sue Radford waxay isku xejisay oo ay dhashay carur sanad kaliya kala weyn oo caloosha isku baneeyay marka mid ay dhasho ay durbaba ay uur kale qaadaysay waxaana isku xig xigay Luka oo 11 jir ah,Millie ii 10 jir ah,Katie oo 9 jir ah,James oo 8 jir ah,Ellie oo 7 jir ah,Aimee oo 6 jir ah kadib waxaa soo kala dhex galay daah oo muddo labo sanno ah aysan dhalin kadibna waxay dhashay Josh oo 4 jir ah,Max oo 3 jir ah,Tilly May oo 2 jir ah waxay kaloo dhashay Oscar oo 1 sanno jir ah iyo Casper oo ah yaraanka reerka waxaana la dhalay bishii lasoo dhaafay.

 

Gabadha Sophie oo ah 18 jir ahna canuga 2-aad ee ugu weyn carrurta qoyskaan ayaa dhashay canug taas oo qoyska sii balaarinayso isla markaasna Hooyo Sue Radford iyo Noel ay noqdeen Ayeeyo iyo Awoowe.

 

Deeyoo News

Arimaha Bulshada

Axmws Mooge

Muqdisho / Somalia

Latest News Innaa lillah wa innaa ileyhi raajicuun ... fanaanadii weyneyd ee saada ali warsa
2014-07-23 12:11:49
Silsilada heesta caan baxday ee nolosha cusub soo dhawee oo noqotay mid la isugu
2014-07-20 20:39:48
Hambalyo aroos walaasheen deeqa aadan laami iyo seygeeda abdulkadir aadan abdull
2014-06-28 14:05:25
Hambalyo meherka fanaaniinta qaaliga ah mohamed alta iyo hodan abdirahman + nala
2014-06-28 08:39:06
Calankeena quruxda leh habeenka qotominee,, axsan hees iyo muuqaal ay fanaanada
2014-06-27 22:37:42
Xeebta liido waa hees muuqaal ah iyo xidigta kasoo bidhaantay holland ee farah k
2014-06-27 22:13:44
Waa muuqaal kale oo kamid ah safar faneedkii ay uk ku kala bixisay boqorada codk
2014-06-27 09:11:30
Fanaanada qaaliga ah ee reer swiss maandeeq nuur garaash ayaa soo saartay muuqaa
2014-06-27 09:06:39
Fanaanada caan baxday hani uk oo soo saartay muuqaal hees cusub oo la magac baxd
2014-06-27 08:26:44
Halkan nagala daawo muuqaalkii ugu danbeeyay ee gabagabada safar faneedkii uk iy
2014-06-26 09:46:03
Arimaha Bulshada Innaa lillah wa innaa ileyhi raajicuun ... fanaanadii weyneyd ee saada ali warsa
2014-07-23 12:11:49
Silsilada heesta caan baxday ee nolosha cusub soo dhawee oo noqotay mid la isugu
2014-07-20 20:39:48
Hambalyo meherka fanaaniinta qaaliga ah mohamed alta iyo hodan abdirahman + nala
2014-06-28 08:39:06
Calankeena quruxda leh habeenka qotominee,, axsan hees iyo muuqaal ay fanaanada
2014-06-27 22:37:42
Xeebta liido waa hees muuqaal ah iyo xidigta kasoo bidhaantay holland ee farah k
2014-06-27 22:13:44