Arsenal.
Kaptan Van Persie ayaa gaashaanka u daruuray wax heshiis ah inuu la galayo Arsenal kadib sida uu sheegay wada hadalo dhex maray isaga, macalin Wenger iyo gudoomiye Gazidis.
Xidigan reer Holland oo xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay wacdaro la yaab leh dhigay isla markaana noqday xidigii sanadka ee Ingiriiska iyo weliba kii ku guuleystay gool dhalinta, ayaa si weyn usoo jiitay kooxo waaweyn oo ay safka hore uga jiraan manchester City iyo Juventus.
Vam Persie oo sasabaya taageerayaasha Arsenal ayaa yiri, weligey waan idiin xasuusanayaa sidii aad ii qiimeyseen, sidoo kale macalin Wenger heerka uu isoo gaarsiiyay ma hilmaamayo. waxaa jira wada hadal kale oo inoo dhiman marka aan fasaxa kasoo laabto.
Hadalka ayaa u muuqda mid macsalaameyn ah iyo kooxda Arsenal oo u muuqata koox ka gaashaamatay dhibkii sanadkii hore oo waxa ay isla markiiba soo iibsadeen 2 weeraryahan oo u kala ciyaara xulalka Jarmalka iyo farance waa Padolski iyo Giroud.
Liverpool.
Tababaraha kooxda Liverpool Brendan Rodgers ayaa indhaha ku haya weeraryahanka kooxda Newscastle Demba Ba kaas oo ay ku doonayaan lacago dhan 7 Milyan oo gini.
Weeraryahanka Newcastle ayaa loo ogol yahay inuu isaga tago garoonka ST James Park isagoo qiimo yar kaga tagaayo kooxdaas.
Demba Ba oo 27 jir ah aya xilligii dhamaday Newcastle u dhaliyay 15 gool ka hor intii uu xulkiisa Senegal u matalin ciyarihi Afrika.
Kooxda Liverpool ayaa tartan ku aadan saxiixa xidigaan ay kala kulmaysaa naadiyo ay kamid tahay Tottenham.
Axmed Moode
Mogadisho / Somalia








Heestii maryan iyo fanaanka weyn legend bashiir ali hussein oo muuqaal ah nala d
Alfanaan saalax carab oo soo saaray hees muuqaal ah oo inbadan la wada sugayay e
Xidigaha caan baxay ee mursal muuse iyo xaajiyadiisa iyo weliba lamaantiisa fane
Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii
Dhageyso ama daawo hees kaban ama qaaci ah oo ay qaadeyso farxiya fiska iyo hees
Shanta hees ee maanta waxaa ka dhex muuqda farxiya fiska iyo mursal muuse ee ku
Xulka jimcaha iyo heesaha deeyoo ku dhageyso 10 hees mobilkaaga ama pc midki aad
Waxaan halkan idinkugu haynaa mid kamid ah heesaha ugu hadal haynta badan oo hal
Heesaha maanta oo jimca ah waa 5 hees ee ku dhageyso mobilkaaga ama pc midki aad
Tahniyad dhalasho oo halkan looga dirayo abdirisaq ali xaaji iyo ubax gussein sh