HomeNewsChampoins LeagueWararka SuuqaArimaha BulshadaMusic Contacts
Ururka Syao Oo Tartan Loogu Magic Daray Tartanka Todobaadka Iyo Xorriyadda Somalia Ka Furay Xabsiga Dhexe Ee Muqdisho.
2012-06-30 09:30:26

Ururka u dooda xuquuqda Dhalinyarada eeSYAO ayaa galabta ka furay garoon ku yaallo gudaha Xabsiga dhexe eemagaalada Muqdisho tartan loogu magac daray Xorriyadda Todobaadka Somalia kaas oo ay u qabteen ilaa lix koox.
Furitaanka Tartankaan ayaa waxaa halkaas ka hadlay Agaasimaha Muqdisho ee Ururka u dooda xuquuqda Dhalinyarada SYAO, Mr Maxamed Cabdi Xasan (Maxamed Sandhere)ayaa sheegay in Ujeedka Tartankaan ay u qabteen Ururkooda uu yahay sidii ay u dareen siin lahayeen dhalinyarada maxaabiista Xorriyadda iyo qarannimada dalka Somalia isla markaasna ay dhalinyaradaas ay xaq u leeyihiin waxa uu hellay Muwaadiniinta  kale ee dhalinyarada ah.
Maxamed Sandheere ayaa intaas ku daray in Tartankaan sidoo kale ay ka leeyihiin sidii ay u dareen siin lahaayeen Dhalinyaradaan ku jira xabsiyada inay nabadda iyo xornimada ay tahay muhiim loona baahan yahay iyaga laftigooda inay ka qeyb qaataan sidii loo sii dardar galin lahaa.
Tartankaan kooxaha ka qeyb galaya ayaa waxaa kala matalayay Maxaabiista qaar kamid ah halka kuwo kale oo maxaabiista ah ay daawanayeen kulankaan.
Tartankaan ayaa la furay Maanta oo Jimco ah waxaana uu ka furmay garoon ku yaalla xabsiga dhexe gudahiisa,waxaana lagu wadaa in Maalinta Xornimada Somalia 1-da July ama 1-da Luulyo lasoo gabo gabeeyo tartankaan.
Kulankii furitaanka ayaa waxaa wada ciyaaray labo koox oo ku ciyaarayay magacyada July 1 iyo July 2 waxaana kulankaas 1-0 ku badisay kooxdii ku ciyaaraysay magaca July2.
Kulankii 2-aad ayaa wuxuu dhex maray kooxo ku ciyaarayay magaca June1 iyo June 2 waxaana ay ciyaartooda waqtigii loogu talo galay ay kusoo dhamaatay 0-0 laakin sida uu qabo sharciga ayaa waxaa loo dhigay rigoorayaal waxana ku badiyay kooxdii June 2.
Maalinta barrito ayaa waxaa sidoo kale ciyaaraya labo koox oo ku kala ciyaaraya magacyada SYAO1 iyo SYAO2.
Tartankan ayaa lasoo gabo gabeenayaa maalinta Axadda taariikhdana ku beegan tahay 1-da July ama 1-da Luulyo.
Tartankaan ayaa wuxuu yahay mid qaab Knock-out ah ama kala bax oo kooxdii laga badiyo ay isaga hareyso.
Dhawaan ayay ahayd markii ururka u dooda xuquuqda dhalinyarada SYAO uu furay xarun lagu dhaqan celiyo dhalinyarada taas oo ka shaqeyn doonto sidii horumar ay ugu tallaabsan lahaayeen dhalinyaradaas.
Si kastaba Ururka U dooda Xuquuqda Dhalinyarada SYAO ayaa noqonaya ururkii ugu horeeyay ee u istaagay inuu dhalinyaro ku jirta xabsi u qabto tartan Dhiira galin,isagoo kaliya aan ku ekaanin wax u qabashada dhalinyarada aan xabsiga ku jirin ee dibad jooga ah.

Ahmed Mooge

Xafiiska Deeyoo.com

Somalia-Mogadishu.

Axmed_mooge@hotmail.com

Ahmed_mooge007@hotmail.com
00252615140242

Latest News Top 10 ten maanta waxaa ku haynaa 10 hees iyo fanaanka weyn ee la jecelyahay abd
2013-05-21 12:44:23
Walii gabar ma sheekeysateen, kaftan aan lahayn godob ma isku gacala miirteen, h
2013-05-21 10:49:30
Heesaheena maanta ee shanta ah waa kuwa xiisa badan oo play list isku xiga ah ku
2013-05-21 10:45:34
Ayaan tromso oo kamid ah fanaaniinta kuwooda ugu caansan xilliyadan ayaa wareyso
2013-05-20 17:02:42
Heestii degmo iyo fanaankii caan baxay king khalid oo muuqaal ah idiin haynaa ee
2013-05-20 16:53:59
Alfanaan sahal amoore ayaa soo saaray video aad u qurux badan iyo heestiisii dho
2013-05-20 16:33:52
Heestii maryan iyo fanaanka weyn legend bashiir ali hussein oo muuqaal ah nala d
2013-05-19 19:03:38
Alfanaan saalax carab oo soo saaray hees muuqaal ah oo inbadan la wada sugayay e
2013-05-19 11:17:39
Xidigaha caan baxay ee mursal muuse iyo xaajiyadiisa iyo weliba lamaantiisa fane
2013-05-19 11:11:35
Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii
2013-05-14 12:31:04
Arimaha Bulshada Top 10 ten maanta waxaa ku haynaa 10 hees iyo fanaanka weyn ee la jecelyahay abd