
Waa xubintii xanta suuqa iyo xooraansiga kooxaha oo aan kusoo qaadaneyno wararkii ugu danbeeyay ee kala iibsiga ciyaartoyda kubada cagta aduunka.
Kooxaha Manchester United, Manchester City iyo Liverpool ayaa dhamaantood ku xafiiltamaya sidii ay kula soo wareegi lahaayeen Daniele de Rossi oo ay indhuhu si aad ah usoo jiiteen ka qeyb galkiisa ciyaaraha Yurub iyo dalkiisa Italia oo uu xidigani soo bandhigay hab ciyaareed aad loola dhacay.
Clarence Seedorf ayaa go'aansaday inuu isaga hayaamo Ac Milan iyo Italia isagoo boorsadiisa u xirxiranaya dalka Brazil oo uu ka ciyaari doona inta yar ee uga hartay waayihiisa ciyaareed oo muddo ku dhaw 20 sano kula soo qaatay kooxo waaweyn oo laga xusi karo Ajax, Sampadoria, Real Madrid, Inter Milan iyo Ac Milan oo uu 10kii sano ee lasoo dhaafay u ciyaarayay.
Laacibka difaaca uga ciyaara Arsenal ee Thomas Varmaelen ayaa lagu soo waramayaa inuu hada ku suganyahay magaalada Barcelona oo dhawaan sawir looga qaaday isagoo la jooga kabtanka kooxdaas Carlos Puyol, waxaana sii xoogeysanaya shakiga laga qabo inuu ku biirayo kooxda reer Catalan ee Spain, kooxdan ayaana aad u raadineysa maalmahan difaac bir ah.
weeraryahanka murqaha weyn ee kooxda Porto Hulk ayaa gaashaanka ku dhiftay dalab uga yimid kooxda Paris SG oo aad u xiiseyneysa, waxaase uu xidigan si cad ugu sheegay in kooxda kaliya uu rabo ay tahay Chelsea, waa hadiiba uu ka tagayo kooxdiisan reer Portugal ee Porto.
Arsene Webger oo qaati ka taagan dhaawaca faraha badan ee Bakari Sagna ayaa isha la raacaya wiilka madow ee sida aadka ah uga dhex muuqday xulka hada ciyaaraha Yurub ka haray ee Czeckia Mr Gebre Selassie oo runtii muujiyay karti aad u weyn, isagoo dhanka midig ee garoonka ka dhigtay xarun uu iska leeyay.
Sidoo kale Wenger ayaa sheegay inuu 90% heshiis la gaaray kooxda Montplellier oo kun saabsan gool dhaliyahooda weyn Alivier Giroud oo dhankiisa isbuucii hore sheegay sida uu jecelyahay ku biirida kooxda Arsenal. Ninka 3aad oo ay Arsenal lala xiriiriyay ayaa ah Hetam Ben Arfa oo Newcastle u ciyaara, hadana kamid ah xulka Faransiiska ee ka qeyb galaya ciyaaraha yurub.
Tima weynaha Everton marouane Fellaini ayaa looga baaqaya garoonka Old Trafford oo uu macalin Ferguson ka damacsanyahay inuu ku xoojiyo qadkiisa dhexe oo u baahan xoojin, maadaama ay kooxdan weyn maciin biday isla markaana badbaadiyay ruug cadaaga weyn Paul Shcoles.
Real Madrid ayaa qarka u saaran lasoo wareegida xidiga Croatia iyo Tottenham Luca Modric ayaa kooxdiisa Tottenham loo soo bandhigay aduun lacageed gaaraya 50 Milyan oo Dollar, oo xitaa hadii ay ku yaraato loo sii kordhinayo, waxaana halsi ba'an ku haya Real kooxo kale oo ay qaati kala taaganyhiin kuna saabsan saxiixa Modric, kooxaha iyaguna isku raba xidigan ayaa kala ah Chelsea, Manchester United iyo manchester City.
Deeyoo Sport
Oslo / Norway








Top 10 ten maanta waxaa ku haynaa 10 hees iyo fanaanka weyn ee la jecelyahay abd
Walii gabar ma sheekeysateen, kaftan aan lahayn godob ma isku gacala miirteen, h
Heesaheena maanta ee shanta ah waa kuwa xiisa badan oo play list isku xiga ah ku
Ayaan tromso oo kamid ah fanaaniinta kuwooda ugu caansan xilliyadan ayaa wareyso
Heestii degmo iyo fanaankii caan baxay king khalid oo muuqaal ah idiin haynaa ee
Alfanaan sahal amoore ayaa soo saaray video aad u qurux badan iyo heestiisii dho
Heestii maryan iyo fanaanka weyn legend bashiir ali hussein oo muuqaal ah nala d
Alfanaan saalax carab oo soo saaray hees muuqaal ah oo inbadan la wada sugayay e
Xidigaha caan baxay ee mursal muuse iyo xaajiyadiisa iyo weliba lamaantiisa fane
Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii 