
Ciyaar xiisa leh oo ka tirsaneyd semifinalka koobka qaramada Yurub ayaa dhex martay Jarmalka iyo Italia ayuu Mario Balotelli noqday halyeygii dalkiisa markii uu 2 gool oo qurux badan daba mariyay gool haye Neuner sidaasna Italia ugu diray Finalka tartankan.
ciyaartan ayaa inta badan la saadaaliyay in Jarmalku sahal kusoo dhaafi doono Talyaaniga maadaama uu sanadkan soo bandhigay ciyaar aad u qurux badan, halka uu Talyaanigu maalinba maalinta ka danbeysa lasoo baxayay miciyo aan laga fileyn, laga soo bilaabo kulankii ugu horeeyay oo ay Spain la ciyaareen.
Talyaaniga oo ku caanbaxay difaac adag ayaa meel iska saaray farsama yaqaanadii Jarmalka ee uu hor kacayay Ozil oo la qariyay ciyaartan, dhanka kale ee garoonkana ay xirfado la yaab leh la yimaadeen Cassano iyo Balotelli oo midna goolasha uu dhaliyay kan kalena uu ahaa maskaxdii ka danbeysay goolasha.
Ciyaartan oo ku dhamaatay 2 gool iyo 1, ayey Talyaanigu dhaliyeen labada gool qeybtii hore ee ciyaarta, halka goolka kaliya ee Jarmalku yimid daqiiqadihii dheeraadka ahaa ee ciyaarta lagu daray oo weliba rigoore ahaa, waxaana si qabow u dhaliyay Moset Ozil.
Sidii la filayay ayuu Pirlo madax ka noqday bartamaha garoonka, halka uu Buffon iska caabiyay weeraro fara badan, waxaa si aad ah u difaacay Barzagli, Banucci iyo Chellini oo kubad kasta oo timaada goosha Talyaaniga madax iyo lug isaga fogeeyay.
Jarmalka ayaa la dhihi karaa waxaa weli saaran heeryadii Talyaaniga oo waxa ay tani u noqoneysaa kulankii 8aad oo uu la ciyaaro Talyaaniga koobka aduunka iyo koobka Yurub oo uu marna ka adkaan, waxaa Talyaaniga usii dheer in Ingiriiska Jarmalka iyo Spain uu midna ka adkaan ciyaar caadi ah kulan ka tirsan koobabkaas marka laga reebo rigoorayaashii ay Spain uga badiyeen ciyaarihii hore ee Qaramada Yurub 2008dii.
Mario Balotelli ayaa hada laga yaabaa inuu noqdo gool dhaliyaha tartanka oo uu ku guuleysto kabaha dahabka ah, maadaama uu hada leeyahay 3 gool oo ay la qeybsadaan rag badan oo dhamaan wada haray, hadii hal gool dhaliyo kulanka finalka ah ee axada dhici doona, cidna kama xigto abaal marintaas oo runtii laga yaabo inay wax weyn ka badasho sawirka xidigan xanaaqa badan, laakiin hab ciyaareedkiisu uu cirka marayo waqtigan la joogo, isagoo weli ah 21 jir kaliya.
Spain iyo Talyaanigu ma aha Final la wada sugayay ama midkii la saadaaliyay, laakiin waxaa la dhihi karaa labada dal wey u qalmaan meesha ay hada soo gaareen dadaal dheer kadib.
Waxaan idiin soo gudbineynaa faalooyin ku saabsan labadan dal ka hor finalka dhici doona maalinta axada oo ay taariikhdu tahay 1da July.
Deeyoo SPort
Oslo / Norway








Heestii maryan iyo fanaanka weyn legend bashiir ali hussein oo muuqaal ah nala d
Alfanaan saalax carab oo soo saaray hees muuqaal ah oo inbadan la wada sugayay e
Xidigaha caan baxay ee mursal muuse iyo xaajiyadiisa iyo weliba lamaantiisa fane
Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii
Dhageyso ama daawo hees kaban ama qaaci ah oo ay qaadeyso farxiya fiska iyo hees
Shanta hees ee maanta waxaa ka dhex muuqda farxiya fiska iyo mursal muuse ee ku
Xulka jimcaha iyo heesaha deeyoo ku dhageyso 10 hees mobilkaaga ama pc midki aad
Waxaan halkan idinkugu haynaa mid kamid ah heesaha ugu hadal haynta badan oo hal
Heesaha maanta oo jimca ah waa 5 hees ee ku dhageyso mobilkaaga ama pc midki aad
Tahniyad dhalasho oo halkan looga dirayo abdirisaq ali xaaji iyo ubax gussein sh