
Bogga cusub ee ciyaaraha deeyoo ka gal halkan
Kooxda haysata horyaalka Yurub ee Chelsea ayaa hogaanka u qabatay horyaalka Ingiriiska kadib guuldaro 4 gool ah oo ay dhabarka u saariyeen kooxdu ku cusub horyaalka ee Reading.
Rigoore uu Lampart ku bilaabay goolasha waxaa xigay 2 gool oo looga naxsaday Chelsea, waxaa intaa kadib hurdada ka kacay weeraryahana da'da yar ee Chelsea oo ay hor kacayaan gaagaabyada farsamada badan ee Hazard iyo Mata oo fursado badan oo isku day ah sameeyay.
Qeybtii 2aad ayey Chelsea la wareegtay taladii iyo maamulkii garoonka, waxaana u suurta gashay in Cahil dhaliyo laad xoogan, iyo Torres oo dhaliyay goolkii 3aad oo u muuqday Offsite, balse loo xukumay Chelsea, intaa wixii ka danbeeyay waxaa niyad jabay ciyaartoydii Reading oo islahaa 3 dhibcood ayaad la hoyaneysaan.
Daqiiqadii ugu danbeysay ciyaarta ayey Reading heleen kubad koorno ah oo ay dhamaan ciyaartoydii soo wada galeen goolka Chelsea xitaa goolhayahoodii, markii ay Chelsea iska difaacday ayuu Torres kubad u tuuray Hazard oo lasoo qaban waayay ilaa goolka afkiisa u dhigo Ivanovic oo sahal ku dhaliyay goolkii 4aad ee ciyaarta iyo weliba goolkiisii 2aad labadii kulan ee uu ciyaaray.
Chelsea ayaa hada 6 dhibcood hogaanka ku haysa, inkasta oo ay ciyaartay 2 kulan waxaa garoonka ku wada jiray Hazard iyo Oscar oo dhawaan lasoo iibsaday waxayna baasas gaagaaban oo aad u qurxoon la qeybsadeen xidigihii kale ee Chelsea sida Mata iyo Torres oo la dhihi karo hab ciyaareedkii Chelsea wax badan ayaa iska badalay maadaama ay hada heleen rag ay farsamadoodu aad u sareyso.
Kulamada kale ee kooxaha kale ayaa la ciyaarayaa maalmaha soo socda sida Sabtida iyo Axada, wixii soo kordhana kala soco halka deeyoosport mar walba.
Source from Deeyoosport.com








Dhakafaar waa mid kamid ah hessihii ugu cajiibsanaa ee sanadahan la qaado iyo iq
Yax yax waa hees uu jaceyl ku dhamaaday waa codkii iyo muuqaalkii nilicdii banaa
Maseyr waa hees cusub oo dhab ka hadal ah iyo fanaanada qaaliga ah ayaan taleex
Hees cusub iyo fananaka sanadka waa mursal muuse iyo heestiisa xidaarada jaceylk
Heestii quman iyo fanaanka caanka ah ee waqooyiga amerika abdiasis iskalaji oo m
Hees aad u macaan oo shirib ah iyo fanaanka codka macaan ee reer swiss omar shar
Tobankii 10 hees ee ugu danbeeyay ee aan kasii deyno deeyoo music ku dhageyso mo
Cadaay iyo junyarka qaranka norwey oo soo gaaray semifinaalaha qaramada yurub iy
Hooyoy macaaney, allow jannada ku geey,,, best hooyo song 2013, jooqle shire new
Daadooy,, hees banaadiri ah oo hadana talantaali ah iyo weliba daadis, fanaaniin