Liverpool oo raajicis ugu jirta sidii ay ugu ciyaari lahayd qaabka xulka Spain iyo Barcelona kadib is badalkii dhanka tababarka.
Kooxda Liveropool waa inay u ciyaartaa sida Spain waa hadal laga hayo mid kamid ah laacibiinta kooxdan oo dhalashadiisu tahay Spain magaciisuna yahay Jose Enrique.
Xidigan difaaca bidix ka ciyaara ayaa laga soo xigtay in guusha xulka Spain ayna ahayn mid iska timid laakiin hab ciyaareedkeeda kubadeed gaarsiiyay 6dii sano ee ugu danbeysay 3 koob oo 2 tahay Yurub midna yahay kan aduunka.
Hadalka Enriqoe ayaa imanaya kadib markii uu kooxda la wareegay tababare Brenden Rodgers oo lagu wada xasuusto markii uu tababarayay kooxda yar ee Swansea City oo soo jiidatay indhaha caalmka kadib markii ay ka badiyeen kooxo ay kamid yihiin Manchester City, Arsenal iyo kooxo kale oo waaweyn iyo weliba uyaga oo ka ciyaar iyo kubad dhiibis badnaa.
tababarahan ayaa inta badan jecel in kooxda uu tababarayo u ciyaarto hab u eg kan Spain iyo Barcelona oo ku dhisan isku dhiidhiib gaagaaban oo wareer ku rida kooxda kasoo hor jeeda isla markaana ka xanaajiya marka ay kubada heli waayaan.
Swansea City ayaa noqotay kooxda ugu baasaska iyo kubad isku dhiibka badneyd horyaalka Ingiriiska iyo Yurub marka laga reebo Barcelona, waana sababta ku kaliftay Enrique inuu jeclaado hab ciyaareedka tababarahan oo muddo gaaban haya Liverpool, isagoo durbaba bilaabay inuu wada badalo dhamaan habkii kooxdan oo ahaa kubado dhaadheer iyo orod yaan lagaa dheereyn ahaa.
Waxaan ka war sugnaa waa Brendon Rodgers hamigiisa iyo sida uu u dhalan rogo habkii ay Liverpool kusoo ciyaareysay qarni ku dhawaad, iyo inuu kor usoo qaado maadaama ay aad hoos ugu dhacday dhowrkii sano ee ugu danbeysay.
Waxaa diyaariyay
Mohamed Deeyoo
deeyoo_admin@hotmail.com
Oslo / Norway
Liverpool oo raajicis ugu jirta sidii ay ugu ciyaari lahayd qaabka xulka Spain iyo Barcelona kadib is badalkii dhanka tababarka.
Kooxda Liveropool waa inay u ciyaartaa sida Spain waa hadal laga hayo mid kamid ah laacibiinta kooxdan oo dhalashadiisu tahay Spain magaciisuna yahay Jose Enrique.
Xidigan difaaca bidix ka ciyaara ayaa laga soo xigtay in guusha xulka Spain ahayn mid iska timid laakiin hab ciyaareedkeeda kubadeed gaarsiiyay 6dii sano ee ugu danbeysay 3 koob oo 2 tahay Yurub midna yahay kan aduunka.
Hadalka Enriqoe ayaa imanaya kadib markii uu kooxda la wareegay tababare Brenden Rodgers oo lagu wada xasuusto markii uu tababarayay kooxda yar ee Swansea City oo soo jiidatay indhaha caalmka kadib markii ay ka badiyeen kooxo ay kamid yihiin Manchester City, Arsenal iyo kooxo kale oo waaweyn iyo weliba iyaga oo ka ciyaar iyo kubad dhiibis badnaayeen.
Tababarahan ayaa inta badan jecel in kooxda uu tababarayo u ciyaarto hab u eg kan Spain iyo Barcelona oo ku dhisan isku dhiidhiib gaagaaban oo wareer ku rida kooxda kasoo hor jeeda isla markaana ka xanaajiya marka ay kubada heli waayaan.
Swansea City ayaa noqotay kooxda ugu baasaska iyo kubad isku dhiibka badneyd horyaalka Ingiriiska iyo Yurub marka laga reebo Barcelona, waana sababta ku kaliftay Enrique inuu jeclaado hab ciyaareedka tababarahan oo muddo gaaban haya Liverpool, isagoo durbaba bilaabay inuu badalo dhamaan habkii kooxdan oo ahaa kubado dhaadheer iyo orod yaan lagaa dheereyn ahaa.
Waxaan ka war sugnaa waa Brendon Rodgers hamigiisa iyo sida uu u dhalan rogo habkii ay Liverpool kusoo ciyaareysay qarni ku dhawaad, iyo inuu kor usoo qaado maadaama ay aad hoos ugu dhacday dhowrkii sano ee ugu danbeysay.
Waxaa diyaariyay
Mohamed Deeyoo
deeyoo_admin@hotmail.com
Oslo / Norway