NB: HALKAN KA GAL BOGGA CIYAARAHA CUSUB EE DEEYOOSPORT:COM
Kabtanka kooxda Man utd Nemanja Vidic ayaa dib ugu soo laabtay garoomada kadib 8 bilood oo uu ciyaaraha ka maqnaa isagoo ciyaaray kulankii xalay ay Man utd 0-0 la gashay kooxda Valarenga.
Nemanja Vidic oo 30 jir ah ayaa xilligii lasoo dhaafay ka dhaawacmay jilibka kulan ay bishii December sanadkii hore kaga horjeedeen ciyaaraha yurub.
“waxaa daremayaa caafimad,jilibkayga wuu wanaagsan yahaywaxana rajeenayaa in ciyaaraha kale aan kasii fiicnaan doono sidaan hadda ahay ayuu u sheegay Nemanja Vidic TV-ka kooxda Man utd.
Kooxda Manchester utd ayaa kulankaan waxaa Tababare u ahaa Mike Phelan oo ah Tababare xigeenka kooxda iyadoo Fergusen uu kusoo haray Ingiriiska waxaana la sheegay in howlo kooxda iyo sidi Robin Van Persie loola soo wareegi lahaa uu ku mashquulsanaa.
Daafaca dambeedka bidix Patrice Evra aya ka maqnaa ciyaartaan isagoo dib ugu laabtay magaalada Manchester halkasa oo la sheegay in xaaskisa ay canug dhashay.
Labadaba Fegusen iyo Evra ayaa la sheegay inay dib ugu soo laabanyaan kooxda ciyaarta Arbacada ay la ciyaarayan kooxda Barcelona taas oo ka dhacayso magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.
Kooxda Man utd ayaa u socdaalayso magaalada Gothenburg si ay dagaal ciyaared ula gasho Barcelona.
Nemanja Vidic wuxuu shaaca ka qaaday inuu dib ugu soo laaban doono ciyaaraha kadib sideed bilood oo uu maqnaa.
Kooxda Man utd xidigihi u safnaa kulankaan.
Lindegaard; Valencia, Vidic (Anderson 61), Ferdinand, M Keane; Nani, Carrick, Scholes (Powell 75), Young (Lingard 75); Rooney (Chicharito 76), Welbeck (Kagawa 61).
Badal aan la isticmaalin: De Gea, Jones, Berbatov, Macheda.








Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii
Dhageyso ama daawo hees kaban ama qaaci ah oo ay qaadeyso farxiya fiska iyo hees
Shanta hees ee maanta waxaa ka dhex muuqda farxiya fiska iyo mursal muuse ee ku
Xulka jimcaha iyo heesaha deeyoo ku dhageyso 10 hees mobilkaaga ama pc midki aad
Waxaan halkan idinkugu haynaa mid kamid ah heesaha ugu hadal haynta badan oo hal
Heesaha maanta oo jimca ah waa 5 hees ee ku dhageyso mobilkaaga ama pc midki aad
Tahniyad dhalasho oo halkan looga dirayo abdirisaq ali xaaji iyo ubax gussein sh
Ayaan taleex oo soo saartay heesteedii muftaax oo muuqaal qurxoon laga sameeyay
Heeso shan iyo fanaanad cusub oo cod macaan ayaa kamid ah xulkeena heesaha maant
Nuur faneedkii norway nasteexo indho oo lasoo kala baxday muuqaal iyo hees is wa