Naadiga Manchester City ayaa waxay horey u qaadaysaa qorshaha ay ku doonayso inay kula soo saxiixato weeraryahanka wadanka Holland iyo kooxda Arsenal Robin van Persie,.Kadib markii uu kasoo haray koobka Euro 2012 ayaa Man city u aragtaa Robin van Persie mid ay heli karto saxiixiisa isagoo ciyaaryahankaas uu rabo inuu isaga tago kooxda Arsenal.
Arsenal ayaa waxay ka madax adeegaysaa inay lumiso ciyaaryahankaan oo ay ka iibiso kooxda Man city waxana la rumaysan yahay tababare Roberto Mancini uu go’aansaday inuu soo cago dhigo Robin van Persie.Robin van Persie ayaa waxa sidoo kale doonaya kooxaha Juventus iyo Barcelona oo ka kala dhisan dalalka Talyaaniga iyo Spain.
Hishiska uu Robin van Persie kula jiro kooxda Arsenal ayaa waxa ka harsan hal sanno waxana loo soo bandhigay qorshe uu ku saxiixayo hishiis cusub oo uu kusii dheereenaayo kan uu hadda kula jiro kooxda ka dhisan garoonka Emarates.
Manchester city ayaa awood buuxda u leh inay mushaaro dhan 200 kun todobaadkii ay siiso isla markaasna uu kusoo biro kooxda ah horyaalka Ingiriiska.Haddii Manchester city ay lasoo wareegto Robin van Persie ayaa iska iibinayso xidigaha mushaarada badan ka qaata kooxda sida Emmanuel Adebayor ama Carlos Tevez.
Weeraryahanka wadanka Holland Robin van Persie ayaa diidan inuu saxiixo hishiis saddex sanno ah kaas oo todobaadkii loo soo bandhigay 130 kun oo ay dheertahay lacago dhan 5 milyan oo gini kuwaas oo ah lacago abaal marino ah oo uu helaayo sida uu u soo bandhigo daacadnimadiisa iyo guulaha kooxda uu gaarsiiyo.
Robin van Persie ayaa la rajeenaa inuu la safro xulka Arsenal ee safarada ciyaareed ku aadaya Asia sida dalalka Malaysia,Hong Kong,isagoo ah kabtanka kooxda Arsenal waxaana xiligii dhamaday u dhaliyay Arsenal 37 gool dhamaan tartamada uu u ciyaaray.
Kabtan Robin van Persie ayaa wuxuu tababarka dib ugu soo laaban doonaa todobaadka ugu horeeya ee bisha July ee soo aadan waxaana kulanka ugu horeeya ay Arsenal la ciyaaraysaa xul Malaysia xidigaha ka ciyaara waxana ay dhacaysaa 24 bisha soo aadan ee july.
Ahmed Mooge
Xafiiska Deeyoo.com
Somalia-Mogadishu.
Axmed_mooge@hotmail.com
00252615140242








Heestii maryan iyo fanaanka weyn legend bashiir ali hussein oo muuqaal ah nala d
Alfanaan saalax carab oo soo saaray hees muuqaal ah oo inbadan la wada sugayay e
Xidigaha caan baxay ee mursal muuse iyo xaajiyadiisa iyo weliba lamaantiisa fane
Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii
Dhageyso ama daawo hees kaban ama qaaci ah oo ay qaadeyso farxiya fiska iyo hees
Shanta hees ee maanta waxaa ka dhex muuqda farxiya fiska iyo mursal muuse ee ku
Xulka jimcaha iyo heesaha deeyoo ku dhageyso 10 hees mobilkaaga ama pc midki aad
Waxaan halkan idinkugu haynaa mid kamid ah heesaha ugu hadal haynta badan oo hal
Heesaha maanta oo jimca ah waa 5 hees ee ku dhageyso mobilkaaga ama pc midki aad
Tahniyad dhalasho oo halkan looga dirayo abdirisaq ali xaaji iyo ubax gussein sh