Xulka marti galinaya koobka adduunka 2018 ee Ruushka ayaa waxaa uu u soo bandhigay hishis ku kacaya 35 milyan oo ay ku doonayaan in Roberto Mancini uu noqdo macalinka xulka dalkas.
Wararka laga helayo dalka Russia ayaa sheegaya in xiriirka dalkaas ay wada xajood kula jiraan tababaraha kooxda Manchester city Roberto Mancini oo ay u soo bandhigeen lacago badan.
Roberto Mancini ayaa ka cago jiidaya inuu saxiixo hishiis dheeri ah oo kooxdiisa ay ka dalbatay taas oo sare u sii qaaday suurta galnimada inuu ka tago kooxda uu u qaaday horyaalka ingiriiska xiligi dhamaday.
Ruushka ayaa marti galin doonno koobka adduunka waqti hadda naga xiga lix sanno waa 2018.
Naadiga Man city ayaa diiday qorshe kasto oo uu kaga tagi karo Roberto Mancini iyadoo haatan naadiga Man city ay safar tababar ku joogaan dalka Austria waxaana adag inuu Roberto Mancini baneeyo booska kooxda lacagaha badan ee Man city.
Ruushka waxay rabaan inay gacanta kusoo dhigan Roberto Mancini oo kooxda reer England uqaaday horyalka dalkaas kadib 44 sanno oo kooxdaas aysan arkin koobka horyaalka ingiriiska oo ugu dambeysay 1968.
Webseed ka faalooda ciyaaraha oo ku dhow xiriirka Ruushka ayaa shegay in Roberto Mancini uu ka tagi doonno kooxda Man city todobaadka soo aadan isla markaasna hishiis uu sanadkii ku qaadanayo 6 milyan oo gini uu u saxiixayo xulka Russia.
Man city ayaa sheegtay inay kalsooni ku qabto in ay garoonkeeda ku hayn karto Roberto Mancini waxana ay shegtay inay is hor istaagi doonto qorshe kasto oo wakiilada labada dhinac ay wada xaajood ku furtaan.
Kooxda Manchester city ayaa u soo bandhigtay Roberto Mancini hishiis saddex sanno oo kordhin ah kaas oo sanadkii uu ku qaadanayo 5 milyan laakin xiriirka Rushka aya soo bandhigay lacag ka badan tan ay soo bandhigtay naadigiisa Manchester city.
Maamulka kooxda Man city ayaa ka xumaaday qorshe safar ay kooxda ku adi laahyd bariga fog halkaas oo ay suuq fiican oo dhaqaale kasoo gali lahaa nadiga kaas oo uu hor istaagay Roberto Mancini waxana wararka qaar ay sheegeen inuu bixi rabo Roberto Mancini oo uusan rabin safarkas dheer.
Xiriirka Ruushka aya bixinaya lacago dhan 16 milyan oo Magdhow ah si ay ula soo wareegaan Roberto Mancini oo ay u arkaan inuu yahay shaqsiga ku haboon booskaas.
Taageerayasha kooxda Man city ayaa ugu yeero Roberto Mancini nanaysta ah Bobby Manc wixii ka dambeeyay kulankii 3-2 ay kaga badisay kooxdiisa naadiga QPR maalintii ugu dambeysay horyaalka.
Ruushka ayaa aaminsan in lacagaha uu haysto uu awood u yeelan karo inuu Roberto Mancini ay lasoo wareegaan kaliyana ay baxshaan 16 milyan oo magdhow lacageed ah.
Xulka RUushka aya waxaa lala xiriirinayay Pep Guardiola tabbaarihii hore ee kooxda Barcelona laakin wuxu shegay inuu nasiinno sanad ah uu galayo macalinkaas oo daal ka muuqdo.
Si kastaba Roberto Mancini ayaa loo arka badalka saxda ah ee Tababarihii reer Holland Dick Advocaat oo xulka kulankii 3-aad guul darro kala kulmay koobka Euro 2012.
Ahmed Mooge
ahmed_mooge007@Hotmail.com
00252615140242
Xafiiiska Deeyoo.com
Muqdisho-Somalia.








Heestii maryan iyo fanaanka weyn legend bashiir ali hussein oo muuqaal ah nala d
Alfanaan saalax carab oo soo saaray hees muuqaal ah oo inbadan la wada sugayay e
Xidigaha caan baxay ee mursal muuse iyo xaajiyadiisa iyo weliba lamaantiisa fane
Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii
Dhageyso ama daawo hees kaban ama qaaci ah oo ay qaadeyso farxiya fiska iyo hees
Shanta hees ee maanta waxaa ka dhex muuqda farxiya fiska iyo mursal muuse ee ku
Xulka jimcaha iyo heesaha deeyoo ku dhageyso 10 hees mobilkaaga ama pc midki aad
Waxaan halkan idinkugu haynaa mid kamid ah heesaha ugu hadal haynta badan oo hal
Heesaha maanta oo jimca ah waa 5 hees ee ku dhageyso mobilkaaga ama pc midki aad
Tahniyad dhalasho oo halkan looga dirayo abdirisaq ali xaaji iyo ubax gussein sh