
Cesc Fabregas ayaa dhaliyay rigoore qal qiil gashay ayaa xulka Spain uu kaga badiyay dalka Portugal waana rigoorihii ugu dambeeyay ay dhaliyaan dalka Spain.
Bruno Alves iyo Joao Moutinho ayaa dalka Portugal ka qasaariyay labo rigoore taas oo suura galisay in Spain ay 3-2 ugu badiso xulka Portugal ciyaar ka tirsanayd Seme finalka koobka Euro 2012.
Ciyaartan oo ka dhacday magaalada Donetsk ee dalka Ukrain ayaa la ciyaaray 120 daqiiqo oo labada xul ay isku mari waayeen goolal la’aan 0-0 taas oo ugu dambeyn u hogaamisay dalalkaan in la dhigo rigoorayaal oo ay ku badiyeen dalka Spain.
Tuurashada rigoraha ayaa waxa ku maray dalka Spain laakin waxa ka qasaariyay Xabi Alonso oo gool hayaha Portugal uu ka qabtay kadib kubad aan xooganeyn uu dhinaca bidix ee gool hayaha Portugal u tuuray.Xidiga qadka dhexe ee kooxda Barcelona febrigas ayaa u diray xulka Spain Finalka koobka qaramada yurub iyagoo sugaya tii so adkaata dalalka Jarmalka iyo talyaaniga oo ciyaar culus dhex mari doonto xulalkaas.
Tuurashada rigoorooyinka ayaa waxaa ka maqnaa ciyaaryahan Ronaldo oo isagoo lasoo gaarin waqtigiisa lagu kala baxay ciyaarta.Ciyaaryahan Febrigas ayaa dhaliyay 4 sanno ka hor rigooraha goolka guusha ay kaga badiyeen dalka Talyaaniga wareegga 8-da koobkan.
Kooxda ah horyaalka yurub iyo horyaalka adduunka Spain ayaa waxa ay adkaatay 9 jeer dhamaan kulamadii knock ee tartamada waaweyn iyadoo aan gool laga dhalinin.Daafaca Real Madrid iyo xulka Portugal ayaa ku guulaystay inuu hakiyo weerarka Spain dhinaca kale Gerard Peque ayaa isna ku guulaystay inuu istaajiyo weerarka C,Ronaldo oo caawa qasaariyay fursado badan.
Xulka Spain ayaa gaaray markoodii 4-aad Finalka koobka Qaramada yurub kadib 1964,1984,2008 iyo sanadkaan 2012 waxaana horey looga qaaday koobkaan hal jeer waana sanadkii 1984 oo France ka badiyay oo koobka qaaday.
Rigoorihii uu dhaliyay Fabregas waxay la mid tahay sidii Spain ay 4-2 kaga badisay xulka Talyaaniga,kulankaana wuxuu ahaa kii ugu horeeyay ee Spain ay 0-0 ku dhamaysato ciyaar tan iyo 2008.








Top 10 ten maanta waxaa ku haynaa 10 hees iyo fanaanka weyn ee la jecelyahay abd
Walii gabar ma sheekeysateen, kaftan aan lahayn godob ma isku gacala miirteen, h
Heesaheena maanta ee shanta ah waa kuwa xiisa badan oo play list isku xiga ah ku
Ayaan tromso oo kamid ah fanaaniinta kuwooda ugu caansan xilliyadan ayaa wareyso
Heestii degmo iyo fanaankii caan baxay king khalid oo muuqaal ah idiin haynaa ee
Alfanaan sahal amoore ayaa soo saaray video aad u qurux badan iyo heestiisii dho
Heestii maryan iyo fanaanka weyn legend bashiir ali hussein oo muuqaal ah nala d
Alfanaan saalax carab oo soo saaray hees muuqaal ah oo inbadan la wada sugayay e
Xidigaha caan baxay ee mursal muuse iyo xaajiyadiisa iyo weliba lamaantiisa fane
Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii 