HomeNewsChampoins LeagueWararka SuuqaArimaha BulshadaMusic Contacts
Arjen Robben Oo Ay Haysato Laba Daran Kala Dooro Oo Kooxihiisii Hore Ayaa Saf Ugu Jira Real Iyo Chelsea
2012-04-25 10:15:51

 

Weeraryahanka sunta ah ee lugta bidix ku cadaaba difaacyada aduunka Arjen Robben ayaa walaac ka muujiyay safka ay usoo galeen kooxihiisii hore ee Chelsea iyo Real Madrid oo midna ku sugeyso Finalka hadii uu soo baxo tankalena caawa ku balansanyihiin garoonkiisii hore Santiago Barnabeo oo ah hoyga Real Madrid.


Xidigan reer Holland ayaa hada mushaar ka qaata kooxdiisa Bayern oo uu finalka tartankan Champions League soo gaarsiiyay 2 sano ja hor markii ay guul daro kala kulmeen Diego Milito iyo Macalin Mourinho oo hada ku sugaya kulanka caawa ee xiisaha badan.


Labada kooxood ee Bayern iyo Real ayaa magac maamuus weyn ku leh kubada cagta Yurub iyaga oo ku guuleystay dhowr koob oo gaaraya ilaa iyo 13 marka la isku daro koobabka labadan koox, waxaana xusid mudan in labadaba ugu danbeysay koobkan laba sano oo isku xigta 2001dii iyo 2002dii.


Hadaba Robben oo kaashanaya ninka baalasha ku duula Ribery iyo mashiinka gool dhaliyaha ah Gomez oo ay gadaal ka kabayaan Muller iyo Schweinsteiger waxa ka hortaagan inay finalka gaaraan kubad dhaliyaha weyn Ronaldo oo caawinaad ka helaya Bezema iyo Øzil oo u qaabishan inuu kubadaha ka dhax dusiyo difaacyada halista ah, waxaana sidoo kale gadaal kasoo kabaya Alonso iyo Khedira waxaa la wada sugayaa ciyaar xiisa leh oo 90ka daqiiqo neefta ku celisa inta daawaneysa sida kulan weynihii xalay ee Barcelona iyo Chelsea.


Ciyaartii hore ayaa kusoo dhamaatay 2 gool iyo 1 ay guusha kusoo raacday bayern Munich, waxaa lagu kala bixi karaa guul iyo barbardhac intaba oo Real ayaa u baahan 1 gool iyo waxba, laakiin hadii gool laga dhaliyo waa inay ku adkaataa farqi goolal 2 iyo wixii ka badan.


Waxaan Deeyoo Sport boggiisa hore idiin soo dhigeynaa Linkis aad free uga daawan kartaan kulankan ee nala socda ilaa bilowga ciyaarta hadii alle noo saamaxo.



Deeyoo Sport


Oslo / Norway.

Latest News Muuqaalkii la wada sugayay ee heesta tofdheer iyo fanaanka weyn abdijabar alkhal
2013-05-23 22:12:39
Top 10 ten waxaa maanta kusoo qaadaney xidiga faneedka casrigan waa abdi holland
2013-05-23 13:37:26
Heesaha maanta waa 5 shan sidii caadiga aheyd aad ayey u xiisa badan yihiin maan
2013-05-23 13:03:31
Top 10 ten maanta waxaa ku haynaa 10 hees iyo fanaanka weyn ee la jecelyahay abd
2013-05-21 12:44:23
Walii gabar ma sheekeysateen, kaftan aan lahayn godob ma isku gacala miirteen, h
2013-05-21 10:49:30
Heesaheena maanta ee shanta ah waa kuwa xiisa badan oo play list isku xiga ah ku
2013-05-21 10:45:34
Ayaan tromso oo kamid ah fanaaniinta kuwooda ugu caansan xilliyadan ayaa wareyso
2013-05-20 17:02:42
Heestii degmo iyo fanaankii caan baxay king khalid oo muuqaal ah idiin haynaa ee
2013-05-20 16:53:59
Alfanaan sahal amoore ayaa soo saaray video aad u qurux badan iyo heestiisii dho
2013-05-20 16:33:52
Heestii maryan iyo fanaanka weyn legend bashiir ali hussein oo muuqaal ah nala d
2013-05-19 19:03:38
Arimaha Bulshada Muuqaalkii la wada sugayay ee heesta tofdheer iyo fanaanka weyn abdijabar alkhal
2013-05-23 22:12:39
Top 10 ten waxaa maanta kusoo qaadaney xidiga faneedka casrigan waa abdi holland
2013-05-23 13:37:26
Heesaha maanta waa 5 shan sidii caadiga aheyd aad ayey u xiisa badan yihiin maan
2013-05-23 13:03:31
Top 10 ten maanta waxaa ku haynaa 10 hees iyo fanaanka weyn ee la jecelyahay abd
2013-05-21 12:44:23
Walii gabar ma sheekeysateen, kaftan aan lahayn godob ma isku gacala miirteen, h
2013-05-21 10:49:30