HomeNewsChampoins LeagueWararka SuuqaArimaha BulshadaMusic Contacts
Tartankii 18aad Ee Ciyaaraha Xagaaga Finland Oo Ka Bilaawday Magaalada Helsinki Ee Dalka Finland
2012-06-28 15:37:59

Waxaa si habsami ah loo furay tartankii sideed  iyo tobonaad ee ciyaaraha xagaaga Finland. Tartankan oo ka furmay magaalada Helsinki ee dalka Finland.
Xafladda furtaanka oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ammaanteeda iska leh maamulka iyo guddigii qabanqaabada.  Furitaankii ciyaaraha ayaa waxaa ka soo qayb galay ciyaaryahandii heerka kuwaad caan ku ahaan jiray dalka Soomaaliya, maamuladoodii kooxaha, jaaliyada Soomaalidda Finland, ururka suxufiyiinta isboortiga Soomaaliyeed iyo dhamaan bulshaweynta isboortiga Somaaliyeed ee wadanka Finland.
Xafladan ayaa waxaa ay ka dhacdey garoonkii loogu talagalay iney ciyaarhan ka dhacaan, waxaan martidii halkaas isugu timid ay ka soo jeediyeen qudbado kala duwan oo ku wajahnaa ciyaarahan iyo dhamaan is dhexgalka dhalinyaradan ka kala socotay kooxaha kala duwan.
 
Tartankan ayaa waxaa uu ahaa mid si joogto loo qabto sanad walba, wuxuuna soo socday muddo dheer,  ciyaarahan qabashadiisa ay ku soo hortay hal urur oo magaciisa layiraah Ururka dhaqanka iyo Isboortiga Finland SOCOS
Dadkii furitaanka ka hadlay waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha qabanqaabadda tartankaan Ahmed Cabdulahi (IMAD) waxaana hadaladiisii kamid ahaa "Dhalinyaro weaxaan idinku la dardaarmayaa inaad soo bandhigtaan ciyaar wanaag oo ay asluubi ku dhisan tahay, urukan dhaqanka iyo isboortiga Finland waxaa uu idiin balanqaadayaa isagoo latashanay qaybaha kala duwan ee isboortiga inuu idin joogteen doono ciyaaraha si loo helo dhalinyaro mustaqbal ku yeelata ciyaarahan".
 
Xoghayaha ururka SOCOS  QOOJE ayaa waxaa uu sidoo kale ka hadlay qaabka ay cayaaraha usocnayaan isla mar ahaantaana kula dardaarmay dhalinyaradii kasoo qaybgashay ciyaarahan inay soo bandhigaan ciyaaro wanaagsan.
 
Ciyaartan ayaa waxaa daawashadeeda kasoo qayb galay dad isboortiga Soomaaliyeed magac iyo sharaf ku lahaa ciyaaraha qaybahooda kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Macalin Bashiir Abdi Daahir, Cisman Hudhey,Ciyaaryahankii xulka qaran iyo naadiga Madbacada Eenow, Madaxa isboortiga ee Universal TV Mr Abdulqadir Maxamed Faarax “Biriq”Abdi Fitk, Fanax waxool,Daahir Macalin, Macalin Daadow,yasiin Abdi Rage, Juujuule,Yasin gaas, Daauud Axmadey, Abuukar, Musse, Abaajii, Maxamed Musse iyo shacbi weyne aan losoo koobi karin.
 
Garoonka ay cayaarahan ka furmeen Kontuwan ee ku yaala bariga magaalada Helsinki, cayaartii furitaanka waxaa isku haleeley kooxaha Tampere iyo Myyrmaki waxaana ku guuleystay kooxda Tampere 2 iyo 1 - Tampere oo ah caasimada labaad ee wadankan Finland waxaa la socday taageerayaal aad u farabdan oo soo camiray garoonka ay cayaarta ka socotay.
 
Cayaartii xigtey waxaa isaga hor yimid Turku iyo Horseed waxaa 2 iyo 1 ku guuleystay cayaaryahandii Turku,cayaartii ugu dambeysay oo la qabtey maalinta furitaanka waxaa soo gaba gabeeyey kooxaha Lieksa iyo Vaasa waxaana guusha ay ku raacdey kooxdii ku cayaareysay magaca Lieksa.
 
Kooxaha ka soo qeyb galay sanadkan waxaa loo kala saarey 3 group oo kala ah A – B – C – D
Group A                            Group B                             Group C                            Group D
Tampera                            Horseed                              Vaasa                                 FC Somali
Myyrmaki                          Turku                                 Banaadir                            Vantaa City
FC Kanus                          Espoo                                 Lieksa                                 SS Oulu
 
Cayaarahan ayaa waxaa lagu wadaa inay soo gaba gaboobaan  inshallah 2.7.2012 waxaa kaloo jira barnaamijyo ay soo abaabuleen Universal TV iyo bahda isboortiga Helsinka oo ah wadahadal sidee loo hormarin karaa isboortiga Somalia oo lagu qaban doono hall ku yaala bariga caasimada Finland.
 
Ugu dan bayntii waa markii ugu horeeysay oo ayciyaaraha xagaaga kasoo qayb galaan Madaxa isboortiga ee Universal TV Mr Abdulqadir Maxamed Faarax “Biriq” iyo weliba Abdinasir Sola oo ay dadbadan, qaas ahaan bahda isboortiga ku xasuustaan barnaamijyada qiimaha badan oo uu kasoo deeyo tv-ga Universal qaybtiisa ciyaaraha,labadan shaqsi ayaa si aad ah ugu farxay sidii diiranayd ee loosoo dhaweeyey,waxaana ay mahad celin balaaran uga gudbinyaan halkan bahda isboortiga finland qaas ahaan  maamulkii ciyaarahan soo qabanqaabiyey oo uu ugu horeeyo Gudoomiye Imad.
 
Abdiaziz Godah
Helsinki – Finland
agodah@hotmail.com

Waxaa si habsami ah loo furay tartankii sideed  iyo tobonaad ee ciyaaraha xagaaga Finland. Tartankan oo ka furmay magaalada Helsinki ee dalka Finland.Xafladda furtaanka oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ammaanteeda iska leh maamulka iyo guddigii qabanqaabada.  

Furitaankii ciyaaraha ayaa waxaa ka soo qayb galay ciyaaryahandii heerka kuwaad caan ku ahaan jiray dalka Soomaaliya, maamuladoodii kooxaha, jaaliyada Soomaalidda Finland, ururka suxufiyiinta isboortiga Soomaaliyeed iyo dhamaan bulshaweynta isboortiga Somaaliyeed ee wadanka Finland.

Xafladan ayaa waxaa ay ka dhacdey garoonkii loogu talagalay iney ciyaarhan ka dhacaan, waxaan martidii halkaas isugu timid ay ka soo jeediyeen qudbado kala duwan oo ku wajahnaa ciyaarahan iyo dhamaan is dhexgalka dhalinyaradan ka kala socotay kooxaha kala duwan. 

Tartankan ayaa waxaa uu ahaa mid si joogto loo qabto sanad walba, wuxuuna soo socday muddo dheer,  ciyaarahan qabashadiisa ay ku soo hortay hal urur oo magaciisa layiraah Ururka dhaqanka iyo Isboortiga Finland SOCOSDadkii furitaanka ka hadlay waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha qabanqaabadda tartankaan Ahmed Cabdulahi (IMAD) waxaana hadaladiisii kamid ahaa "Dhalinyaro weaxaan idinku la dardaarmayaa inaad soo bandhigtaan ciyaar wanaag oo ay asluubi ku dhisan tahay, urukan dhaqanka iyo isboortiga Finland waxaa uu idiin balanqaadayaa isagoo latashanay qaybaha kala duwan ee isboortiga inuu idin joogteen doono ciyaaraha si loo helo dhalinyaro mustaqbal ku yeelata ciyaarahan". 

Xoghayaha ururka SOCOS  QOOJE ayaa waxaa uu sidoo kale ka hadlay qaabka ay cayaaraha usocnayaan isla mar ahaantaana kula dardaarmay dhalinyaradii kasoo qaybgashay ciyaarahan inay soo bandhigaan ciyaaro wanaagsan. 

Ciyaartan ayaa waxaa daawashadeeda kasoo qayb galay dad isboortiga Soomaaliyeed magac iyo sharaf ku lahaa ciyaaraha qaybahooda kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Macalin Bashiir Abdi Daahir, Cisman Hudhey,Ciyaaryahankii xulka qaran iyo naadiga Madbacada Eenow, Madaxa isboortiga ee Universal TV Mr Abdulqadir Maxamed Faarax “Biriq”Abdi Fitk, Fanax waxool,Daahir Macalin, Macalin Daadow,yasiin Abdi Rage, Juujuule,Yasin gaas, Daauud Axmadey, Abuukar, Musse, Abaajii, Maxamed Musse iyo shacbi weyne aan losoo koobi karin. 

Garoonka ay cayaarahan ka furmeen Kontuwan ee ku yaala bariga magaalada Helsinki, cayaartii furitaanka waxaa isku haleeley kooxaha Tampere iyo Myyrmaki waxaana ku guuleystay kooxda Tampere 2 iyo 1 - Tampere oo ah caasimada labaad ee wadankan Finland waxaa la socday taageerayaal aad u farabdan oo soo camiray garoonka ay cayaarta ka socotay. Cayaartii xigtey waxaa isaga hor yimid Turku iyo Horseed waxaa 2 iyo 1 ku guuleystay cayaaryahandii Turku,cayaartii ugu dambeysay oo la qabtey maalinta furitaanka waxaa soo gaba gabeeyey kooxaha Lieksa iyo Vaasa waxaana guusha ay ku raacdey kooxdii ku cayaareysay magaca Lieksa. Kooxaha ka soo qeyb galay sanadkan waxaa loo kala saarey 3 group oo kala ah A – B – C – D

Group A                            Group B                             Group C                            Group D
Tampera                            Horseed                              Vaasa                                 FC Somali
Myyrmaki                          Turku                                 Banaadir                            Vantaa City
FC Kanus                          Espoo                                 Lieksa                                 SS Oulu

Cayaarahan ayaa waxaa lagu wadaa inay soo gaba gaboobaan  inshallah 2.7.2012 waxaa kaloo jira barnaamijyo ay soo abaabuleen Universal TV iyo bahda isboortiga Helsinka oo ah wadahadal sidee loo hormarin karaa isboortiga Somalia oo lagu qaban doono hall ku yaala bariga caasimada Finland.
 
Ugu dan bayntii waa markii ugu horeeysay oo ayciyaaraha xagaaga kasoo qayb galaan Madaxa isboortiga ee Universal TV Mr Abdulqadir Maxamed Faarax “Biriq” iyo weliba Abdinasir Sola oo ay dadbadan, qaas ahaan bahda isboortiga ku xasuustaan barnaamijyada qiimaha badan oo uu kasoo deeyo tv-ga Universal qaybtiisa ciyaaraha,labadan shaqsi ayaa si aad ah ugu farxay sidii diiranayd ee loosoo dhaweeyey,waxaana ay mahad celin balaaran uga gudbinyaan halkan bahda isboortiga finland qaas ahaan  maamulkii ciyaarahan soo qabanqaabiyey oo uu ugu horeeyo Gudoomiye Imad.
 
Abdiaziz Godah
Helsinki – Finland
agodah@hotmail.c
om

Latest News Muuqaalkii la wada sugayay ee heesta tofdheer iyo fanaanka weyn abdijabar alkhal
2013-05-23 22:12:39
Top 10 ten waxaa maanta kusoo qaadaney xidiga faneedka casrigan waa abdi holland
2013-05-23 13:37:26
Heesaha maanta waa 5 shan sidii caadiga aheyd aad ayey u xiisa badan yihiin maan
2013-05-23 13:03:31
Top 10 ten maanta waxaa ku haynaa 10 hees iyo fanaanka weyn ee la jecelyahay abd
2013-05-21 12:44:23
Walii gabar ma sheekeysateen, kaftan aan lahayn godob ma isku gacala miirteen, h
2013-05-21 10:49:30
Heesaheena maanta ee shanta ah waa kuwa xiisa badan oo play list isku xiga ah ku
2013-05-21 10:45:34
Ayaan tromso oo kamid ah fanaaniinta kuwooda ugu caansan xilliyadan ayaa wareyso
2013-05-20 17:02:42
Heestii degmo iyo fanaankii caan baxay king khalid oo muuqaal ah idiin haynaa ee
2013-05-20 16:53:59
Alfanaan sahal amoore ayaa soo saaray video aad u qurux badan iyo heestiisii dho
2013-05-20 16:33:52
Heestii maryan iyo fanaanka weyn legend bashiir ali hussein oo muuqaal ah nala d
2013-05-19 19:03:38
Arimaha Bulshada Muuqaalkii la wada sugayay ee heesta tofdheer iyo fanaanka weyn abdijabar alkhal