Guddoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa xariga ka jaray caawa mashruuc nalal cad ceeda ku shaqeey oo gobolka Banaadir ka hirgaliyay wadada Maka AL mukarama ee bartamaha Muqdisho.
Tartan ciyaaraha fudud ah ayaa lagu qabtay wadada Maka Al mukarama iyadoo markii ugu horeysay muddo 20 sanno kadib Muqdisho lagu qabtay xilli habeen ah ciyaar isboorti.
Xiriiirka ciyaaraha fudud iyo gobolka Banadir ayaa iska kaashaday tartankaan oo ay ka qeyb galeen ciyaartooy da’yar oo kala matalaysay 16-ka degmo ee gobolka Banaadir.
Mudane Tarsan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu mashruucaas bilaawday isla markaasna ay dowladda Norway gacan ka siisay maamulka gobolka Banaadir kaas oo ugu dambeyn caawa laga hirgaliyay halkas.
Tartan ayaa sheegay in Muqdisho ay ka baxday Mugdiga isla markasna ay cagta saartay sidii ay heeryada dhibaato ee ka muuqatay meesha laga baxsho isagoo sheegay in loo baahan yahay in bulshada Muqdisho ay ka shaqeeyaan Nabadda.
Si kastaba Muqdisho ayaa u muuqata inay horumar dhanka amaanka ah ay dareemayso kadib bishii August ee sanadkii tagay laga saaray dagaal yahanada Al Shabab kuwaas oo wadooyinka Muqdisho ka qoday godad waaweyn.
Xalay fiidkii ayey ahayd markii ay si la yaab leh u iftiintay Waddada ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho ee Makka Al-mukarama halkaasoo si horu dhac ah lagu daah-furay Mashruuc xagga korontada ah oo laga hirgaliyey. Baallayaal waaweyn oo ileyska dabka ka qaadanaya Qorraxda kuna shaqeeya Aaladda Soler-ka loo yaqaan ayaa wadadaas oo horey u ahayd meel mugdi ah ka dhigay mid ifeysa oo maalin la moodo, waxaana Mashruucan maalgalisay Dowladda Norway oo ka mid ah dalalka gargaarka ugu badan siiya Somalia.
By Ahmed Mooge, deeyoo.com-Muqdisho.








Top 10 ten maanta waxaa ku haynaa 10 hees iyo fanaanka weyn ee la jecelyahay abd
Walii gabar ma sheekeysateen, kaftan aan lahayn godob ma isku gacala miirteen, h
Heesaheena maanta ee shanta ah waa kuwa xiisa badan oo play list isku xiga ah ku
Ayaan tromso oo kamid ah fanaaniinta kuwooda ugu caansan xilliyadan ayaa wareyso
Heestii degmo iyo fanaankii caan baxay king khalid oo muuqaal ah idiin haynaa ee
Alfanaan sahal amoore ayaa soo saaray video aad u qurux badan iyo heestiisii dho
Heestii maryan iyo fanaanka weyn legend bashiir ali hussein oo muuqaal ah nala d
Alfanaan saalax carab oo soo saaray hees muuqaal ah oo inbadan la wada sugayay e
Xidigaha caan baxay ee mursal muuse iyo xaajiyadiisa iyo weliba lamaantiisa fane
Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii 