Waa kuwan wararkii iyo xantii ugu danbeysay ee suuqa ciyaartoyda.
Luca Modric oo qadka dhexe u maamula Tottenham ayaa lala xiriirinayaa koox ka dhisan horyaalka Spain, balse ma aha Barcelona oo isbuucyadii la soo dhaafay lagu sheegayay, waxa markan safka soo gashay Real Madrid oo rabta inay adkeysato dhexdeeda, Modric ayey u aragtaa inuu yahay nin ka bixi kara farsamada horyaalka Spain, Waxaa kooxdani lala xiriirinaya xidigo badan sida David Silva oo Manchester City u ciyaara iyo Zlatan Ibrahimovich oo ay rabto inuu u buuxiyo booska uu baneynayo Higuain oo kasoo socda kooxdiisa Real Madrid.
***************
Chelsea oo ah horyaalka Yurub ayaan boorka iska jafeysa si ay ugu xaragooto koobka qiimaha leh oo ay isbuucyo ka hor ku guuleysatay, waxa ay kooxdani go'aan ku gaartay inay is xoojiso tartan culusna la gasho labada kooxood ee reer manchester, sidaas daraadeed waxaa hada miiska u saaran Jan Klass Huntalaar oo horyaalka Jarmalka ka ciyaara una dhashay dalka Holland.
***************
Yann M'Vila oo ah xidig da' yar qadka dhexana uga ciyaara kooxda Rennes iyo xulka faransiiska ayaa sheegay sida uu ugu riyoonayo inuu mar uun u ciyaaro kooxda uu tababaro Arsebe Wenger ee Arsenal, isgoo sabab uga dhigay sida uu uga danbeeyo tababarahaas oo inta badan fursado qaali ah siiyo dhalinyarada soo bexeysa.
***************
Alan Dzagoev ayey kooxo badan ku raad joogaan saxiixiisa kadib wacdirihii uu ku bilaabay ciyaaraha Euro 2012 ee uu dalkiisa Ruushka u dhaliyay 3 gool, laakiin nasiib daro isaga hareen ciyaaraha, waxaa isha ku haya kooxo ay kamid yihiin Arsenal, Paris St German, Inter Milan, Newcastle, Tottenham iyo kooxo ka ciyaara horyaalka Spain, waxa uu hada ka ciyaaraa horyaalka Spain.
***************
Manchester City oo Arsenal ugu hanjabtay in aysan ku bixin doonin Van Persie lacag ka badan 15 Milyan kaliya, hadii ay diidaan lacagtaasna kala laaban doona wixi dalab ah oo ay ku rabeen ciyaariyahanka sanadka ee Ingiriiska, iyagoo meelo ka raadsanayao xidigo kale sida Cavani iyo llorente oo u kala ciyaara Napoli iyo Athleic Bilbao.
***************
Barcelona oo isku diyaarineysa beecii ugu danbeeyay inuu usoo bandhigto kooxda Brussia Dortmund oo ay ka qalqaalinayaan difaaca adag Mats Hummels oo dab aan yareyn ka shiday ciyaaraha hada socda ee Euro 2012, kooxdan reer Spain ayaa ka shakisay in kooxo kale safka hore lasoo galaan.
Deeyoo Sport
Oslo / Norway








Muuqaalkii la wada sugayay ee heesta tofdheer iyo fanaanka weyn abdijabar alkhal
Top 10 ten waxaa maanta kusoo qaadaney xidiga faneedka casrigan waa abdi holland
Heesaha maanta waa 5 shan sidii caadiga aheyd aad ayey u xiisa badan yihiin maan
Top 10 ten maanta waxaa ku haynaa 10 hees iyo fanaanka weyn ee la jecelyahay abd
Walii gabar ma sheekeysateen, kaftan aan lahayn godob ma isku gacala miirteen, h
Heesaheena maanta ee shanta ah waa kuwa xiisa badan oo play list isku xiga ah ku
Ayaan tromso oo kamid ah fanaaniinta kuwooda ugu caansan xilliyadan ayaa wareyso
Heestii degmo iyo fanaankii caan baxay king khalid oo muuqaal ah idiin haynaa ee
Alfanaan sahal amoore ayaa soo saaray video aad u qurux badan iyo heestiisii dho
Heestii maryan iyo fanaanka weyn legend bashiir ali hussein oo muuqaal ah nala d