HomeNewsChampoins LeagueWararka SuuqaArimaha BulshadaMusic Contacts
John Terry Oo Lagu Waayay Danbigii Cunsurinimo Ee Uu Kusoo Oogay Anton Ferdinand
2012-07-13 21:52:30

 

John Terry ayey maxkamadii qaadeysay dacawadii cunsurinimo ku weysay wax danbi ah kadib 4 maalin oo ay socotay dacwadaas oo uu soo gudbiyay ninka difaaca uga ciyaara QPR Anton Ferdinand.


Xaakinkii maxkamada ayaa sheegay kadib markii ay dhageysteen labadii dhinac ee is haysaty in aysan muuqanin wa cunsurinimo toos ah oo uu ku kacay kabtanka Chelsea John Terry, waxa uuna ka dhaqaajiyay in wixii hada ka danbeeyaa uu fasaxanyahay xidigan, halkaana lagu soo dhameeyo wixii dacwo iyo hadalo bilihii ugu danbeeyay la isla dhex marayay.


Anton Ferdinand oo ah wiilka ka yar Rio Ferdinand oo Manchester u ciyaara ayaa mar walba ku taagnaa in ninkani ku isticmaalay ereyo fool xun oo meel ka dhac cunsuriyeysan ah, taas qasabtay in la isla soo gaaro ilaa maxkamadan si loo kala saaro ragan is haysta.


Terry ayaa dhankiisa taagnaa in marnaba uusan ku isticmaalin wax cunsuriyad ah wiilkan iyo wixii ka horeeyay intii uu noolaa, waxa uuna sheegay in isagu yahay dhibanaha meesha taagan, sababna uga dhigay sharaf ka dhac iyo waqti lumis lagu sameeyay.


Wakiiladii ama garyaqaanadii labadan xidig ayaa ku wada qancay go'aanka maxkamada welina lama hayo wax hadal ah oo kasoo baxay ragan 4ta maalmood maxkamada lagu haystay.


Terry ayaa qirtay 2 maalin kahor in Ferdinand ku qasbay inuu iska caayo ama u jawaabo, waxa ka keenayna ay ahaayeen xanaaq iyo inuu gaarsiiyay meel aanu kasoo noqon karin, osagoo kasoo qaatay ereyo qaar caay ahaa oo ku sheegay (Xaaskii Weyn Bridge kadib ma jirtaa rag kale oo saaxiibadaa ah oo aad naagahooda u dhuumatay) iyo kuwo kale oo kasii xun.


Dcawadan ay maxkamdu soo dhameysay ayaa socotay tan iyo bishii Oktobar 23 keedi sanadkii hore markii ay ciyaar ka tirsaneyd Premier League wada ciyaarayeen QPR iyo Chelsea oo ay labadan rag uga kala ciyaaraan difaaca.



Waxaa soo diyaariyay

Mohamed Deeyoo

deeyoo_admin@hotmail.com

Oslo / Norway

Latest News Top 10 ten maanta waxaa ku haynaa 10 hees iyo fanaanka weyn ee la jecelyahay abd
2013-05-21 12:44:23
Walii gabar ma sheekeysateen, kaftan aan lahayn godob ma isku gacala miirteen, h
2013-05-21 10:49:30
Heesaheena maanta ee shanta ah waa kuwa xiisa badan oo play list isku xiga ah ku
2013-05-21 10:45:34
Ayaan tromso oo kamid ah fanaaniinta kuwooda ugu caansan xilliyadan ayaa wareyso
2013-05-20 17:02:42
Heestii degmo iyo fanaankii caan baxay king khalid oo muuqaal ah idiin haynaa ee
2013-05-20 16:53:59
Alfanaan sahal amoore ayaa soo saaray video aad u qurux badan iyo heestiisii dho
2013-05-20 16:33:52
Heestii maryan iyo fanaanka weyn legend bashiir ali hussein oo muuqaal ah nala d
2013-05-19 19:03:38
Alfanaan saalax carab oo soo saaray hees muuqaal ah oo inbadan la wada sugayay e
2013-05-19 11:17:39
Xidigaha caan baxay ee mursal muuse iyo xaajiyadiisa iyo weliba lamaantiisa fane
2013-05-19 11:11:35
Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii
2013-05-14 12:31:04
Arimaha Bulshada Top 10 ten maanta waxaa ku haynaa 10 hees iyo fanaanka weyn ee la jecelyahay abd
2013-05-21 12:44:23
Walii gabar ma sheekeysateen, kaftan aan lahayn godob ma isku gacala miirteen, h
2013-05-21 10:49:30
Heesaheena maanta ee shanta ah waa kuwa xiisa badan oo play list isku xiga ah ku
2013-05-21 10:45:34
Ayaan tromso oo kamid ah fanaaniinta kuwooda ugu caansan xilliyadan ayaa wareyso
2013-05-20 17:02:42
Heestii degmo iyo fanaankii caan baxay king khalid oo muuqaal ah idiin haynaa ee
2013-05-20 16:53:59