Naadiga Real Madrid ayaa waxaa ay indhaha ku haysa xidiga u ciyaara kooxa atletico Madrid ee Juanfran Torres.
Juanfran Torres oo ka ciyaara garabka ayaa waxa lala xiriirinayay dhawaanahan inuu isaga tagayo kooxda Atletico Madrid waxaana dalab u soo dirtay kooxda ay isku maagalada yihiin ee Real Madrid.
Tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa waxaa sheegay in uu jecel yahay xidigaas.
Jariiradda Marca ayaa iyana qortay in Juanfran Torres uu kooxda isaga tagayo waxaana uu kamid noqday xulka Spain markiisa ugu horeysay sanadkaan wuxuuna ku jiraa xulka Spain ee haatan ku sugan Euro2012.
-----------------------------
Manchester utd iyo Chelsea oo Real Madrid kula dagaalamaya Lucas Moura.
Naadiyada Manchester utd iyo Chelsea aaya xiiseenaya ciyaaryahanka wadanka Braziil iyo kooxda Sao Paulo Lucas Moura.
Jariiradda L'Equipe ayaa sheegtay in Manchester utd ay kusoo baxday bartilmaamedka xidiga Lucas Moura kaaas oo horey ay u raadinaysay Real Madrid.
Xidiga caalamiga wadanak Braziil Lucas Moura aya waxa sidoo kale doonayso kooxda Chelseaiyadoo Chelsea ay shegtay inay keeni doonto ciyaaryahankaas oo da’yar waxana jiray in Jose Mourinho uu dar dar galinayo qorshe ay kula soo saxiixanayaan Lucas Moura.
Si kastaba kooxaha ingiriiska ayaa u muuqanaya kuwo ciriiri ku galinaya Real Madrid wiilkan reer Braziil kaas oo ah mid kamid ah xidigaha looga hadal weyn badan yahay xilligaan.
---------------------------------------
Chelsea oo laga diiday qorshahoodii ahaa dhisamaha garoon cusub oo ka weyn kan ay hada ku ciyaaraan ee Stamford Bridge, waxaana la sheegayaa in kooxdani ka rajo dhigin hamigooda ah in ay garoon weyn oo soo jiita indhaha aduunka sameystaan mar uun mustaqbalka dhaw.
-----------------------------------------
Manuel Preciado oo maalin ka hor loo magacaabay macalinka Villareal ee dalka Spain ayaa lasoo sheegayaa inuu geeriyooday sababtana lagu sheegay xanuun dhanka wadnaha ah.
Geeridiisa kadib ayaa warbaahinta lagu soo qoray in macalinkan geeriyooday ay nasiib daro ba,an daba gashay isagoo waayay xaaskiisii sanadkii 2002dii oo u dhimatay xanuunka kansarka ah, 2 sano kadib waxaa shil mooto uga dhintay wiilkiisa oo markaa ahaa 15 jir, sanadkii hore ee 2011ka waxaa mar kale geeriyooday abihiis oo uu gaari ama baabuur dardaray.
Ahmed Mooge
Xafiiska Deeyoo.com
Somalia-Mogadishu.
Axmed_mooge@hotmail.com
00252615140242








Top 10 ten maanta waxaa ku haynaa 10 hees iyo fanaanka weyn ee la jecelyahay abd
Walii gabar ma sheekeysateen, kaftan aan lahayn godob ma isku gacala miirteen, h
Heesaheena maanta ee shanta ah waa kuwa xiisa badan oo play list isku xiga ah ku
Ayaan tromso oo kamid ah fanaaniinta kuwooda ugu caansan xilliyadan ayaa wareyso
Heestii degmo iyo fanaankii caan baxay king khalid oo muuqaal ah idiin haynaa ee
Alfanaan sahal amoore ayaa soo saaray video aad u qurux badan iyo heestiisii dho
Heestii maryan iyo fanaanka weyn legend bashiir ali hussein oo muuqaal ah nala d
Alfanaan saalax carab oo soo saaray hees muuqaal ah oo inbadan la wada sugayay e
Xidigaha caan baxay ee mursal muuse iyo xaajiyadiisa iyo weliba lamaantiisa fane
Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii 