
Waxaa soo dhamaaday qeybta C ee ciyaaraha ka socda Poland iyo Ukrain ee qaramada Yurub 2012, waxaana sidii saadaashu ahayd banaanka taagan Spain oo aruursatay 7 dhibcood iyo Italia oo 5 dhibcood kusoo baxday.
Laba ciyaar oo isku waqti la ciyaarayay ayaa dhex maray Spain iyo Croatia, sidoo kale Italia ayaa La ciyaartay Ireland oo mar hore ka hartay ciyaarahan kadib 2 guul daro oo isku xigta.
Kulankii Spain iyo Croatia ayaa kusoo dhamaaday 1 gool iyo waxba oo ay Spain ku adkaatay, waxaana gool dhaliyihii noqday ciyaartan Jesus Navas oo u ciyaara kooxda Sevilla ee dalka Spain sidaasna dalkiisa ugu horseeday inay kusoo baxaan kaalinta 1aad.

Kulankii 2aad oo aad u xiisa badnaa ayey Talyaanigu is jiid jiid dheer kadib kaga adkaadeen Trapatoni iyo kooxdiisii Ireland 2 gool iyo waxba, waxaa ciyaartan halyeeyadii Talyaaniga noqday labada xidig ee quuqlayaasha ah Cassano iyo Balotelli oo gool qurux badan dhaliyay markii uu bedel kusoo galay.
Croatia oo si fiican u ciyaartay tartankan ayaa gurigooda loo diray kadib 3 kulan oo noqday 1 guul, 1 barbardhac iyo 1 guul daro oo ay ku aruursadeen 4 dhibcood kaliya, waxaana safarkooda ku wehliye dalka Ireland oo dhibic la,aan iyo 3 guul daro dhabarka loo saariyay.

Sidii caadada ahayd markii uu Balotelli goolka dhaliyay ayuu isku dayay inuu hadlo ama muujiyo waxa uu ka aaminsanaa kursiga keydka ah ee la fariisiyay, balse waxaa afka iyo gacmahaba ku dhagay difaaca Italia Banucci oo difaaca uga ciyaara kooxda Juventus, sidaasna ku badbaadiyay Balotelli.
Labadan dal ee soo baxay Spain iyo Italia ayaa ku kala aadaya wadamada kasoo baxa qeybta ugu danbeysa ee D oo ay ku hardamayaan soo bixitaanka France, Ingiriiska iyo Ukrain oo 2 kamid ah wadamadaas laga rabo.

Wixii kusoo kordha ciyaarahan mar walba kala soco Deeyoo Sport, waxaana dhawaan bilaabeynaa inaan muuqaalada ciyaarahan sida goolasha iyo goos gooska idiin soo deyno maadaama uu hada galay meel xasaasi ah insha allaah.
Deeyoo Sport
Oslo / Norway








Muuqaalkii la wada sugayay ee heesta tofdheer iyo fanaanka weyn abdijabar alkhal
Top 10 ten waxaa maanta kusoo qaadaney xidiga faneedka casrigan waa abdi holland
Heesaha maanta waa 5 shan sidii caadiga aheyd aad ayey u xiisa badan yihiin maan
Top 10 ten maanta waxaa ku haynaa 10 hees iyo fanaanka weyn ee la jecelyahay abd
Walii gabar ma sheekeysateen, kaftan aan lahayn godob ma isku gacala miirteen, h
Heesaheena maanta ee shanta ah waa kuwa xiisa badan oo play list isku xiga ah ku
Ayaan tromso oo kamid ah fanaaniinta kuwooda ugu caansan xilliyadan ayaa wareyso
Heestii degmo iyo fanaankii caan baxay king khalid oo muuqaal ah idiin haynaa ee
Alfanaan sahal amoore ayaa soo saaray video aad u qurux badan iyo heestiisii dho
Heestii maryan iyo fanaanka weyn legend bashiir ali hussein oo muuqaal ah nala d