
Dalka Norway oo ay ku noolyihiin Soomaali aad u fara badan ayaa la dhihi karaa waxay kamid tahay meelaha ugu badan oo ay qurba joogtu dhaqdhaqaaq muuqda ka wadaan dhan kasta sida Ganacsiga, Waxbarashada, is dhax galka Bulasha iyo ugu danbeyn Fanka iyo Sportiga.
Xubinteena todobaadkan waxaan kusoo qaadaneynaa horumarka dhanka Fanka oo ay reer Norway ka gaareen xiliyadii danbe gaar ahaan sanadkan aynu ku jirno ee 2012ka, waxaana si gooni ah farta ugu fiiqeynaa oo aan kasoo xulaneynaa 3 kamid ah fanaaniinta kasoo baxay dalkan oo wada hablo ama gabdho ah qofba sida uu u yaqaano.
Sadaxda fanaan oo ay bulshadu aadka uga sheekeysato maalmahan horumarka ay gaareen waxa ay kala yihiin Ayaan Taleex, Nasteexo Indho iyo Ayaan Tromso oo dhamaantoodba ku nool magaalada Oslo.
1- Ayaan Taleex oo ah Fanaanad, Abwaanad iyo Mulaxamad intaba, waxa ay muddo aad u dheer ku nooleyd dalkan oo ay timid iyada oo aad u yar, balse su'aasha ay dadku sida aadka isku weydiiyaan ayaa ah sida uu qof dhalinyar oo muddo sidaa u dheer qurba joog ahaa ugu suurta geli karto inuu isku qaato dhamaan inta looga baahanyahay fanka marka laga saaro Musiga, jawaabtuna waa iska cadahay oo waa Heybad.
Ayaan taleex ayaa ilaahey heybad u siiyay cod iyo maskax ay ku diyaariso hees kaamil ah oo buuxda isla markaana ay kuu luuqeyso, waxaana runtii aan dhihi karnaa marka aan qiimeeyo fanka dalkeena waa yartahay amaba ma jirto gabar sida Ayaan kasoo dhalaali karta nooc kasta oo fanka ah, waxaan mar dhow idiin soo gudbineynaa iyada oo ka faalooneysa goorta ay ogaatay heybadan uu ilaah siiyay.
Halkan ka dhageyso mid kamid ah heesaha ay Ayaan Taleex soo saartay sanadkan 2012ka.
---------------------------------------
2- Nasteexo Indho, Waa fanaanad dhalin yar oo sanadkan soo saartay heeso aad looga dabadhacay, iyadoo fanka kaga horeysay labada hablood ee kale balse ay hada go'aansatay inay xooga saarto horumarka faneed oo ay hiigsaneysay muddo.
Nasteexo waxa ay leedahay cod aad u macaan oo aad ka dhex garan karto marka ay heeseyso fanaaniinta kale, waxa ay jeceshahay inay heesaha u qaado hadba nooca ay yihiin, jaceyl, daadis, wadani iyo guubaabo nooc kasta. Sida ay noo sheegtay waxa ay damacsantahay in sanadkan soo saarto dhowr hees oo u badan kuwa jaceyl ah.
Halkan ka dhageyso mid kamid ah heesaha ay Nasteexo Indho soo saartay sanadkan 2012ka.
--------------------------------------------
3- Ayaan Tromso, ayaa kamid ah fanaaniinta sida nalka uga soo ifay dalka Norway, iyada oo soo saartay heeso aad looga dhageysto dhamaan meelaha ay Soomaalidu dagto dunida dacaladeeda, waxaana hubaa hadii ay halkeeda kasii wado dadaalka iyo huromarka ay sameysay mudadii gaabneyd oo ay fanka ku jirtay inay hiigsan doonto meel aad u sareysa.
Ayaan Tromso oo hada ku guda jirta diyaarinta Album buuxa oo taariikhda gala, codkeeda iyo hab faneedkeeduba wuu kusoo jiidanayaa marka aad dhageysato, waana magaca Ayaan tromso kan hada aadka ugu badan afka bulsha faneedka Norway iyo aduunkaba, hadaan nahay bahda fanka (Deeyoo) waxaan idiin balan qaadeynaa inaan idiin soo bandhigno wareysi maqal iyo muuqaal ah oo aad kaga bogataan hab faneedka Ayaan Tromso iyo labada fanaan ee kale Nasteexo iyo Ayaan Taleex.
Halkan ka dhageyso mid kamid ah heesaha ay Ayaan tromso soo saartay sanadkan 2012ka.
--------------------------------------------------
Horumarka fanaaniinta aan kor kusoo xusnay iskama imaan hadii aan la gacan qaban ama ugu yaraan la taageerin, waxaana dhihi karna dalka Norway ayaa hada hogaanka u haya horumarka fanka dhamaan qurba joogta Soomaaliyeed marka laga reebo dalal waaweyn oo ay maid yihiin USA iyo Ingiriiska, waxaana saba uga dhigayaa inta fanaan ee hada soo baxday iyo kuwii horey ugu noolaa oo runtii la dhihi karo (sadar muuqda su'aal ka dhan).
Bashiir Ali Hussein, Mohamed Aadan Himilo, Abdirisaaq saleebaan Gaas, Ahmed Nuur Adaawe, Abdi Qaboojiye, Abdirashid Ali Xamari, Farxan Xidig, Omar Teesiyow, Hussein Nuuriyow, Mohamud khadar, Ceydiid Tuhume, Abdikarin Kaliimow, Mahad Jeesto, Binicalwan, Ciise takar,Saacid Bulxan, Waa fanaaniinta ku qoran magac faneedka Soomaalida Norway, waxaa kaloo jira oo aanan ka tagi karin fanaanad Norwegian ah oo ku heesta afkeena Soomaaliga oo la yiraahdo Tanya iyo ugu danbeyn xidigo uu ugu horeeyo Abdifitah yare oo hada ku nool dalka Uk gaar ahaan London ayey weli si gaar ah ugu xisaabtamaan reer Norway oo uu noloshiisa intii ugu muhiimsaneyd kusoo qaatay isaguna uu aaminsayahay.
Waxaan qormadeena danbe kusoo qaadaneynaa Abwaanada suurta geliyay horumarka Soomaalida Norway ee dhanka fanka oo la,aantood marnaba suurta gasheen inay soo baxaan heesaha ay soo saareen fanaaniintan badan.
Mohamed Deeyoo.
Deeyoo Music
Oslo / Norway.








Top 10 ten maanta waxaa ku haynaa 10 hees iyo fanaanka weyn ee la jecelyahay abd
Walii gabar ma sheekeysateen, kaftan aan lahayn godob ma isku gacala miirteen, h
Heesaheena maanta ee shanta ah waa kuwa xiisa badan oo play list isku xiga ah ku
Ayaan tromso oo kamid ah fanaaniinta kuwooda ugu caansan xilliyadan ayaa wareyso
Heestii degmo iyo fanaankii caan baxay king khalid oo muuqaal ah idiin haynaa ee
Alfanaan sahal amoore ayaa soo saaray video aad u qurux badan iyo heestiisii dho
Heestii maryan iyo fanaanka weyn legend bashiir ali hussein oo muuqaal ah nala d
Alfanaan saalax carab oo soo saaray hees muuqaal ah oo inbadan la wada sugayay e
Xidigaha caan baxay ee mursal muuse iyo xaajiyadiisa iyo weliba lamaantiisa fane
Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii 