Halkan ka akhriso wararkii sport ee ugu danbeeyay caalamka ee deeyoo sport
Alex Ferguson oo u digay Rooney iyo Evra isagoo cuskaday 2 sababood oo kala duwan, oo Rooney ayuu ku sheegay nin is dhigay laakiin wixi hada ka danbeeya uu ilaashado booskiisa, halka uu Evra ku sheegay nin soo yara duqoobaya oo la dagaalamaya da’da wixi hada ka danbeeya.
tababare Mancini oo ku canaantay balotelli in weli u baahanyahay kubad barasho isla markaana uuna gaarin magaca Super Mario, hadii aad dadaasho magacaas waad qaadan kartaa dabcan ayuu kula kaftamay.
Oxlade Chamberlain oo ka baryaya macalin Wenger inuu ku wareejiyo mas’uuliyadii uu baneeyay Alex Song ee ahaa maamulida qadka dhexe ee kooxda, waxa uuna saaxiibadiis u sheegay in booska uu kasoo bixi karo hadii lagu aamino.
Luiz Suarez ayaa sheegay in Carlos tevez yahay ninka sabab u ah inuu yimaado Ingiriiska oo uu ku faraxsanyahay inay kasoo wada jeestaan garoonka marka ay fooda is daraan labadooda kooxood ee Liverpool iyo Manchester City kulanka 2aad ee horyaalka. waxa uu yiri kubad ahaan iyo dabeecad ahaan laguma gaaro.
Andre Villas Boas ayaa maamulka Tottenham ku amray inay shaqada ka eryaan haduu kooxdan soo gaarsiin waayo ugu yaraan kaalinta 4aad oo u suurta gelineysa inay ciyaaraan Champions League.
Yohan cabaye oo qadka dhexe uga ciyaara Newcastle iyo xulka faransiiska ayaa ku fogaaday amaanta Eden Hazard oo Chelsea u ciyaara kuna tilmaamay halyey soo jiitay indhaha caalamka iyo inuu kor u qaadayo xiisaha Premier League, isagoo intaa kasoo fogaaday mar uu yiri, Hazard waxa uu mar aan fogeyn noqonayaa laacibka aduunka.
Arsene Wenger oo ka shalaayay lacag yaraanta Arsenal isagoo laga soo xigtay in Eden Hazard yahay ninka uu lacag kasta oo la dul dhigo kusoo iibsan lahaa waa hadii ay Arsenal lacag haysan lahayd.
Macalinka Fulham Martin Jol ayaa cabsi geliyay Van Persie markii uu soo xasuusiyay in kooxdiisa Fulham tahay kooxda 2aad ee uu 2 kulan oo horyaalkii hore ahaa gool ka dhalin iyo in sanadkana sidii oo kale la damacsanyihiin.
Halkan ka akhriso wararkii sport ee ugu danbeeyay caalamka ee deeyoo sport








Top 10 ten maanta waxaa ku haynaa 10 hees iyo fanaanka weyn ee la jecelyahay abd
Walii gabar ma sheekeysateen, kaftan aan lahayn godob ma isku gacala miirteen, h
Heesaheena maanta ee shanta ah waa kuwa xiisa badan oo play list isku xiga ah ku
Ayaan tromso oo kamid ah fanaaniinta kuwooda ugu caansan xilliyadan ayaa wareyso
Heestii degmo iyo fanaankii caan baxay king khalid oo muuqaal ah idiin haynaa ee
Alfanaan sahal amoore ayaa soo saaray video aad u qurux badan iyo heestiisii dho
Heestii maryan iyo fanaanka weyn legend bashiir ali hussein oo muuqaal ah nala d
Alfanaan saalax carab oo soo saaray hees muuqaal ah oo inbadan la wada sugayay e
Xidigaha caan baxay ee mursal muuse iyo xaajiyadiisa iyo weliba lamaantiisa fane
Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii 