NB: HALKAN KA GAL BOGGA CIYAARAHA CUSUB EE DEEYOOSPORT:COM
Tababare Arsene Wenger oo aad loogu eedeeyo saxiix la,aanta xidigo la yaqaan ayaa sanadka seefta gasha kala baxay isagoo horey usoo iibsaday labada xidig ee Giroud iyo Padolski hadana kusoo daraya laba kale oo ka imaanaya horyaalka Spain.
Santi Cazorla oo u ciyaara xulka Spain iyo kooxda malaga ayaa la sheegayaa inuu maray tijaabadii ama baaritaankii caafimaad ee kooxda Arsenal, waxaana maalma yar lagu dhameystirayaa heshiis 4 sano ah oo ku kacaya aduun gaaraya ilaa iyo 20 Milyan oo lacagta Ingiriiska ah, waxa uuna noqon doonaa ninkii ugu qaalisanaa oo ay abid Arsenal soo iibsato.
Xidigan oo ka ciyaara weerarka qadka dhexe ama geesaha ayaa kamid ahaa xulkii Spain ee hantiyay koobkii aduunka iyo kuwii yurub 4tii sano ee ugu danbeysay, waxaana la sheegaa inuu aad ugu wanaagsanyahay kubada ama laadadka dhaadheer iyo weliba kubad dhiibida da'diisuna waa 27 jir.
waxaa isna la saadaalinayaa in maalmo yar gudahood uu kooxdan waqooyiga London kusoo biiro Nuri Sahin oo u dhashay dalka Turkiga laakiin u ciyaara kooxda Real Madrid, heshiiska labada koox ayaa la sheegay inuu ku bilaabanayo mid amaah sanad ah, kadibna ay kala iibsan karaan hadii ay ku heshiiyaan.
Sahin ayaa isna ah nin ka ciyaara qadka dhexe, warbaahinta ayaana bilaabay in labadan xidig ay la meel dhigaan bedelka Nasri iyo Fabregas oo sanad ka hor isaga hayaamay Arsenal.
NB: HALKAN KA GAL BOGGA CIYAARAHA CUSUB EE DEEYOOSPORT:COM
Mohamed Deeyoo
Deeyoo_admin@hotmail.com
deeyoomusic@hotmail.com
Oslo / Norway








Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii
Dhageyso ama daawo hees kaban ama qaaci ah oo ay qaadeyso farxiya fiska iyo hees
Shanta hees ee maanta waxaa ka dhex muuqda farxiya fiska iyo mursal muuse ee ku
Xulka jimcaha iyo heesaha deeyoo ku dhageyso 10 hees mobilkaaga ama pc midki aad
Waxaan halkan idinkugu haynaa mid kamid ah heesaha ugu hadal haynta badan oo hal
Heesaha maanta oo jimca ah waa 5 hees ee ku dhageyso mobilkaaga ama pc midki aad
Tahniyad dhalasho oo halkan looga dirayo abdirisaq ali xaaji iyo ubax gussein sh
Ayaan taleex oo soo saartay heesteedii muftaax oo muuqaal qurxoon laga sameeyay
Heeso shan iyo fanaanad cusub oo cod macaan ayaa kamid ah xulkeena heesaha maant
Nuur faneedkii norway nasteexo indho oo lasoo kala baxday muuqaal iyo hees is wa