
Waxaan idiin soo bandhigeynaa fariin qoraal ah oo ay fanaanada caanka ah usoo dirtay dhamaan umada Soomaaliyeed gaar ahaan taageerayaasheeda ka naxay dhibkii yaraa ee loo geystay.
Qoraalka Nimco Dareen ayaa sidaan u qornaa.
"Asc Waan idin Salaamay Dhaman Umada Somaliyeed Gaar ahaan Tageerayasheyda Meel walba oy Dunida Daafaheda ka Jogan Aad ayan uga Mahad celinaya sida weyn e Bulsho Weynta Somaliyed u Daneynayeen Xaaladeyda Caafimad iyo sida weyn ey igu so Duceyen
wanan ka Xumahay Sidey warbaahinta siiba Websiteska badankodu ay Been uga qorayeen iyo warar aan jirin una Buunbuuniyen oy Dadweynaha ugu gudbinaayeen Qalaalasihii Aanan Filaneen e ka Dhacay Bandhig faneedkeyga Nairobi iyo Shirqoolki Foosha Xumaa anan Garanen cida ka Dambeysa iyo Faa'idada ugu Jirta midna!
Anigu Alxamdulilah Waxba man Noqon wanan Caafimaad Qabaa Waxana mahadaas leh Alle & Inamadi Hawsha ila wadey iyoTageerayasheyda o i difaacey Naftoodana i hurey waxanan u rajeynaya Cidi ay wax so Gadhey inu Alle caafiyo markas Shirqoolkaasna mid fashilmey ayan ku tilmaami karaa dhanka kale Amaankeygu wu Suganyey Dhacdadiina Weli Baaritaano aya socda mana Rabo inaan ka hor dhaco.
Waxaan Halkan idinku so Gudbinaya Hees & Video cusub sidan hore idinku Balan qadey wana Hees la Magac Baxdey "Dhagaxbuur" oo ah Amaan iyo Duco aan ugu Tala galay Dhulkeyga Hooyo markas Daawasho wacan Aadna waan idin jecelahay"
Hees Cusub + Video clip Cusub "Dhagax Buur"
Xuuduntii Dhulkeygaay
Xarun Gobi u Hoyataay
Hoygii Xariirtaaay
Xag Kastado La Eegaba
Xasuus Tii Mudneydeey
Xiisahaagu DhagaxBuur
Kama Go'o Xiskeygee
Xaakam Waxaan Kuu Baryayaa
Nimco Lagu Xamdiyo iyo
Xasilooni Nabadeed
Xinjirtydu Ciidey
Xidid ugu Aroortaay
Hoygii Xariirtaay
Mar Kastaba Xogtaadiyo
Dhamaantaba Xuskaga
Xiisahaagu DhagaxBuur
Igu Weyn Xaqiiqdii
Xaakam Waxaan Kuu Baryayaa
Nimco Lagu Xamdiyo iyo
Xasilooni Nabadeed
Deeyoo Music 2012








Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii
Dhageyso ama daawo hees kaban ama qaaci ah oo ay qaadeyso farxiya fiska iyo hees
Shanta hees ee maanta waxaa ka dhex muuqda farxiya fiska iyo mursal muuse ee ku
Xulka jimcaha iyo heesaha deeyoo ku dhageyso 10 hees mobilkaaga ama pc midki aad
Waxaan halkan idinkugu haynaa mid kamid ah heesaha ugu hadal haynta badan oo hal
Heesaha maanta oo jimca ah waa 5 hees ee ku dhageyso mobilkaaga ama pc midki aad
Tahniyad dhalasho oo halkan looga dirayo abdirisaq ali xaaji iyo ubax gussein sh
Ayaan taleex oo soo saartay heesteedii muftaax oo muuqaal qurxoon laga sameeyay
Heeso shan iyo fanaanad cusub oo cod macaan ayaa kamid ah xulkeena heesaha maant
Nuur faneedkii norway nasteexo indho oo lasoo kala baxday muuqaal iyo hees is wa