HomeNewsChampoins LeagueWararka SuuqaArimaha BulshadaMusic Contacts
Ka Tagista Ciyaaryahan Robin Van Persie Garoonka Emirates Maxay Kaga Dhigan Tahay Kooxda Arsenal, Lacag Iyo Guul (faallo).
2012-07-07 17:38:59

Waa sanad  kale oo xidig muhiim kooxda Arsenal ah uu ka tagaayo garoonka Emarates ee magaalada London.
Robin van Persie ma kordhin doonno qandaraska uu kula jiro kooxda Arsenal wuxuuna raba inuu isaga tago naadiga ka dhisan waqooyga London waana mida keentay in lays waydiiyo halka uu rabo inuu aado Robin van Persie.
Kadib sanado oo uu kooxda Arsenal uu u ciyaarayay Robin van Persie ayaa arkin 7-dii sanno ee ugu dambeyso wax koob ah isagoo xirfadiisa ciyaareed ay saro u sii kacayso wuxuuna rabaa dhalinta goolasha iyo qaadiska koobabka ay meel iskala muuqdaan.
Xidiga caalamiga wadanka Holland Robin van Persie ayaa diiday todobaadkaan inuu qandaraaska u dheereeyo kooxda Arsenal waana kan ugu wanagsan ciyaaryahanada horyaalka ingiriiska ka ciyaartay xilligii dhamaaday wuxuuna dhaliyay 30 gool 38 ciyaarood oo horyalka ingiriiska ah uu u saftay Arsenal.
Muxuu Muhiimad ah uu u leeyahay Robin van Persie Arsenal.
Robin van Persie wuxuu u ciyaarayay kooxda Arsenal tan iyo sanadki 2004 wuxuuna kusoo koray halkaas isagoo ku noqday ciyaaryahan la aamini karo mudada 8 sanno oo uu hoos joogay Arsen Wenger.
Laakin Robin van Persie ayaa sanadkii lasoo dhaafay wuxuu noqday xidig muhiim ka ah horyaalka ingiriiska isagoo noqday Boqorka goolasha Ingiriiska xili ciyaaredki 2011-2012.
Arsenal ayaa sanadkii 7-aad oo xiriir ah koob la’aan noqotay wuxuuna sheeegay Roben Van Persie inuu jecel yahay in meel ay ka wada muuqdaan dhalinta goolashiisa iyo koobabka kooxda laakin uusan doonaynin in uu gool dhaliyo koobkana ay koox kale qaado.
 
Qandaraaska uu kula jiro kooxda Arsenal Robin van Persie waxa ka harsan hal sanno wuxuuna leeyahay go’aankiisa oo uu kooxda hadduu doono uu kaga tagi karaa isla markaasna uu bur burin karaa hishiiskaas isagoo sharciga Fifa ee xidiga da’diisa 28 sanno gaarta ka faa’iideysanaya waa haddii ay kooxda Arsenal isku daydo inay hor istaagto qorshaha riyada bixitaankisa ah.
Arsenal waxay walli qabtaa Rajo ah inay ciyaaryahankan ay ku celin karto xili kale garoonka Emrates ee magaalada London laakin waa ay adag tahay taas.
Roben Van Persie ayaa Labo qodob ku riixi karta inuu isaga tago kooxda Arsenal xiligaan, midka 1-aad ayaa ah in loo balan qaaday in la siinayo labo jibaar mushaaraadka uu hadda ka qaato Arsenal tan 2-aad ayaa ah inuu rabo inuu koob qaado.
Maxay Tahay Fursadda uu ka Heli Karo Kooxda MANCHESTER CITY.
Naadigaan ma ahan koox lacag la’ laakin waxay la’dahay ciyaaryahan muhiim ah oo goolal lamid ah kuwii Roben Van Persie uu dhaliyay xilligii dhamaday,waxayna doonaysa inay ku qariso ciyaaryahankaan lacago mushaaro tiro badan oo ay dheer tahay lacago Abaal Marino ah oo la siinayo marka uu sameeyo wanaag.
Roben Van Persie waa Mid kamid ah ciyaartooyda ugu muhiimsan ee uu Bar tilmaamedsanayo Sheekh Mansoor o ah milkiilaha kooxda Man City ah waxaana uu ku bixinayaa lacago kaash ah sidii uu u hirgalin lahaa hamigiisa ku aadan inuu hello RVP.
Van Persie ayaa loo badinaa inuu maro wadadii ay horey u mareen qaar kamid ah saaxiibadiisa hore oo ay ugu dambeyeen Gael Clichy iyo Samir Nasr kuwaas oo xilligi dhamaday ku biiray Man city waxaana mar kale Man city oo ka faa’iidaysanayso lacagaha ay haysato iyo Arsenal oo Abaar maaliyadeed iyo mid koob ay isku biirsadeen ay ugu dambeeyn ka dhigi karto in Van Persie uu noqdo ciyaaryahan ka tirsan kooxda Manchester city.
Roben Van Persie ayaa noqonaya maalmaha soo aadan ciyaaryahan mara wadadii ay horey u mareen xidigahaan Nasri and Clichy, Emmanuel Adebayor iyo  Kolo Toure kuwaas oo labo labo ugu biiray Kacaanka Carbeed ee Man city.
 
Maxay Tahay Fursadda uu ka Heli Karo Kooxda MANCHESTER UNITED.
 
Naadiyada Man utd iyo Arsenal ayaa  ah labo koox oo si weyn u xafiil tama hadana ay taagerayashooda ay is neceb yihiin waana ay adag tahay in Arsenal ay ka iibiso Man u ciyaaryahan Roben Van Persie.
Manchester utd waxay rabtaa inay lasoo wareegto kana faa’iideysato baahida Roben Van Persie xilligaan u hayso inuu isaga tago Arsenal isagoo raadsanaya lacag iyo guul labadaba.
Tababare Sir Alex Fegusen wuxuu aad u rabaa Roben Van Persie inkastoo Man city ay tahay kooxda 95% uu ku biirayo haddiiba ay dhacdo in Arsenal uu faarujiyo.
 
Maxay Tahay Fursadda uu ka Heli Karo Kooxda JUVENTUS.
Juventus waa ay doonaysaa ciyaaryahankaan waxaana lagu soo waramayaa in 8 milyan ay u soo bandhigtay Roben laakin Arsenal ay diiday qiimaha yar ee lacagaha ay soo bandhigtay Juventus.
Naadiga ah horyaalka Talyaaniga ee ka dhisan magaalada Torino Juventus ayaa waxay rabtaa inay hesho xilliga soo aadan weeraryahan dhalin kara goolal si ay u difaacato horyaalka ay qaaday xilligii dhamaaday.
Maxay Tahay Fursadda uu ka Heli Karo  Barcelona.
Kooxda Barcelona ayaa doonayso inay lasoo wareegto Roben Van Persie waxaana ka dhaawacan David Villa oo bukaan socod noqday waxaana ay rabaan inay helaan weerar yahan caawin kara laacibka adduunka Messi.
Kadib markii naadiga Barcelona ay waysay Horyaalka Spain iyo kan Yurub ayay u dhaqaaqday Roben Van Persie waxayna qal qaalo uu ku tagaayo xidiga reer Holland Barcelona dalaal ka ah Febrigas oo ah kabtankii ka horeeyay kabtanka hadda Arsenal Roben Van Persie.
Maxay Tahay Fursadda uu ka Heli Karo Real Madrid.
Roben Van Persie ayaa waxaa looga baaqay magaalada Madrid waxaana si weyn u jecel Tababare Jose Mourinho oo weerar kaaba C.Ronaldo baadi goob ugu jira kadib xilligii dhamaaday oo ay Real Madrid qaaday horyaalka Spain.
Maxay Tahay Fursadda uu ka Heli Karo Paris St Germain .
Kadib markii kooxdan reer Faranse ay iibsatay shirkad maalgalineed oo laga leeyahay dalka Qatar ayaa waxay lasoo wareegtay xilligaan Ezquiel Lavezzi oo ay kasoo qaadatay Napoli waxay mar kale rabtaa inay hesho Roben Van Persie oo Arsenal kabtan u ah.
Tababaraha PSG Carlo Anceloti ayaa wuxuu rabaa inuu Roben Van Persie ku xoojiyo xulkiisa inkastoo Roben Van Persie uusan rabin ka ciyaaridda horyaal aan ahayn Engalnd,Spain iyo Talyaaniga.
Xidigihii muhiimka ahaa ee horey Kaga Tagay ARSENAL.
Ka tagitaanka Arsenal ma ahan wax sidaas u weyn kaliya waxay ku xeran tahay adigoo lacago ay ku qancaan maamulka lacagaha jecel aad u soo bandhigto adigoo ka iibsan kara ciyaaryahan kasto oo muhiim u ah kooxda.
 
Nasri iyo Clichy ayaa muddo la aamin sanaa inaysan ka tagaynin Arsenal lakin waa ay ka dhaqaaqeen maalin cad xilligii tagay waxaana ay la qaadeen horyaalka Ingiriska kooxda ay u tagen ee Man city.
Cesc Febrigas waa kabtanki hore ee Arsenal kaas oo sanadki hore isaga tagay Arsenal kadib lacago ka badan 30 milyan ay Barcelona kaga iibsatay.
Thierry Henry waa laacibkii ugu gool dhaliska badnaa Arsenal taariikhda wuxuuna kooxda u qaaday horyaallo iyo koobab isagoo hormuud u ahaa waayihii guul darro la’aanta Arsenal (unbeaten era)waxaa ay ka iibiyeen Barcelona oo ku iibsatay lacago dhan 16 milyan oo kaliya.
Kadib markii Henry uu ku biiray Barcelona wuxuu la qaaday koobka naadiyada yurub Champions League 2009 waana koob uusan arki lahayn haddii uu sii joogi lahaa Arsenal.
 
Van Persie iyo wax qabadka xilligii dhamaday.
Xidigaan wuxuu u keenay kooxda Arsenal 27 dhibcood oo salka ku haya goolasha uu u dhaliyay iyo kuwa uu kasoo shaqeeyay intaba isagoo noqday ciyaaryahanka kaliya ee sidas sameyay xilligii dhamaaday.
2011-2012 Roben Van Persie wuxuu dhaliyay 30 gool taas oo la micno ah in 111 daqiiqo kasto uu gool dhalinayay waxaana goolashi uu dhaliyay xilligi dhamaday ay ka badan yihiin goolasha uu labo xilli ee kasii horeeyay ki dhamaaday uu u dhaliyay Arsenal.
Ciyaaryahanka reer Holland Roben Van Persie ayaa 141 laad xoogan ku weeraray kooxo kasoo horjeeday waana mida ugu badan ee sanadihi dhawaa ciyaaryahan uu sameeyo.
Si kastaba anigoo kaashanaya waqtiga dheer ee ciyaaraha aan la socday iyo qoraa ahaan waxaa aamin sanahay in Arsenal ay waysay mid kamid ah weeraryahanadii ugu wanaagsanaa ee Arsenal soo mara waa Robin Van Persie.
Waxa kusoo Gabo Gabeenayaa Qoraalkeyga Robon Van Persie waxaa u rajeenaynaa Mustaqbal wanaagsan iyo koox wanaagsan oo uu ka hello labada arrin ee ku riixday inuu ilaabo kooxda ka dhigtay xidig muhiim ah,waxayna kala yihiin Lacag iyo Guul,Arsenalna uma hakan doonto haddi ay u hakan waysay Thieory Henry oo dad badan ay qabeen haddii uu ka tago in Arsenal ay labo cad kala noqonayso laakin ma dhicin taas.
Ahmed Mooge
ahmed_mooge007@Hotmail.com
00252615140242
Xafiiiska Deeyoo.com
Muqdisho-Somalia.

Latest News Top 10 ten maanta waxaa ku haynaa 10 hees iyo fanaanka weyn ee la jecelyahay abd
2013-05-21 12:44:23
Walii gabar ma sheekeysateen, kaftan aan lahayn godob ma isku gacala miirteen, h
2013-05-21 10:49:30
Heesaheena maanta ee shanta ah waa kuwa xiisa badan oo play list isku xiga ah ku
2013-05-21 10:45:34
Ayaan tromso oo kamid ah fanaaniinta kuwooda ugu caansan xilliyadan ayaa wareyso
2013-05-20 17:02:42
Heestii degmo iyo fanaankii caan baxay king khalid oo muuqaal ah idiin haynaa ee
2013-05-20 16:53:59
Alfanaan sahal amoore ayaa soo saaray video aad u qurux badan iyo heestiisii dho
2013-05-20 16:33:52
Heestii maryan iyo fanaanka weyn legend bashiir ali hussein oo muuqaal ah nala d
2013-05-19 19:03:38
Alfanaan saalax carab oo soo saaray hees muuqaal ah oo inbadan la wada sugayay e
2013-05-19 11:17:39
Xidigaha caan baxay ee mursal muuse iyo xaajiyadiisa iyo weliba lamaantiisa fane
2013-05-19 11:11:35
Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii
2013-05-14 12:31:04
Arimaha Bulshada Top 10 ten maanta waxaa ku haynaa 10 hees iyo fanaanka weyn ee la jecelyahay abd