Kooxda weyn ee wadanka Talyaaniga ka dhisan Juventus ayaa sheegtay inay kalsooni ku qabto inay lasoo wareegto weeraryahanka naadiga Liverpool Luis Suarez.
Weeraryahanka wadanka Uruguay Luis Suarez ayaa waxaa ceyrsi ugu jira naadiyo badan oo ka dhisan gudaha ingiriiska iyo qaaradda yurub kuwaas oo ay kamid yihiin Man city,Chelsea iyo kooxda Juventus.
Sida ay sheegayan wararka ka imaanaya magaalada Torino ee dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in kooxda ah horyaalka Talyaaniga ee Juventus ay bartil maameedsanayso Luis Suarez kaas oo ay u aragto inuu yahay ciyaaryahan dhanka gool dhalinta ka baahi tiri kara.
Inkastoo tababare Brendan Rodgers kaliya hal weeraryahan uu haysto xilligaan waana Luis Suarez weena adagtahay in xidigaas ay iibiso Liverpool lacag kasta oo loo soo bandhigo xilligaan.
Luis Suarez ayaa mushaar ahaan u qaata todobaadkiii lacag dhan 120 kun oo Gini waana lacago aad u yar iyadoo ciyaaryahanka Luis Suarez uu dalbanaayo mushaaro ka badan kuwa haatan uu ka qaato Liverpool.
Liverpool ayaa hishiis qandaraas oo gaaraya ilaa 2016-ka kula jirta Luis Suarez kaas oo dhawaanahan kusoo baxay weeraryahan gool dhaliye dhamaystiran ah.
Juventus ayaa aaminsan inay heli karto Luis Suarez haddii ay weydiimo go’aan kama dambays ah ay u dirto Liverpool bisha January.
Liverpool ayaa Luis Suarez 22.8 milyan ugu soo iibsatay bishii January 2011 kooxda AJex ee dalka Holland.
Kooxda Man city tababaraheeda oo dhawaan shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inuusan doonayn Luis Suarez.
Luis Suarez ayaa lagu qiimeenayaa lacag dhan 50 Milyan oo gini.
Xigasho Deeyoosport.com








Heestii maryan iyo fanaanka weyn legend bashiir ali hussein oo muuqaal ah nala d
Alfanaan saalax carab oo soo saaray hees muuqaal ah oo inbadan la wada sugayay e
Xidigaha caan baxay ee mursal muuse iyo xaajiyadiisa iyo weliba lamaantiisa fane
Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii
Dhageyso ama daawo hees kaban ama qaaci ah oo ay qaadeyso farxiya fiska iyo hees
Shanta hees ee maanta waxaa ka dhex muuqda farxiya fiska iyo mursal muuse ee ku
Xulka jimcaha iyo heesaha deeyoo ku dhageyso 10 hees mobilkaaga ama pc midki aad
Waxaan halkan idinkugu haynaa mid kamid ah heesaha ugu hadal haynta badan oo hal
Heesaha maanta oo jimca ah waa 5 hees ee ku dhageyso mobilkaaga ama pc midki aad
Tahniyad dhalasho oo halkan looga dirayo abdirisaq ali xaaji iyo ubax gussein sh