Vicente Del Bosque oo kula taliyay Tababare Guardiola inuu ku biiro kooxda Bayern Munich iskana ilaabo ku biirista Chelsea.
Rajadii kooxda Chelsea ay ka lahayd inay lasoo wareegto tababarihii hore ee kooxda Barcelona Pep Guardiola ayaa waxa ku timid dharbaaxo xooggan kadib markii Tababaraha xulka Spain Vicente Del Bosque uu kula taliyay tababare Guardiola uu ku biiro Bayern Munich iskana daayo inuu hishiis u saxiixo kooxda Chelsea oo si wayn u raadinaysay macalinkaas.
Tababare Guardiola ayaa waxaa uu qorsheynayay inuu xilliga soo aadan uu ku biiro kooxda Chelsea isla markaasna uu hishiis u saxiixo waxaana si weyn u doon doonayay Milkilaha saliiidda ka taajiray ee Roman Abramovich.
Guddoomiyaha kooxda Bayern Munich Uli Hoeness,agaasimaha guud ee kooxda B.Munich christen Nerlinger ayaa la kulmay wakiilka Guardiola oo lagu magacaabo Jose Maria Orobita waxayna kala hadleen qorshe uu 41 jirka wadan Spain Guardiola uu ugu biiri lahaa kooxda Bayern Munich.
Guariola ayaa haatan deg deg uusan ku jirin wuxuuna rabaa inuu sanad nasiino ah qaato waxaana tababare Vicente Del Bosque oo ah macalinka xulka Spain ayaa kula taliyay inuu Guardiola uu doorto kooxda reer Jarmal ee Bayern Munich.
Ahmed Mooge
Xafiiska Deeyoo.com
Somalia-Mogadishu.
Axmed_mooge@hotmail.com
00252615140242








Muuqaalkii la wada sugayay ee heesta tofdheer iyo fanaanka weyn abdijabar alkhal
Top 10 ten waxaa maanta kusoo qaadaney xidiga faneedka casrigan waa abdi holland
Heesaha maanta waa 5 shan sidii caadiga aheyd aad ayey u xiisa badan yihiin maan
Top 10 ten maanta waxaa ku haynaa 10 hees iyo fanaanka weyn ee la jecelyahay abd
Walii gabar ma sheekeysateen, kaftan aan lahayn godob ma isku gacala miirteen, h
Heesaheena maanta ee shanta ah waa kuwa xiisa badan oo play list isku xiga ah ku
Ayaan tromso oo kamid ah fanaaniinta kuwooda ugu caansan xilliyadan ayaa wareyso
Heestii degmo iyo fanaankii caan baxay king khalid oo muuqaal ah idiin haynaa ee
Alfanaan sahal amoore ayaa soo saaray video aad u qurux badan iyo heestiisii dho
Heestii maryan iyo fanaanka weyn legend bashiir ali hussein oo muuqaal ah nala d