
Ciyaaryahanada xulka Spain ayaa shalay gaaray magaalada Madrid ee caasimadda dalka Spain kadib guul ay ka gaareen finalka koobka yurub 2012 oo ay 4-0 kaga badiyeen dalka Talyaaniga.
Kadib markii ay si la yaqaano ugu badiyeen ciyaartii ka dhacday garoonka Olyampic ee magaalada Kiev ee dalka Ukrain ayay shalay waxaa ay dib ugu laabteen dalkooda.
Kabtan Ikar Casilas iyo Tababare Vicente del Bosque ayaa markii ay diyaaradda cago dhigatay garoonka Barajas isla markaasna albaabka diyaaradda la furay ay kasoo baxeen iyagoo wata koobka weyn ee Yurub isla markaasna ay labada dhinac ka haayeen iyagoo daqiiqado la taagnaa qeybta sare ee jaran jarada ama iskaalada diyaaradda.

Xulka Spain ayaa la kulmay Boqorka dalka Spain Juan Carlos kadibna waxaa la saaray bas dul furan waxana la marsiiyay wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Madrid iyadoo kumanaan taageerayasha xulka Spain ay isugu soo baxeen wadooyinka ilaa garoonka diyaaradaha kuwaas oo la dhacsanaa guusha xulkooda u keenay markii 3-aad muddo kooban oo afar sanno ah.
Waxaa lagu wadaa in caawa iyo bari oo dhan ay socdaan dabaal dagyo waaweyn oo lagu soo dhaweenayo guusha xulka ay ka gaareen tartanka yurub kaas oo markooda 3-aad ay qaaden iyagoo difaacday koobkan oo ay xalay qaaden markii 2-aad oo xiriir ah.
Weeraryahan Fernando Torres ayaa iminka dib u soo labanaysaa sumcadiisa kadib markii uu qaaday gool dhalinta koobkaan isla markaasna uu noqday ciyaaryaahnka kaliya ee labo Final oo koobkan ah goolal ka dhaliya.

Xidigaha Tababare Del Bosque ayaa xalay bur buriyay xulka Talyaaniga Finalkii Euro 2012 wuxuuna noqday dalkii ugu horeeyay ee saddex oo xiriir ah qaaday koobab caalami ah oo uu ku jiro koobka adduunka.
Torres ayaa kasoo kacay kursiga keydka isagoo dhaliyay goolkii 3-aad ciyaartii 4-0 ay kaga badiyeen Talyaaniga ,waxaana Spain ay horey u qaaday koobka Euro 2008 iyo koobka adduunka 2010 .
Weeraryahanka Chelsea Torres ayaa ku yiri wargayska Marca ha I waydin wax kale kaliya shaqada waajibadka xulkayga wax iga waydii waana u jeedaa inaan qaadnay koob caalami ah.

“Waxaa qaadnay koob badan laakin hadda waxaa wada qeybsanayna farxada guusha waan badinay waana mid aan inta badan dhicin in inaad ka badiso xul sida Talyaniga oo kale ayuu intaa ku daray Fernando Torres.
“Waan ku faraxsanahay ujeedkan aan gaarnay,waana mid aan filaynay bilawgii tartankaan,waan ognahay in aan ka badinay Talyaaniga aana ka badin doonno ayuu ku dhuux dhuuxsaday Torres Torres ayaa sido kale sheegay in daqiiqaddan uu taagan yahay uu yahay horyaalka yurub iyo kan adduunka ugu dambeyna ay soo afjareen qorshe kasto oo ay ku waayi lahaayen mid kamid ah horyaalada ay heystaan. Fernanado Torres ayaa inta badan dhaawac ahaa koobkaan isagoo aan la ciyaarsiinaynin waxaana koobkaan ay qaaday Spain iyadoo aan u ciyaaraynin weeraryahan rasmi ah oo la aqoonsan yahay waxaana uu ka ciyaarsiinayay Febrigas iyo Iniesta.

Labadaba waa Spain iyo Torres ayaa qaatay koobkii Euro iyo gooldhalinta tartankaas,wuxuuna Torres qaaday kabaha dahabka gooldhalinta kadib markii goolna uu dhaliyay midna uu baasay oo uu siiyay Juan Mata oo ay Chelsea iskala ciyaaraan.
Torres wuxuu kusoo bilaawday saddex ciyaarood 6-dii kulan oo ay koobkan Spain ciyaartay,wuxuuna sheegay in kubadda cagta sidaas ay tahay isla markaasna dalkiisa uu qaaday marki 3-aad koobka Euro.
Ahmed Mooge
Xafiiska Deeyoo.com
Somalia-Mogadishu.
Ahmed_mooge007@hotmail.com
00252615140242








Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii
Dhageyso ama daawo hees kaban ama qaaci ah oo ay qaadeyso farxiya fiska iyo hees
Shanta hees ee maanta waxaa ka dhex muuqda farxiya fiska iyo mursal muuse ee ku
Xulka jimcaha iyo heesaha deeyoo ku dhageyso 10 hees mobilkaaga ama pc midki aad
Waxaan halkan idinkugu haynaa mid kamid ah heesaha ugu hadal haynta badan oo hal
Heesaha maanta oo jimca ah waa 5 hees ee ku dhageyso mobilkaaga ama pc midki aad
Tahniyad dhalasho oo halkan looga dirayo abdirisaq ali xaaji iyo ubax gussein sh
Ayaan taleex oo soo saartay heesteedii muftaax oo muuqaal qurxoon laga sameeyay
Heeso shan iyo fanaanad cusub oo cod macaan ayaa kamid ah xulkeena heesaha maant
Nuur faneedkii norway nasteexo indho oo lasoo kala baxday muuqaal iyo hees is wa