HomeNewsBandhiga DeeyooWararka XidigahaArimaha FankaMusic Sport Contacts
La Mood Noqonse Weyday, Zamzam & Mohamed Maxaa Loo Jah Wareeriyay Aaway Shaqadii Gos, Faalo
2012-08-04 10:49:28

Qormadeyda ayaan marka hore ku bilaabayaa Hambalyo aan u dirayo labada orodyahan ee Mohamed iyo Zamzam oo runtii muujiyay niyad iyo akhlaaq wanaag, isla markaana soo bandhigay intii ay awoodeen oo runtii aan hubo hadii ay heli lahaayeen tasiilaadka ay u baahanyihiin meel ka fiican gaari lahaa kaalinta ay hada galeen.
Waxaan hambalyo kale hawada u marinayaa dhamaan shacab weynaha Soomaaliyeed ee u heelan sidii ay u heli lahaayeen halyeeyo Sport, waxa ay muujiyeen sida ay u jecelyihiin ciyaaraha iyo inay mar uun haleelaan ruux ku dhiig ah oo garoomada caalamiga ah laga qadariyo.
Intaas markaan uga haro hambalyada waxaan usoo jeesanayaa sida ay wax u dheceen ama u socdaan oo aan runtii aad u saluugsanahay gaar ahaan gudiga Olympikada Soomaaliyeed ee GOS iyo xiriirka ciyaaraha fudud oo isaga keen dhigay dad shaqadooda gutay kadib markii ay 2 ciyaariyahan keenaan magaalada London, howshuna intaa kaliya ku ekaato.
Dal kasta ama ciyaariyahan kasta oo kasoo qeyb galaya ciyaarahan xiisaha badan waxa uu soo maray tartan is reebreeb, kadibna la siiyay waqti ay isku diyaariyaan iyagoo laga warqabo caafimaad ahaan iyo nolol ahaan, balse waan hubaa in Mohamed iyo Zamzam lagu bahdilay garoonkii weynaa ee bariga magaalada London kadib natiijo xumo ayna sababtooda lahayn, laakiin ay dad kale oo hareerahooda taagnaa sabab u yihiin.
Anigoo si aad ah ula socday wararka ku saabsan xidigahan Soomaaliyeed waxaan hubaa in lagu jah wareeriyay shaqo ka baxsan tii ay u yimaadeen London, waxaan arkayay iyagoo marba dhinac magaalada London loola cararayo dadkana looga dhigayo xidigo kusoo guuleystay bilado dahab ah, habeenadiina kasoo baxayay shaashadaha laga daawado wararka Soomaalida.
Ma xuma in loo sameeyo soo dhaweyn wanaagsan, laakiin in la hilmaansiiyo waajibkoodii ciyaariyahanimo oo ahaa in la xareeyo, tababar habeen iyo maalin ah la siiyo, nasasho iyo caafimaadkooda aad looga war qabo, warbaahintana laga ilaaliyo ilaa ay soo gutaan wixii ay u yimaadeen London.
Taas badalkeeda waxaa laga dhigay oo loola dhaqmay sidi dad fanaaniin ama jilayaal xayeesiin loo sameynayo filim ama hees ay soo saareen, oo waxaan xitaa aad ula yaabay markii aan ka arkay Tv kamid ah kuwa Soomaalida iyadoo la leeyahay hadaa rabto inaad aragto labadan xidig waa inaad galabtii iska soo xaadiriso meel Kaffe ah oo ku taal galbeedka London.
Waa yaabe ma waxay daganyihiin Shepherds Bush mise xarunta Olympikada ee Bariga London, ma siyaasiyiin baa mise waa ciyaariyahano shaqo culus hor taalo, aaway gudigii iyo dadkii masuulka ka ahaa ee ka keenay Muqdisho, mise waxaa howshii Olympikada la wareegay Tv-ga aan hubo inuu sumcad ka raadinayo howsha qaran ee naga wada dhexeysa.
GOS oo ah hey'ada maamusha ciyaaraha dalkeena ayaa u muuqata mid gabtay waajibaadkii loo yagleeyay, waxaana hada hor boodaya oo la wareegay maamulkeeda qurba joog u badan reer London ama Uk ah kadib geeridii ku timid allaha u naxariistee Halgame Wiish iyo ragii garbihiisa buuxin jiray, ilaa hadana lama qaban lamana shaacin wax doorasho ah, waxaana u arkaa in qolada hada meesha joogtaa ay isaga qanacsantahay sida xaalku yahay.
Hadaba ma dan baa noogu jirta in aan ku faano 2 ciyaariyahan ayaan kusoo dhex darsanahy malaayiinta qofood ee ku damaashaadaya London, Wiilkan iyo gabadhan lasoo marsiiyay safarka dheer oo hadana aan hubo in la hagraday waxaan u rajeynayaa guul mustaqbalka dhaw iyo kan dheer, waxaana ku dhiiri gelinayaa in aysan niyad jabin oo ay sameeyaan dadaal iyo tababar dheeri ah, iyo in ay kala gartaan cidda u daneyneysa iyo cida ku daneysaneysa.
Gunaanadka qormadeydan oo ka dhalatay natiijo xumo iyo faanka masuuliyiinta ciyaaraha dalkeena ayaan ku joojinayaa Mohamed iyo Zamzam oo aan hubo inaad noo tihiin halyeeyo aan xasuusan doono hambalyo, hambalyo, hambalyo. Waan hubaa in la idiin sameeyay soo dhaweyn laakiin si lamid ah la idiin hagraday oo waxaa la idin geliyay jawi ka baxsan hab dhaqanka iyo maamuuska loogu tala galay qof ciyaariyahan ah, iska dulqaata walaalayaal mar walaban guushu waa dhankiina,
Gudiga Olympikada Soomaaliyeed ee GOS ha ceebeynina magaca weyn ee aad huwantihiin ee la imaada howsha qaran ee mataleysaan, meeshu ma aha xisbi siyaasadeed ee fadlan wax ka badala hab maamulka iyo inaad qabataan doorasho, si loo helo dad kasoo bixi kara isku xirka xiriirada kala duwan iyo ciyaartoyda.
Wabillahi Towfiq.
Mohammed A Omar (Deeyoo)
Deeyoo_admin@hotmail.com
Deeyoomusic@hotmail.com
Oslo / Norway 

Qormadeyda ayaan marka hore ku bilaabayaa Hambalyo aan u dirayo labada orodyahan ee Mohamed iyo Zamzam oo runtii muujiyay niyad iyo akhlaaq wanaag, isla markaana soo bandhigay intii ay awoodeen oo runtii aan hubo hadii ay heli lahaayeen tasiilaadka ay u baahanyihiin meel ka fiican gaari lahaa kaalinta ay hada galeen.

Waxaan hambalyo kale hawada u marinayaa dhamaan shacab weynaha Soomaaliyeed ee u heelan sidii ay u heli lahaayeen halyeeyo Sport, waxa ay muujiyeen sida ay u jecelyihiin ciyaaraha iyo inay mar uun haleelaan ruux ku dhiig ah oo garoomada caalamiga ah laga qadariyo.

Intaas markaan uga haro hambalyada waxaan usoo jeesanayaa sida ay wax u dheceen ama u socdaan oo aan runtii aad u saluugsanahay gaar ahaan gudiga Olympikada Soomaaliyeed ee GOS iyo xiriirka ciyaaraha fudud oo isaga keen dhigay dad shaqadooda gutay kadib markii ay 2 ciyaariyahan keenaan magaalada London, howshuna intaa kaliya ku ekaato.

Dal kasta ama ciyaariyahan kasta oo kasoo qeyb galaya ciyaarahan xiisaha badan waxa uu soo maray tartan is reebreeb, kadibna la siiyay waqti ay isku diyaariyaan iyagoo laga warqabo caafimaad ahaan iyo nolol ahaan, balse waan hubaa in Mohamed iyo Zamzam lagu bahdilay garoonkii weynaa ee bariga magaalada London kadib natiijo xumo ayna sababtooda lahayn, laakiin ay dad kale oo hareerahooda taagnaa sabab u yihiin.

Anigoo si aad ah ula socday wararka ku saabsan xidigahan Soomaaliyeed waxaan hubaa in lagu jah wareeriyay shaqo ka baxsan tii ay u yimaadeen London, waxaan arkayay iyagoo marba dhinac magaalada London loola cararayo dadkana looga dhigayo xidigo kusoo guuleystay bilado dahab ah, habeenadiina kasoo baxayay shaashadaha laga daawado wararka Soomaalida.

Ma xuma in loo sameeyo soo dhaweyn wanaagsan, laakiin in la hilmaansiiyo waajibkoodii ciyaariyahanimo oo ahaa in la xareeyo, tababar habeen iyo maalin ah la siiyo, nasasho iyo caafimaadkooda aad looga war qabo, warbaahintana laga ilaaliyo ilaa ay soo gutaan wixii ay u yimaadeen London.

Taas badalkeeda waxaa laga dhigay oo loola dhaqmay sidi dad fanaaniin ama jilayaal xayeesiin loo sameynayo filim ama hees ay soo saareen, oo waxaan xitaa aad ula yaabay markii aan ka arkay Tv kamid ah kuwa Soomaalida iyadoo la leeyahay hadaa rabto inaad aragto labadan xidig waa inaad galabtii iska soo xaadiriso meel Kaffe ah oo ku taal galbeedka London.

Waa yaabe ma waxay daganyihiin Shepherds Bush mise xarunta Olympikada ee Bariga London, ma siyaasiyiin baa mise waa ciyaariyahano shaqo culus hor taalo, aaway gudigii iyo dadkii masuulka ka ahaa ee ka keenay Muqdisho, mise waxaa howshii Olympikada la wareegay Tv-ga aan hubo inuu sumcad ka raadinayo howsha qaran ee naga wada dhexeysa.

GOS oo ah hey'ada maamusha ciyaaraha dalkeena ayaa u muuqata mid gabtay waajibaadkii loo yagleeyay, waxaana hada hor boodaya oo la wareegay maamulkeeda qurba joog u badan reer London ama Uk ah kadib geeridii ku timid allaha u naxariistee Halgame Wiish iyo ragii garbihiisa buuxin jiray, ilaa hadana lama qaban lamana shaacin wax doorasho ah, waxaana u arkaa in qolada hada meesha joogtaa ay isaga qanacsantahay sida xaalku yahay.

Hadaba ma dan baa noogu jirta in aan ku faano 2 ciyaariyahan ayaan kusoo dhex darsanahy malaayiinta qofood ee ku damaashaadaya London, Wiilkan iyo gabadhan lasoo marsiiyay safarka dheer oo hadana aan hubo in la hagraday waxaan u rajeynayaa guul mustaqbalka dhaw iyo kan dheer, waxaana ku dhiiri gelinayaa in aysan niyad jabin oo ay sameeyaan dadaal iyo tababar dheeri ah, iyo in ay kala gartaan cidda u daneyneysa iyo cida ku daneysaneysa.

Gunaanadka qormadeydan oo ka dhalatay natiijo xumo iyo faanka masuuliyiinta ciyaaraha dalkeena ayaan ku joojinayaa Mohamed iyo Zamzam oo aan hubo inaad noo tihiin halyeeyo aan xasuusan doono hambalyo, hambalyo, hambalyo. Waan hubaa in la idiin sameeyay soo dhaweyn laakiin si lamid ah la idiin hagraday oo waxaa la idin geliyay jawi ka baxsan hab dhaqanka iyo maamuuska loogu tala galay qof ciyaariyahan ah, iska dulqaata walaalayaal mar walaban guushu waa dhankiina.

Gudiga Olympikada Soomaaliyeed ee GOS ha ceebeynina magaca weyn ee aad huwantihiin ee la imaada howsha qaran ee mataleysaan, meeshu ma aha xisbi siyaasadeed ee fadlan wax ka badala hab maamulka iyo inaad qabataan doorasho, si loo helo dad kasoo bixi kara isku xirka xiriirada kala duwan iyo ciyaartoyda.

Wabillahi Towfiq.

Mohammed A Omar (Deeyoo)

Deeyoo_admin@hotmail.com

Deeyoomusic@hotmail.com

Oslo / Norway 

Latest News Hees jaceyl aad u macaan dhiigana ku dhaqaajineysa ayey soo saartey xidigta scan
2015-04-19 14:01:56
Xidiga norway hussein nuuriyow ayaa soo saaray muuqaalka heesta is qabooji oo ja
2015-04-16 18:51:40
Fanaanadeena weyn ee reer norway nasteexo indho ayaa soo saartey hees aad u qiim
2015-03-25 00:47:47
Fatima haryan xidigta holland ayaa soo af jartey silsilad faneedkii wadada ku qu
2015-03-25 00:24:05
Boqorka shiribka hussein nuuriyow ayaa soo saarey jawaabtii ugu danbeysay ee hee
2015-03-23 02:21:12
Fanaankeena reer norway feysal dheere ayaa usoo jawaabey sabriina muuse iyo farx
2015-03-23 00:03:18
Fanaan dhalinyar oo reer uk ah ayaa soo saarey hees aad u macaan oo weliba wadat
2015-03-19 11:45:56
Xidig faneedka reer uk sabriina muuse ayaa jawaab kulul indhaha kala baxdey fana
2015-03-14 14:10:44
Hees ay hada soo saartey fanaanada weyn rahma rose ayaa waxa soo baxaya in heest
2015-03-13 20:53:39
Madaafiicdii lagu garaacayay rag xumayaasha oo halkii kasii socda iyo princess h
2015-03-13 10:49:48
Arimaha Bulshada Hees jaceyl aad u macaan dhiigana ku dhaqaajineysa ayey soo saartey xidigta scan