Tartan weliba oo la qabto waxaa nasiib u yeesha inay magac iyo maamuus ku yeeshaan ciyaartoy badan oo aan horey loo aqoonin, laakiin farsamadooda iyo xirfadooda ciyaareed kusoo bandhiga tartamadaas, waxaa hada socda ciyaarihii qaramada Yurub oo hada meel xasaasi ah maraya, waxaana indhaha caalamka soo jiitay Xidigo cusub oo magacooda lagu soo qoray bogaga hore ee jaraa,idyada iyo shabakadaha ka faalooda kubada cagta.
Waxaan xubinteena kasoo qaadaneynaa kuwa loogu hadal heynta badanyahay ee magacoodu kor u kacay intuu uu socday tartankaan.
Jetro Willems, Holland:
Wiilkan dhalinyara 18 jirka ah difaaca bidix uga ciyaaro Holland ayaa lagu sheegay inuu ahaa kan kaliya ee kasoo baxay shaqadiisa, waxaana usii dheer isagoo ahaa wiilkii ugu yaraa abid ee ciyaara Qaramada yurub, waxaa hada qorshahooda ku darsaday kooxo waaweyn oo ay ugu horeeyaan Manchester City, manchester United iyo Juventus.
----------------------------------------------------------------------------------------
Robert Lewandowski, Polen:
Inkasta oo uu xulkiisa Poland ka haray ciyaaraha hadana waxa uu weeraryahankan muujiyay sida uu xariifka ugu yahay kubada iyo goolashaba waana ninkii dhaliyay goolkii ugu horeeyay ciyaarahan, waxaa safka koowaad usoo taagan saxiixiisa macalinka manchester United Sir Alex Ferguson oo damacsan inuu ku badalo Barbartov oo kasii socda kooxdiisa, laakiin ma cada in kooxdiisa hada ee Brussia Dortmund iska iibineyso, maadaama ay wax yar ka hor iska iibisay Kagawa oo ay Isla United iibsatay.
-------------------------------------------------------------------------------------------
Yevhen Konoplyanka, Ukrain:
Wiilkan dhalinyarada ah oo geeska bidix ee Ukrain iyo ciyaarahan Yurub ka dhigtay mid uu iska leeyahay, sida uu ugu xaragoodo kubada, sahalka uu ku dhaafo difaacyada iyo isagoo aad xariif ugu ah kubadaha dhaadheer oo uu kaga xanaajiyo goolhayayaasha, waxaa si gooni ah u caashaqay tababare Wenger oo baadi goob ugu jira nin goolasha ka dhaliya meelaha dhaadheer.
-------------------------------------------------------------------------------------------------
Yohan Cabaye, France:
Waa xidig hada ka ciyaara Premier League gaar ahaan Newcastle, waxa aad u adag sida ay kooxdani kusii haysato Cabaye oo soo jiitay indhaha kooxo waaweyn kadib hab ciyaareedkiisa xulka France ee ciyaarahan Yurub, tusaale kooxaha Ac Milan iyo Manchester United ayaa quud dareynaya saxiixiisa.
-------------------------------------------------------------------------------------------------
Mathieu Debuchy, France:
Waxa uu ka ciyaara Faransiiska gaar ahaan kooxda Lille, booskiisu waa difaaca midig oo uu si la yaab leh uga soo baxay, isagoo ka faa'iideystay dhaawaca Bakari Sagna, waxa uu hada fursad u haystaa inuu ku biiro kooxo ay kamid yihiin Newcastle iyo Chelsea.
--------------------------------------------------------------------------------------------
Jordi Alba, Spain:
Waa xidig aad u da' yar kana ciyaara difaaca bidix ee Valencia iyo Spain, hab ciyaareedkiisa wanaagsani waxa uu soo jiitay isla markaana jeclaatay kooxda Barcelona oo raadineysa difaac bidix oo u badala eric Abidal oo ka xanuunsaday, Alba ayaana ah kan ugu horeeya oo ay kooxdani la rabto booskaas.
---------------------------------------------------------------------------------------------
Alan Dzagoev, Russia:
Xidigan oo magaciisa la maqal ciyaarahan ka hor ayaa hada inta badan warbaahintu afkooda ku hayaan kadib 3 gool oo uu dhaliyay dalkiisa Ruushka oo hada isaga haray ciyaarahan, laakiin waxa uu noqday ninkii ugu wanaagsanaa ee ay lasoo shir tageen, waxaa sanka la raacaya Arsenal oo sida la sheegay ku badaln rabta Arshavin oo ay isku wadan ka yimaadeen Dzagoev.
----------------------------------------------------------------------------------------------
Mario Mandzukic, Kroatia:
Weeraryahanka reer Kroatia ayaa kamid noqday ragga ugu goolasha badan tartankan ilaa iyo hada isagoo dhaliyay 3 gool ku dhan, waxaa isla markiiba beec dirsatay kooxda Everton ee dalka Ingiriiska oo baadi goobeysa gool dhaliya fiican.Kroatias kraftspiss scoret tre mål på Kroatias to første kamper. Det ble lagt merke til av blant annet Everton, som nå forbereder et bud på spilleren, påstår Daily Mirror.
----------------------------------------------------------------------------------------------
Kyriakos Papadopoulos, Greece:
Difaacan dhexe ee dalka Giriiga ayaa la dhihi karaa waxa uu ahaa laf dhabarka dalkiisa u suurta galiya usoo bixitaanka ciyaarahan, isagoo ka difaacay weeraro badan oo goolal looga dhalin karay, waxa uu ku muteystay in ay ku dagaalamaan kooxaha Manchester United iyo Manchester City oo mid weliba isla rabto wiilkan dhalinyarad ah mustaqbalka fiicana leh.
Deeyoo Sport
Oslo / Norway








Top 10 ten maanta waxaa ku haynaa 10 hees iyo fanaanka weyn ee la jecelyahay abd
Walii gabar ma sheekeysateen, kaftan aan lahayn godob ma isku gacala miirteen, h
Heesaheena maanta ee shanta ah waa kuwa xiisa badan oo play list isku xiga ah ku
Ayaan tromso oo kamid ah fanaaniinta kuwooda ugu caansan xilliyadan ayaa wareyso
Heestii degmo iyo fanaankii caan baxay king khalid oo muuqaal ah idiin haynaa ee
Alfanaan sahal amoore ayaa soo saaray video aad u qurux badan iyo heestiisii dho
Heestii maryan iyo fanaanka weyn legend bashiir ali hussein oo muuqaal ah nala d
Alfanaan saalax carab oo soo saaray hees muuqaal ah oo inbadan la wada sugayay e
Xidigaha caan baxay ee mursal muuse iyo xaajiyadiisa iyo weliba lamaantiisa fane
Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii 