
Fankeenii oo markiisii horeba la daalaa dhacayay bililiqo iyo dayac ayaa hadana looga sii daray oo waxaa soo baxay nooc cusub faneed oo inta Copy dhaafay maraya in Laxanka iyo Musiga lagu shubto ereyo hadana weliba caay iyo aflgaado ah.
Fanaanad da' yar oo magaceedu yahay Hamdi Abdi ayaa kasoo muuqatay warbaahinta noocyadeeda kala duwan iyada oo qaadeysa hees ay ula baxday GARDARAN oo ay ka dabaaqtameyso heestii caan baxday ee GARAADLEY, runtiina ma xuma Copy oo waa kii iska socday burburkii kadib, balse Hamdi wax kasta oo aan ka ahayn ereyada waa ay qaadatay.
Waxaa la sheegay heestani inay jawaab u tahay heesta Falis Abdi ee GARAADLEY oo aan la yaabanahay waxa ku kalifay inay jawaabto xilligan iyo qofka ama kooxda ku dhiiri gelisay inay sidan sameyso Hamdi.
Arinta aadka iiga yaabisay ayaa ah in hees noocaan ah oo meel uga dheceysa qof ama fanaan kale in laga sii daayo mid kamid ah TV-yada ku hadla afka Soomaaliga oo weliba loo duubay hab wanaagsan oo qurux badan, dhicina karta in ay ku waayaan taageerayaal ku xiran Tv-gan.
Sheekadan musalsalka ah ee aan weli dhamaan waxay ka bilaabatay mar nin wax ku qoray website yiri waxaa soo baxday jawaabta heestii GAARSIIYA ee Ikraan Caraale, isagoo markaa qoorta isku geliyay laba fanaan oo dhalinyara ah mustaqbal fiicana kuleh fankeena.
Wixii Xilliga ka danbeeyay waxaa jiray heeso kale oo lala xiriiriyay dhacdadan sida heestii JAAR JUUNI oo ay qaaday Shukri Sindiko iyo tan hada soo baxday ee GARDARANEY waana hubaa in silsiladani tahay hab ku cusub fankeena dhibteeda iyo dheefteedana leh.
Waan hubaa in heestani aan lagu difaaceyn Ikraan Caraale oo maba taalo sabab hada looga difaaco nin ay jeceshahay xaaskiisa, waayo iyada ayaaba ah Marwo u dhaxda Saxardiid SMS, waana sharaf ka dhac heeseed lagu weeraray Ikraan Caraale iyo Falis Abdi marka aad u fiirsato ereyada ay Isticmaaleyso Hamdi oo aan hubo inay god dheer u qodeen abwaankii iyo dadkii ka danbeeyay soo bixida heestan.
Koley dhacdaye wax hala iskula haro oo halaga daayo fanka sida xun loo isticmaalayo iyo in dhalinyarada cusub lagu qaldo tooshna loogu ifiyo fanaan kale oo asaagiisa ama asaageeda ah intaas ayaana kusoo koobayaa faaladeyda gaaban.
Deeyoo Music
Mohamed Deeyoo
Deeyoo_admin@hotmail.com
Deeyoomusic@hotmail.com
Oslo / Norway








Top 10 ten maanta waxaa ku haynaa 10 hees iyo fanaanka weyn ee la jecelyahay abd
Walii gabar ma sheekeysateen, kaftan aan lahayn godob ma isku gacala miirteen, h
Heesaheena maanta ee shanta ah waa kuwa xiisa badan oo play list isku xiga ah ku
Ayaan tromso oo kamid ah fanaaniinta kuwooda ugu caansan xilliyadan ayaa wareyso
Heestii degmo iyo fanaankii caan baxay king khalid oo muuqaal ah idiin haynaa ee
Alfanaan sahal amoore ayaa soo saaray video aad u qurux badan iyo heestiisii dho
Heestii maryan iyo fanaanka weyn legend bashiir ali hussein oo muuqaal ah nala d
Alfanaan saalax carab oo soo saaray hees muuqaal ah oo inbadan la wada sugayay e
Xidigaha caan baxay ee mursal muuse iyo xaajiyadiisa iyo weliba lamaantiisa fane
Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii 