HomeNewsChampoins LeagueWararka SuuqaArimaha BulshadaMusic Contacts
Abdisalan Cadaay Oo Deyn Ugu Wareegay Koox Ka Dhisan Dalka Norway Inta Ka Dhiman Sanadkan 2013ka
2012-07-13 23:12:02

Sawirkani waa Abdisalan oo kubad kula dagaalaya Mascherano ciyaar dhex mareysay Liverpool iyo Manchester City.

 

Abdisalaan Cadaay oo 21 jir ah una ciyaara kooxda maalqabeenka ah ee Manchester City ayaa deyn ama amaah lagu siiyay kooxda hogaanka u haysa horyaalka Norway ee Strømsgodset inta ka harsan sanadkan aynu ku jirno.


Cadaay oo sanadkii hore amaah ugu maqnaa dalka Holland gaar ahaan kooxda Nijmegen ayaa isku dayay sidii uu ula qabsan lahaa kooxdan ay hareeyeen xidigo ka kala yimid dunida dacaladeeda, laakiin markuu arkay xaalka meesha yaala ayuu fursad qaali ah u arkay inuu awoodiisa kubadeed kusoo bandhigo dalka uu intiisa badan kusoo barbaaray ee Norway.


Abdisalan cadaay oo mustaqbal fiican kuleh kubada cagta ayaa lamid noqday ciyaartoyda dhalinta yar ee u ciyaara kooxaha waaweyn ee maalqabeenka ah oo inta badan door bida xidig weyn, inti ay fursad siin lahaayeen xidigaha ay iyagu soo barbaarsadaan, waana arimaha sida aadka loogu eedeeyo iyagoo qarash badan ku bixiyo soo saarida dhalinyaradan hadana iska hilmaama markii ay mirahooda guran lahaayeen.


Kooxda uu hada amaahda ugu imaanayo ayaa ah koox ay wada shaqeyn weyn kala dhexeyso Manchester City, horeyna uga faa'iideysatay fursadaan oo kale oo waxa ayba hada hogaanka u hayaan horyaalka dalka Norway oo ay u badantahay inay ku guuleystaan sanadkan, Abdisalaana kaalintiisa iyo xirfadiisa ciyaareed ku caawiyo, waxaana aad u amaanay warbaahinta Norway oo inta badan soo qoray warkan.


Xidigan dhalinyarada ah ayaa kooxda haysata horyaalka Ingiriiska ee Manchester City ka tirsanaa muddo 5 sano oo waxaa uu yimid isaga oo 16 jir ah, waxaa ku adkaatay sidii fursad ugu heli lahaa kooxdan oo inta badan soo iibsato laacibiin waaweyn oo ay ku qarash gareyso lacago aad u fara badan. sidoo kale waxa uu u ciyaaray xulka da' yarta Norway iyo weliba qaranka dalkeena Soomaaliya.



Waxaa soo diyaariyay

Mohamed Deeyoo

deeyoo_admin@hotmail.com

Oslo / Norway

Latest News Alfanaan saalax carab oo soo saaray hees muuqaal ah oo inbadan la wada sugayay e
2013-05-19 11:17:39
Xidigaha caan baxay ee mursal muuse iyo xaajiyadiisa iyo weliba lamaantiisa fane
2013-05-19 11:11:35
Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii
2013-05-14 12:31:04
Dhageyso ama daawo hees kaban ama qaaci ah oo ay qaadeyso farxiya fiska iyo hees
2013-05-13 22:59:31
Shanta hees ee maanta waxaa ka dhex muuqda farxiya fiska iyo mursal muuse ee ku
2013-05-13 22:50:31
Xulka jimcaha iyo heesaha deeyoo ku dhageyso 10 hees mobilkaaga ama pc midki aad
2013-05-10 14:07:09
Waxaan halkan idinkugu haynaa mid kamid ah heesaha ugu hadal haynta badan oo hal
2013-05-10 11:50:36
Heesaha maanta oo jimca ah waa 5 hees ee ku dhageyso mobilkaaga ama pc midki aad
2013-05-10 11:39:27
Tahniyad dhalasho oo halkan looga dirayo abdirisaq ali xaaji iyo ubax gussein sh
2013-05-10 11:17:52
Ayaan taleex oo soo saartay heesteedii muftaax oo muuqaal qurxoon laga sameeyay
2013-05-08 15:54:51
Arimaha Bulshada Alfanaan saalax carab oo soo saaray hees muuqaal ah oo inbadan la wada sugayay e
2013-05-19 11:17:39
Xidigaha caan baxay ee mursal muuse iyo xaajiyadiisa iyo weliba lamaantiisa fane
2013-05-19 11:11:35
Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii
2013-05-14 12:31:04
Dhageyso ama daawo hees kaban ama qaaci ah oo ay qaadeyso farxiya fiska iyo hees
2013-05-13 22:59:31
Shanta hees ee maanta waxaa ka dhex muuqda farxiya fiska iyo mursal muuse ee ku
2013-05-13 22:50:31