
Ciyaaryahanka qadka dhexe ee xulka Spain iyo kooxda Barcelona Andres Iniesta ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka ugu wanagsan koobka Euro2012.
Andres Iniesta oo28 jir ah ayaa waxa u magacaabay ciyaaryahanka tartanka ugu wanagsan guddi farsamo oo Uefa ay samaysay kadib finalka koobka Yurub oo 4-0 ugu adkaadeen xulka talyaaniga.
Xulka ugu wanagsan yurub aya 10 ciyaartooy waxaa ay ka socdaan dalka Spain waxana uu ka kooban yahay xulkaan ilaa 23 ciyaaryahanno waxana kamid ah Kabtanka xulka England iyo kooxda Liverpool Steven Gerrard.
Andres Iniesta ayaa dhaliyay goolka kaliya ay Holland kaga badiyeen koobka adduunka finalkiisa isagoo ciyaaray ciyaar kasto koobkaas.
Iniesta wuxuu ciyaaray dhamaan lixdii kulan ee xulka spain uu ciyaaray koobkan.
Waa mid kamid ah afar ciyaaryahan kuwaas oo xulka Spain u ciyaaray 18 kulan ilaa 19-kii kulan ee Spain ay tartanka u gashay saddexda koob oo ay qaaday waxana lamid ah Ikar Casilas,Xavi Hernandez iyo Sergio Remos oo iyana ciyaaray ciyaar kasto oo xulka Spain uu u tartamay koobabkan saddex ah.
Andres Iniesta ayaa hal ciyaar la badalay koobkii adduunka 2010 waana laga badiyay xulka Spain.
Andres Iniesta ayaa noqday laacibka ugu wanagsan tartankaan isagoo ciyaaro la jecleystay kasoo bandhigay koobkaan intii uu socday.
“tani waa mid muhiim ah,oo mucjiso ah isla markaasna aan la qiyaasi Karin ayuu yiri Iniesta oo sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu noqdo ciyaaryahankii ugu muhiimsanaa tartankaan Euro 2012.
Xidigaha kala ah Steven Gerrard iyo Zlatan Ibrahimovic ayaa ah labada ciyaaryahan ee ku jira xulka Euro 2012 oo aan dalalkoda soo gaarin Seme Finalka koobkan.
Waxaana ku jira xulkaan Pirlo iyo C.Ronaldo kuwaas oo wax wanaagsan ka sameeyay intii uu socday tartankaan.
Xulka Euro 2012.
Goolhayayaal : Gianluigi Buffon (Ita), Iker Casillas (Spa), Manuel Neuer (Ger)
Daafacyo: Gerard Pique (Spa), Fabio Coentrao (Por), Philipp Lahm (Ger), Pepe (Por), Sergio Ramos (Spa), Jordi Alba (Spa)
Qadka dhexe : Daniele De Rossi (Ita), Steven Gerrard (Eng), Xavi (Spa), Andres Iniesta (Spa), Sami Khedira (Ger), Sergio Busquets (Spa), Mesut Ozil (Ger), Andrea Pirlo (Ita), Xabi Alonso (Spa)
weeraryahanno: Mario Balotelli (Ita), Cesc Fabregas (Spa), Cristiano Ronaldo (Por), Zlatan Ibrahimovic (Swe), David Silva (Spa)
Ahmed Mooge
Xafiiska Deeyoo.com
Somalia-Mogadishu.
Ahmed_mooge007@hotmail.com
00252615140242








Alfanaan sahal amoore ayaa soo saaray video aad u qurux badan iyo heestiisii dho
Heestii maryan iyo fanaanka weyn legend bashiir ali hussein oo muuqaal ah nala d
Alfanaan saalax carab oo soo saaray hees muuqaal ah oo inbadan la wada sugayay e
Xidigaha caan baxay ee mursal muuse iyo xaajiyadiisa iyo weliba lamaantiisa fane
Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii
Dhageyso ama daawo hees kaban ama qaaci ah oo ay qaadeyso farxiya fiska iyo hees
Shanta hees ee maanta waxaa ka dhex muuqda farxiya fiska iyo mursal muuse ee ku
Xulka jimcaha iyo heesaha deeyoo ku dhageyso 10 hees mobilkaaga ama pc midki aad
Waxaan halkan idinkugu haynaa mid kamid ah heesaha ugu hadal haynta badan oo hal
Heesaha maanta oo jimca ah waa 5 hees ee ku dhageyso mobilkaaga ama pc midki aad