HomeNewsChampoins LeagueWararka SuuqaArimaha BulshadaMusic Contacts
Wararkii Ugu Qosolka Iyo La Yaabka Badnaa Ee Maalmahan Kuna Saabsan Wararka Suuqa Ciyaartoyda.
2012-07-08 09:34:43

Maalin walba waxaa warbaahinta kasoo baxa warar ku saabsan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo isugu jira kuwa dhab ah iyo kuwo kale oo xan ama la maqal ah.


Hadaba anagoo ku jirna xilli xasaasi ah oo uu furanyahay suuqa ciyaartoyda ayaa idiin soo bandhigeynaa mid kamid ah wararkii ugu yaabka badnaa ee xanta suuqa oo la dhihi karo waa yaabe xaguu naga galay warkaan.


Aan ugu hor marino war sheegaya in uu socdo wada hadal iyo heshiis u dhexeeya kooxaha Barcelona iyo Arsenal oo ku saabsan sidii ay isku dhaafsan lahaayeen labada gool dhaliye ee Van Persie iyo David Villa oo weliba warkani sheegayo in Barcelona lagu yiri na siiya Villa iyo dhowr iyo toban Milyan oo Euro.


Marki ay Barcelona mashashay warkaas ayey shaki weyn ka muujiyeen dhab ahaantiisa oo waxa ay la yaabeen Van Persie oo sanad kaliya uga harsan tahay qandaraaskiisa Arsenal isla markaana ah qax isaga tagaya kooxdiisa sida ay suurta gal u tahay in lagu raadiyo lacagtaas badan iyo David Villa.


Dhanka Arsenal ayaa laga soo sheegayaa in Villa uu labadii sano ee ugu danbeysay marna ahaa dhaawac daran marna uu hilmaamay gool dhalinta sidaa daraadeed ay tahay qamaar ay iska nasiib sanayaan hadii loogu badalayo kabtankooda, laakiin ugu yaraan waxooga jiscin ama lacag ah lasoo raaciyo si hadii ay ka shakiyaan Villa isaga eryaan, waa yaab,,, !!!


Waxaa taa kasii darneyd markaan akhriyay warar sheegaya in kooxaha Milan iyo Liverpool ku heshiin rabaan isku badalka ama is dhaafsiga weeraryahanada kala ah Zlatan Ibrahimovich iyo Andy Carrol oo mar la sheegay in wiilka Berlusconi oo ka helo hab ciyaareedkiisa kubadaha uu madaxa ku dhaliyo iyo awoodiisa dhismo jireed.


Sheekadan ayaa waxaa laga buunbuuniyay magaalooyinka Liverpool iyo Milan, balse waligey kum fekerin inuu dhici karo ama lasoo sheegi doono war nuucaan oo kale ah, laakiin wax kasta waa macquul oo Zlatan oo 30kii sano hada galay iyo Carrol oo 20kii hada galay farqi ayaa u dhexeeya xaga da'da, inkastoo marka la fiiriyo hab ciyaareedka kubadeed ee labadan xidig uu farqigu yahay mid aad u kala sareeya oo Zlatan lagu tiriyo kuwa ugu xariifsan weeraryahandii soo maray dunida.


Ugu danbeyn war aan saaka akhriyay ayaan ka dheehday in Manchester United raadraadineyso ganacsi yar oo ay la gasho Chelsea oo ku saabsan kala badalasho ama ugu yaraan beec ay ku rabto Ashley Cole oo maalmahan madaxa ka ruxayay heshiiskiisa cusub oo ay Chelsea saxiix leedahay isaguna uu ka caga jiidayo, waxaana arintani hami iyo hanqaltaag gelisay Alex Ferguson.


Rag ka tirsan shaqaalaha Old Trafford ayaa laga soo xigtay in macalinkan sheybka ahi aad uga danbeeyo Ashley Cole oo uu xitaa damacsanyahay inuu Chelsea ku sasabo Patrice Evra oo ay isku boos ka ciyaaraan Cole inuu ka dhaadhiciyo kala badalasho xidigahan ah.


Warkan ayaa isna noqonaya mid kamid ah kuwii iigu yaabka badnaa maadaama aan ognahay xiriirka iyo tartanka ka dhexeeya labadan kooxood iyo sida ay u adagtahay inuu dhex maro heshiis ah kala badalasho ciyaartoy.


Laakiin muhiimada wararkan ayaa ah sida iyo heerka uu gaaray Gossip ama xan wareedka suuqa ciyaartoyda inaan idiin soo bandhigno, marka hala yaabin hadaa maqasho warar ku dhaw kuwaan amaba kasii daran akhristow.



Waxaa idiin soo diyaariyay.


Mohamed Deeyoo.

deeyoo_admin@hotmail.com

Oslo / Norway.

Latest News Muuqaalkii la wada sugayay ee heesta tofdheer iyo fanaanka weyn abdijabar alkhal
2013-05-23 22:12:39
Top 10 ten waxaa maanta kusoo qaadaney xidiga faneedka casrigan waa abdi holland
2013-05-23 13:37:26
Heesaha maanta waa 5 shan sidii caadiga aheyd aad ayey u xiisa badan yihiin maan
2013-05-23 13:03:31
Top 10 ten maanta waxaa ku haynaa 10 hees iyo fanaanka weyn ee la jecelyahay abd
2013-05-21 12:44:23
Walii gabar ma sheekeysateen, kaftan aan lahayn godob ma isku gacala miirteen, h
2013-05-21 10:49:30
Heesaheena maanta ee shanta ah waa kuwa xiisa badan oo play list isku xiga ah ku
2013-05-21 10:45:34
Ayaan tromso oo kamid ah fanaaniinta kuwooda ugu caansan xilliyadan ayaa wareyso
2013-05-20 17:02:42
Heestii degmo iyo fanaankii caan baxay king khalid oo muuqaal ah idiin haynaa ee
2013-05-20 16:53:59
Alfanaan sahal amoore ayaa soo saaray video aad u qurux badan iyo heestiisii dho
2013-05-20 16:33:52
Heestii maryan iyo fanaanka weyn legend bashiir ali hussein oo muuqaal ah nala d
2013-05-19 19:03:38
Arimaha Bulshada Muuqaalkii la wada sugayay ee heesta tofdheer iyo fanaanka weyn abdijabar alkhal
2013-05-23 22:12:39
Top 10 ten waxaa maanta kusoo qaadaney xidiga faneedka casrigan waa abdi holland
2013-05-23 13:37:26
Heesaha maanta waa 5 shan sidii caadiga aheyd aad ayey u xiisa badan yihiin maan
2013-05-23 13:03:31
Top 10 ten maanta waxaa ku haynaa 10 hees iyo fanaanka weyn ee la jecelyahay abd
2013-05-21 12:44:23
Walii gabar ma sheekeysateen, kaftan aan lahayn godob ma isku gacala miirteen, h
2013-05-21 10:49:30