
Xaflad weyn oo loogu tala galay soo dhaweynta iyo isku diyaarinta ciyaaraha aadka loo wada sugayo ee London Olympic Games 2012, waxaana kasoo qeyb galay fanaaniin ka kala socotay aduunka dacaladiisa sida Afrika, Asia, Yurub iyo America.
Waxaa kooxahan iyo fanaaniintan loo kala qeybiyay deegaan dhuleedka ay leeyihiin sida Geeska Afrika, Galbeedka Afrika, Latin America, Bariga Fog iwm. waxaana dalkeena Sooomaaliya oo dhaca geeska Afrika ay qeyb ku wada jireen dalalka Ethiopia, Djibouti iyo Eritrea.
Fanaanada caanka ah ee da,da yar Ikraan Mohamed caraale ayaa u taagneyd astaanta iyo Luqada dalkeena marka ay noqota soo bandhigida heesaha aan caanka ku nahay, waxaana dhanka ciyaaraha aad loola dhacay hab ciyaareedkii hidaha iyo dhaqanka ay kusoo bandhigayeen dhalinyaro reer Ethiopia ah oo loo xulay inay ku ciyaaraan heesaha dalalka aan kor kusoo xusnay.
Waxaa goobta xaflada joogay shabakadan deeyoo.com oo nasiib u yeelatay inay noqoto tan kaliya ee Soomaalida ah ee xaadirka ku ahayd bandhig faneedkan cajiibka ahaa oo ay kasoo qeyb galeen kumanaan dadweyne ka kala socday qowmidiyaha aduunka.
Waxaana idinkaaga soo qabanay Clip ama Video yar oo aan ugu taka galnay inaad nala aragtaan sida ay wax u dhacayeen iyo hab faneedkii ay soo bandhigtay Ikraan caraale oo aad loola dhacay dhamaan kumanaankii dad ahaa ee kasoo qeyb galay.
Festivalkan ama bandhig faneedkan ayuu u noqonayaa Ikraan caraale mid ay magac iyo horumar ku gaarto fankeeda ah, waxa ayna sidoo kale dhiiri gelin u noqoneysaa dhamaan fanaaniinta kale ee jecel inay hiigsadaan heer caalami ah mustaqbalka dhaw iyo kan fog intaba.
Hadii aan nahay bahda deeyoo waxaan halkaan uga hambalyeyneynaa Ikraan caraale iyo horumarkeeda faneed, waxaa sidoo kale amaan mudan Liibaan, Akiila iyo Omar Teesiyow oo dhiirigelinayay iyo ugu danbeyn Bushaaro iyo Hibaaq oo mar walba la garab taagnaa hiil iyo hoo aan hagar lahayn tan iyo soo hanaqaadka fankeeda.
Daawasho wacan Ikraan caraale iyo heesta Hobeeya.
Mohamed Deeyoo
deeyoo_admin@hotmail.com
deeyoomusic@hotmail.com
London / Uk








Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii
Dhageyso ama daawo hees kaban ama qaaci ah oo ay qaadeyso farxiya fiska iyo hees
Shanta hees ee maanta waxaa ka dhex muuqda farxiya fiska iyo mursal muuse ee ku
Xulka jimcaha iyo heesaha deeyoo ku dhageyso 10 hees mobilkaaga ama pc midki aad
Waxaan halkan idinkugu haynaa mid kamid ah heesaha ugu hadal haynta badan oo hal
Heesaha maanta oo jimca ah waa 5 hees ee ku dhageyso mobilkaaga ama pc midki aad
Tahniyad dhalasho oo halkan looga dirayo abdirisaq ali xaaji iyo ubax gussein sh
Ayaan taleex oo soo saartay heesteedii muftaax oo muuqaal qurxoon laga sameeyay
Heeso shan iyo fanaanad cusub oo cod macaan ayaa kamid ah xulkeena heesaha maant
Nuur faneedkii norway nasteexo indho oo lasoo kala baxday muuqaal iyo hees is wa