Warbaahinta iyo Wararkii ugu dambeeyay ay ka qoreen Ciyaarahaa caalamka.
Weeraryahanka wadanka Ivory Coast Didier Drogba ayaa sheegay in uu diiday ku biirista Barcelona oo si layaab leh ku doonaysay ciyaaryahankaas laakin ku biiray kooxda Shangha Shenhua.
Full story: Daily Mail.
Naadiga Mancheser City ayaa waxa ay bartilmaamedsanaysaa xidiga kooxda Newcastle Fabricio Coloccini iyo daafaca Liverpool Daniel Agger.
Labadaan xidig ayaa suura gal ah in lagu badalo Joleon Lescott oo 29 jir ah kaas oo si la yaab leh kaga dhaqaaqi doonno kooxda ka dhisan Etiham Stadium ee Man City.
Full story: talkSPORT.
Kooxda Chelsea ayaa u weecatay xidiga Andre Schurrle oo 21 jir ah inuu noqdo bar tilmaaamedkeda safka hore kadib markii ay weysay xidiga Victor Moses ee kooxda Wigan.
Full stoy: The Metro.
Kooxda reer Talyaani ee Lazio ayaa u dhow inay lasoo saxiixato xidiga ay doonayaan kooxaha West Ham iyo Tottenham ee lagu magacaabo Burak Yilmaz.
Burak Yilmaz oo 26 jir ah ayaa lagu soo waramayaa in haatan si weyn ay Lazio u doonayso Burak Yilmaz kaas oo sidoo kale laga doonayo dalka England.
Full story: talkSPORT.
naadiga reer Talyaani ee Napoli aya weerar ku qaadayso ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Chelsea iyo xulka Portugal Raul Meireles.
Raul Meireles oo 29 jir ah ayaa waxaa lagu doonayaa 8 milyan oo gini iyadoo kooxda ciyaarta Serie A Talyaaniga ee Napoli ay bartil maamed run ah u yahay Raul Meireles oo 29 jir oo horey ugu ciyaari jiray Liverpool, kaas oo si wanaagsan ugu ciyaara qadka dhexe ahna kubad bur buriye.
Full story: Daily Mirror.
Kooxda Fiorantina ee dalka Talyaaniga ayaa doonaysa inaysan ka iibinin kooxaha Liverpool iyo Aston villa ciyaaryahankeeda Juan Mauel Vargas.
Juan Manuel Vargas oo 28 jir ah ayaa naadiyada Liverpool iyo Aston Villa ayaa diiday inay bixiyaan qiimaha 12 milyan ay ku doonayso Fiorantina.
Full story: talkSPORT.
Edin Dzeko ayaa waxaa shaki sii galay ku biiristiisa kooxda Bayen Munich kadib markii kooxda reer Jarmal ay dalabkeeda u wareejisay ciyaaryahanka weerarka kooxda Wolfsburg ee Mario Mandzukic oo 26 jir ah.
Full story: Daily Mail.
Kooxda Man City ayaa beenisay wararka sheegaya inay iibinayso Aleks Kolarov.
The Dail on Sunday.
Kooxda Atletico Madrid ayaa u sheegtay Chelsea inuusan iib ahayn ciyaaryahankeeda Radamel Falcao oo 26 jir ah qiimo kasto oo ay Chelsea soo bandhigto.
Full story: The Sun.
Man city ayaa diiday wararka sheegaya inay iska iibinayso Aleksandar Kolarov oo 26 jir ah kaas oo la sheegay in lagu doonayo 18 milyan.
Full story: Daily Star
Kooxda Sunderland ayaa dar dar galinayso dadaallo ay ku doonayso inay kusoo cago dhigto oo ay lasoo wareegto ciyaaryahanka weerarka kooxda Wolves Steven Fletcher.
Full story: Daily Mail.
Xulka Ingiriiska qorsheynaya inuu ciyaaro saaxibtinimo ku aado dalka Braziil xilliga soo aadan isla markasna uu laso ciyaaro Brazil iyo Uruguay.
Full story: Daily Mirror.
Tababarihii hore ee kooxda Liverpool Rafa Benitez ayaa sheegay inuu rumaysan yahay in kubadda cagta Ingiriiska ay joogaan xidigo da’yar laakin ay adag tahay in xilligaan u dagalamaan kubada cagta adduunka.
Full story: The Independent.
Xidiga kubad sameeyaha xulka Jarmalka Mesut Ozil ayaa sheegay in Spain ay ku guulaysan karto koobkan haddi ay jirto koox iyaga aan ahayn oo qaadaysa koobka.
Full story: Goal.com.
Xavi Hernandes ayaa sheegay in Spain uu ka adkaan karo xulka.
Full story: Daily Telegraph.
Ahmed Mooge
Xafiiska Deeyoo.com
Somalia-Mogadishu.
Axmed_mooge@hotmail.com
00252615140242








Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii
Dhageyso ama daawo hees kaban ama qaaci ah oo ay qaadeyso farxiya fiska iyo hees
Shanta hees ee maanta waxaa ka dhex muuqda farxiya fiska iyo mursal muuse ee ku
Xulka jimcaha iyo heesaha deeyoo ku dhageyso 10 hees mobilkaaga ama pc midki aad
Waxaan halkan idinkugu haynaa mid kamid ah heesaha ugu hadal haynta badan oo hal
Heesaha maanta oo jimca ah waa 5 hees ee ku dhageyso mobilkaaga ama pc midki aad
Tahniyad dhalasho oo halkan looga dirayo abdirisaq ali xaaji iyo ubax gussein sh
Ayaan taleex oo soo saartay heesteedii muftaax oo muuqaal qurxoon laga sameeyay
Heeso shan iyo fanaanad cusub oo cod macaan ayaa kamid ah xulkeena heesaha maant
Nuur faneedkii norway nasteexo indho oo lasoo kala baxday muuqaal iyo hees is wa