HomeNewsChampoins LeagueWararka SuuqaArimaha BulshadaMusic Contacts
Dowladda Spain Oo Dugsi Ka Dhisayso Muqdisho Iyo Amisom Oo Dhagax Dhigtay Dugsi Ay Wax Ku Baran Doonaan Caruur Degan Wadajir.
2012-06-18 19:58:47

Ku xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Wafulu Wmunyinyi ayaa maanta dhagaxdhigay dugsi hoose oo loogu talagalay inay wax ku bartaan carruurta ku nool degmada Wadajir ee  magaalada Muqdisho.
 
Dugsigan oo dhismihiisu ay ku baxayso in ka badan 50-kun oo doolar ayaa waxaa ku deeqay dawlada Spain iyadoo soo marsiiyey waaxda mashaariicda rayidka ee Midowga Afrika, sida uu sheegay danjire Wafulu Wmunyinyi oo wariyaasha kula hadlay meel ku dhow xeebta Jasiira ee degmada Wadajir oo ah halka dhismaha dugsigan laga hirgalinayo.
 
Dugsigan hoose oo loogu magacdaray ‘Dugsiga Xaaji Maxamuud Hilowle’ ayaa sida saraakiisha dhismaha wada ay sheegeen waxaa uu ka koobnaan doonaa 8 fasal iyo qeybaha maamulka iyo barxad ay carruurta ku nastaan,Waxaana dhulka laga dhisay bixiyey dawlada hoose ee magaalada Muqdisho.
 
Ku xigeenka wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Wafulu Wmunyinyi ayaa sheegay in mashruuca dhismaha dugsiga hoose ay ku xigi doonto dhismaha dugsi kale oo noqonaya dugsi sare si markay carruurta dhameystaan dugsiga hoose ay ugu gudbaan dugsiga sare.
 
Wafulu wuxuu sheegay in marka la dhameystiro dhismayaasha ay kuwareejin doonaan maamulka degmada Wadajir si ay ugu adeegaan dadweynaha degmada waxna loogu baro carruurta Soomaaliyeed.
 
Halka dhismaha dugsigan laga bilaabay ayaa ah meel ay si weyn u degan yihiin dadka barakacayaasha gaar ahaan xerada Rajo oo ku taalla duleedka degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho iyadoo la filayo in carruurta barakacayasha ay ka faa’ideysan doonaan dhismaha dugsigan.
 
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soconaya horumar tan iyo markii laga saaray Ururka Al Shabab ee dagaalka kula jiro dowladda Somalia iyo ciidamada Amisom ee ku sugan gudaha dalka.

Ahmed Mooge

Xafiiska Deeyoo.com

Somalia-Mogadishu.

Axmed_mooge@hotmail.com

00252615140242

Latest News Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii
2013-05-14 12:31:04
Dhageyso ama daawo hees kaban ama qaaci ah oo ay qaadeyso farxiya fiska iyo hees
2013-05-13 22:59:31
Shanta hees ee maanta waxaa ka dhex muuqda farxiya fiska iyo mursal muuse ee ku
2013-05-13 22:50:31
Xulka jimcaha iyo heesaha deeyoo ku dhageyso 10 hees mobilkaaga ama pc midki aad
2013-05-10 14:07:09
Waxaan halkan idinkugu haynaa mid kamid ah heesaha ugu hadal haynta badan oo hal
2013-05-10 11:50:36
Heesaha maanta oo jimca ah waa 5 hees ee ku dhageyso mobilkaaga ama pc midki aad
2013-05-10 11:39:27
Tahniyad dhalasho oo halkan looga dirayo abdirisaq ali xaaji iyo ubax gussein sh
2013-05-10 11:17:52
Ayaan taleex oo soo saartay heesteedii muftaax oo muuqaal qurxoon laga sameeyay
2013-05-08 15:54:51
Heeso shan iyo fanaanad cusub oo cod macaan ayaa kamid ah xulkeena heesaha maant
2013-05-08 14:38:37
Nuur faneedkii norway nasteexo indho oo lasoo kala baxday muuqaal iyo hees is wa
2013-05-07 18:20:47
Arimaha Bulshada Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii