
Arsenal aya waxa ay ugu dambeyn soo gabo gabeeysay saxiixa xidiga wadanka France Olivier Giroud oo kala soo saxiixatay kooxda Montipeler ee dalka France.
Xidiga calamiga wadanka France Olivier Giroud oo 25 jir ah ayaa maray tikaabada caafimaadka kooxda Arsenal isla markasna uu qalinka ku duugay hishiis ku kacay 12 milyan oo gini.
Tababare Arsen Wenger ayaa doonaya inuu adeegsado saddex weerar oo culus kuwaas oo kala ah Olivier Giroud,Lukas Podolski iyo Robin Van Persie.
‘Waa xidig wanaagsan muuqaal ahaan waana xidig weyn kaas oo qaban kara wax wanaagsan ayuu yiri Tababare Wenger.
Macalin Arsen Wenger ayaa intaa ku daray in Olivier Giroud uu wax weyn ku soo biirin doonno weerarka kooxda Arsenal isla markaasna uu dhalin doonno goolal ka badan kuwa uu u dhaliyay kooxdiisa Montpilier ee dalka France oo xilligii tagay u dhaliyay 21 gool.
Olivier Giroud ayaa xilligii dhamaaday horyalka Faransiiska la qaaday kooxda Montpellier isagoo afar jeer badal kusoo galay ciyaaraha xulka Faransiiska ee koobka Euro 2012.
“aad ayaa u jeclaa mar kasto inaan u ciyaaro Arsenal oo taariikh ka sameeyo,waana rajeenaa inaan sumcad iyo horumar ka samayn doonno Arsenal ayuu yiri Olivier Giroud. Xidigaan Olivier Giroud ayaa dhererkiisa uu yahay 6ft iyo 3ins,waana mid kamid ah weeraryahanada ugu wanagsan horyaalka Faransiiska xiligii dhamaaday.
Ahmed Mooge
Xafiiska Deeyoo.com
Somalia-Mogadishu.
Axmed_mooge@hotmail.com
00252615140242








Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii
Dhageyso ama daawo hees kaban ama qaaci ah oo ay qaadeyso farxiya fiska iyo hees
Shanta hees ee maanta waxaa ka dhex muuqda farxiya fiska iyo mursal muuse ee ku
Xulka jimcaha iyo heesaha deeyoo ku dhageyso 10 hees mobilkaaga ama pc midki aad
Waxaan halkan idinkugu haynaa mid kamid ah heesaha ugu hadal haynta badan oo hal
Heesaha maanta oo jimca ah waa 5 hees ee ku dhageyso mobilkaaga ama pc midki aad
Tahniyad dhalasho oo halkan looga dirayo abdirisaq ali xaaji iyo ubax gussein sh
Ayaan taleex oo soo saartay heesteedii muftaax oo muuqaal qurxoon laga sameeyay
Heeso shan iyo fanaanad cusub oo cod macaan ayaa kamid ah xulkeena heesaha maant
Nuur faneedkii norway nasteexo indho oo lasoo kala baxday muuqaal iyo hees is wa