HomeNewsChampoins LeagueWararka SuuqaArimaha BulshadaMusic Contacts
Bye Bye England Oo Mar Kale Rigoorayaal Lagu Reebay Iyo Pirlo Oo Tusay Sida Loo Dhaliyo Goolasha
2012-06-25 07:03:34

Ingiriiska ayaa sidii la filayay rigoorayaal uga haray ciyaarihii Yurub, halka Talyaaniga oo muddo la il darnaa masiibooyinka Rigoore uu nasiibku u muuqdo mid xilliyadan danbe dhankoodu noqday, waa marka laga hadlayo rigoorayaal.
Ciyaartan dhex martay labadan quradood ayey mid weliba dhankeeda rajo fiican ka qabtay isla markaana warbaahintoodu amaan indhaha isaga ridayeen maalmahan, waxayse gunaanadkii noqotay, xidigihii England oo garoonkii Olympic Stadium ka dareeray iyagoo ilmeynaya, halka ay kuwii Italia farxad iyo damaashaad kala tageen.
Waxay wada ciyaareen kulankii ugu horeeyay tartankan Yurub oo ku dhamaado barbardhac goolal la,aan ah, mana ahayn wax la yaab leh oo inta badan khubarada kubada cagtu wey saadaaliyeen rrun ahaan badankood in sidan xaalku noqonayao.
Min bilow ilaa dhamaad Talyaaniga ayaa aad uga firfircoonaa dhigooda Ingiriiska, ilaa ay 2 mar garaaceen birta gool haye Joe Hart, inkasta oo ay Ingiriisku heleen fursado qaali ah oo aan sidaa u badneyn, ilaa ay qeybihii danbe ee ciyaarta dhamaan 11kii ciyaartoy isugu soo aruureen xariiqda ganaaxa.
Andrea Pirlo ayaa kumaando ka noqday bartamaha garoonka, siduu doonana kubada ugu qeybinayay saaxiibadiis oo waxaa fursadaas siiyay Gerrard iyo Parker oo maciin biday inay safka la galaan Terry iyo Lecott oo difaac adag galay goolna u diiday xidigii reer Italy.
120 daqiiqo kadib markii ay ciyaartu dhamaatay waxa kaliya oo la sugana noqotay Rigoorayaal min 5 ah, waxaa bilaabay quuqlaha Talyaaniga Balotelli oo ciyaartan aad u wanaagsanaa dhameysatyna kulankiisii ugu horeeyay tartankan, wuu dhaliyay kubadiisii, waxaana xigsaday Gerrard oo isna dhaliyay.
Montalivio ayaa banaanka marsiiyay, waxaase gool ugu jawaabay Rooney, sidaasna ay hogaanka rigoorayaasha ku qabteen reer Ingiriis, waxaa la sugay Pirlo sida wax yeeli doono oo hadii laga qabto xaalku wuxuu u ekaanayaa kala bax ama 3 iyo 1 Ingiriiksu ku hogaamiyo, hadii ay midkooda dhaliyaana 4 iyo 2.
Sidaa ma noqon oo Pirlo ayaa dhaliyay rigoore aad loo wada xasuusan doono taarikhda, isagoo si tartiib ah kubadii u qaaday kuna aadiyay bartamaha goosha goolhaye hart ayaa ku booday dhanka midig, wuxuuse gadaal usoo fiiriyay kubadii oo si tartiib ah goolka ugu socota, nasiib daro dib uma soo noqon karin, sidaas ayey kusoo noqotay rajadii Talyaaniga.
Rigoorayaashii ku xigay ayey Ingiriisku iska qasaariyeen 2 rigoore oo ay kala tuureen lana Ashley oo midna ahaa Young kan kalena Cole, halka uu kubadii ugu danbeysay si xarago leh ku dhaliyay Diamanti, sidaasna bye bye ku yiri reer Ingiriis oo inta badan tartamada waaweyn lagu reebo rigoorayaal.
Waxaa hada la wada sugayaa oo soo haray Italia vs Germany iyo Spain vs Portugal, run ahaan waa 4tii kooxood ee ugu wanaagsanaa tartankan oo nasiib iyo ciyaar wanaag halkaa ku yimid, saadaashuna waa halkeeda inkastoo loo badinayo fiinaale ay wada ciyaarayaan Spain vs Germany, hadana labada dal ee kale ma aha kuwa sahal lagu mari karo oo waxa ay u baahantahay shaqo adag.
Maalinta Arbacada ayaa la ciyaarayaa kulanka hore wixii kusoo kordhana dabcan waan idiin soo gudbineynaa hadii alle noo saamxo insha allaah.
Deeyoo Sport
Oslo / Norway.

Ingiriiska ayaa sidii la filayay rigoorayaal uga haray ciyaarihii Yurub, halka Talyaaniga oo muddo la il darnaa masiibooyinka Rigoore uu nasiibku u muuqdo mid xilliyadan danbe dhankoodu noqday, waa marka laga hadlayo rigoorayaal.

Ciyaartan dhex martay labadan quwadood ayey mid weliba dhankeeda rajo fiican ka qabtay isla markaana warbaahintoodu amaan indhaha isaga ridayeen maalmahan, waxayse gunaanadkii noqotay, xidigihii England oo garoonkii Olympic Stadium ka dareeray iyagoo ilmeynaya, halka ay kuwii Italia farxad iyo damaashaad kala tageen.

Waxay wada ciyaareen kulankii ugu horeeyay tartankan Yurub oo ku dhamaado barbardhac goolal la,aan ah, mana ahayn wax la yaab leh oo inta badan khubarada kubada cagtu wey saadaaliyeen run ahaan badankood in sidan xaalku noqonayo.

Min bilow ilaa dhamaad Talyaaniga ayaa aad uga firfircoonaa dhigooda Ingiriiska, ilaa ay 2 mar garaaceen birta gool haye Joe Hart, inkasta oo ay Ingiriisku heleen fursado qaali ah oo aan sidaa u badneyn, ilaa ay qeybihii danbe ee ciyaartana dhamaan 11kii ciyaartoy isugu soo aruureen xariiqda ganaaxa.

Andrea Pirlo ayaa kumaando ka noqday bartamaha garoonka, siduu doonana kubada ugu qeybinayay saaxiibadiis oo waxaa fursadaas siiyay Gerrard iyo Parker oo maciin biday inay safka la galaan Terry iyo Lecott oo difaac adag galay goolna u diiday xidigihii reer Italy.

120 daqiiqo kadib markii ay ciyaartu dhamaatay waxa kaliya oo la sugana noqotay Rigoorayaal min 5 ah, waxaa bilaabay quuqlaha Talyaaniga Balotelli oo ciyaartan aad u wanaagsanaa dhameysatyna kulankiisii ugu horeeyay tartankan, wuu dhaliyay kubadiisii, waxaana xigsaday Gerrard oo isna dhaliyay.

Montalivio ayaa banaanka marsiiyay, waxaase gool ugu jawaabay Rooney, sidaasna ay hogaanka rigoorayaasha ku qabteen reer Ingiriis, waxaa la sugay Pirlo sida wax yeeli doono oo hadii laga qabto xaalku wuxuu u ekaan lahaa kala bax ama 3 iyo 1 Ingiriiksu ku hogaamiyo, hadii ay midkooda dhaliyaana 4 iyo 2.

Sidaa ma noqon oo Pirlo ayaa dhaliyay rigoore aad loo wada xasuusan doono taarikhda, isagoo si tartiib ah kubadii u qaaday kuna aadiyay bartamaha goosha, goolhaye Hart ayaa ku booday dhanka midig, wuxuuse gadaal usoo fiiriyay kubadii oo si tartiib ah goolka ugu socota, nasiib daro dib uma soo noqon karin, sidaas ayey kusoo noqotay rajadii Talyaaniga.

Rigoorayaashii ku xigay ayey Ingiriisku iska qasaariyeen 2 rigoore oo ay kala tuureen laba Ashley oo midna ahaa Young kan kalena Cole, halka uu kubadii ugu danbeysay ee Talyaaniga si xarago leh ku dhaliyay Diamanti, sidaasna bye bye ku yiri reer Ingiriis oo inta badan tartamada waaweyn lagu reebo rigoorayaal.

Waxaa hada la wada sugayaa oo soo haray Italia vs Germany iyo Spain vs Portugal, run ahaan waa 4tii kooxood ee ugu wanaagsanaa tartankan oo nasiib iyo ciyaar wanaag halkaa ku yimid, saadaashuna waa halkeeda inkastoo loo badinayo fiinaale ay wada ciyaarayaan Spain vs Germany, hadana labada dal ee kale ma aha kuwa sahal lagu mari karo oo waxa ay u baahantahay shaqo adag.

Maalinta Arbacada ayaa la ciyaarayaa kulanka hore wixii kusoo kordhana dabcan waan idiin soo gudbineynaa hadii alle noo saamxo insha allaah.

Deeyoo Sport
Oslo / Norway.

Latest News Muuqaalkii la wada sugayay ee heesta tofdheer iyo fanaanka weyn abdijabar alkhal
2013-05-23 22:12:39
Top 10 ten waxaa maanta kusoo qaadaney xidiga faneedka casrigan waa abdi holland
2013-05-23 13:37:26
Heesaha maanta waa 5 shan sidii caadiga aheyd aad ayey u xiisa badan yihiin maan
2013-05-23 13:03:31
Top 10 ten maanta waxaa ku haynaa 10 hees iyo fanaanka weyn ee la jecelyahay abd
2013-05-21 12:44:23
Walii gabar ma sheekeysateen, kaftan aan lahayn godob ma isku gacala miirteen, h
2013-05-21 10:49:30
Heesaheena maanta ee shanta ah waa kuwa xiisa badan oo play list isku xiga ah ku
2013-05-21 10:45:34
Ayaan tromso oo kamid ah fanaaniinta kuwooda ugu caansan xilliyadan ayaa wareyso
2013-05-20 17:02:42
Heestii degmo iyo fanaankii caan baxay king khalid oo muuqaal ah idiin haynaa ee
2013-05-20 16:53:59
Alfanaan sahal amoore ayaa soo saaray video aad u qurux badan iyo heestiisii dho
2013-05-20 16:33:52
Heestii maryan iyo fanaanka weyn legend bashiir ali hussein oo muuqaal ah nala d
2013-05-19 19:03:38
Arimaha Bulshada Muuqaalkii la wada sugayay ee heesta tofdheer iyo fanaanka weyn abdijabar alkhal