Gooldhaliyaha weyn ee Real Madrid iyo qaranka Portugal C.Ronaldo ayaa jawaab culus ka bixiyey eedeymihii loo soo jeediyey kulamadii qaramada Yurub ee Denmark iyo Jarmalka markii uu caawa dhaliyey 2dii gool ee ay uga badiyeen xulka Holland oo ku dhamaaday 2-1.
Ronaldo oo kulankaan ahaa xidigii garoonka ayaa marada ka siibay qaranka Holland oo ka mid ahaa xulalkii loo saadaalinayey iney ku guuleystaan koobkan ayaa ayaa bedelkeeda gurigooda loo diray iyagoon marna badin wax dhibco ahna helin oo laga wada badiyey 3dii kulan oo ay cayaareen.
Xulka Holland oo kulankii caawa ka hor rajo aan badneyn ka lahaa usoo bixitaanka wareega 8da ayaa u baahnaa iney ugu yaraan labo gool ama kabadan ku dhuftaan xulka Portugal isla markaana rajeeyaan in Jarmalka ka badiyo Denmark iyagoo helay bilow fiican markii uu Rafael Van Der Vaart gool abuu banaan ah u dhaliyey daqiiqadii 10aad ee cayaarta.
Laakiin fursado badan oo ay iska qasaariyeen isla qeybtii hore ka dib waxaa gool bareejo ah ka dhaliyey xidiga ugu qaalisan aduunka C.Ronaldo isagoo qeybtii dambana ka faa`iideystay isku daygii Holland oo weeraro aan dhameystir laheyn ku qaaday goolka Portugal iskana ilaaway iney daafacdaan.
Portugal waxey kaalinta labaad kaga soo bexeen guruubkan lagu naaneysay "Guruubkii Dhimashada" iyagoo 3 kulan urursadey 6 dhibcood halka xulka adag ee Jarmalka 3 guul iyo 9 dhibcood 1aad uga soo bexeen guruubkan markii ay 2-1 ku garaaceen xulka Denmark.
Weeraryahanka cusub ee kooxda Arsenal Lukas Podolski oo caawa xulkiisa Jarmalka u cayaaray kulankii 100 ayaa dhaliyey goolkiisii ugu horeeyey tartankan daqiiqadii 19aad halka goolka 2aad uu dhaliyey Lars Bender oo goolkii guusha u dhaliyey Jarmalka 10 daqiiqo ka hor dhamaadkii cayaarta.
Xulka Jarmalka oo ka mid ah dalalka loo saadaalinayo koobkan waxey isku aadan yihiin qaranka Giriiga halka xulka Portugal ay is qaabilayaan qaranka Jamhuriyada Czech oo 1aad kaga soo baxday guruubka A.








Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii
Dhageyso ama daawo hees kaban ama qaaci ah oo ay qaadeyso farxiya fiska iyo hees
Shanta hees ee maanta waxaa ka dhex muuqda farxiya fiska iyo mursal muuse ee ku
Xulka jimcaha iyo heesaha deeyoo ku dhageyso 10 hees mobilkaaga ama pc midki aad
Waxaan halkan idinkugu haynaa mid kamid ah heesaha ugu hadal haynta badan oo hal
Heesaha maanta oo jimca ah waa 5 hees ee ku dhageyso mobilkaaga ama pc midki aad
Tahniyad dhalasho oo halkan looga dirayo abdirisaq ali xaaji iyo ubax gussein sh
Ayaan taleex oo soo saartay heesteedii muftaax oo muuqaal qurxoon laga sameeyay
Heeso shan iyo fanaanad cusub oo cod macaan ayaa kamid ah xulkeena heesaha maant
Nuur faneedkii norway nasteexo indho oo lasoo kala baxday muuqaal iyo hees is wa