
Kooxda Chelsea oo finalka sanadkan Champions League 2012ka soo gaartay, kadib iska caabin weyn ay kala hortageen kooxda haysata koobkan weyn ee Barcelona.
Barcelona oo gurigooda lagu ciyaarayay ayaa heshay fursad qaali ah markii ay gool ku hor mareen, wax yar kadibna garoonka laga saaray John Terry, taas oo qasab ka dhigtay in Chelsea ku aruurto xariiqda ganaaxa wixii intaa ka danbeysay.

Ramires ayaa dhabar jebin xun la helay goolhaye Valdez iyo kooxdiisa Barcelona qeybtii hore ee ciyaartana kusoo dhameeyay 2 gool iyo 1 ay Barcelona u kala dhaliyeen goolasha Busquet iyo Iniesta, markii la isku soo laabtayna waxaa xukunkii garoonkii la wareegay Barcelona oo qeybtii danbe ee ciyaarta iska qasaarisay Rigoore uu birta ku garaacay Messi.

Dhamaadkii ciyaarta ayaa bedel lagu soo geliyay Fernando Torres oo bedelay Drogba, waxaana dad badan is weydiinayeen sababta uu bedelkan u sameeyay tababaraha mucjisada sanadkan Roberto Di mateo oo helay jawaabta bedelka uu sameeyay markii uu Torres kubada ula tagay Valdez si tartiib ahna shabaqa ugu dhaliyay, ciyaartiina ka dhigay 2 iyo 2.

Dhamaan taageerayaashii Chelsea oo garoonka ku jiray ayaa farxad la ilmeeyay kuna qeyliyay in 50kii Milyan ee Torres qasaara noqon oo uu isaga guday 10 daqiiqo uu ku jiray garoonka Camp Nou.
Chelsea ayaa hada sugeysa cida soo badisa Real Madrid iyo Bayern oo kulankoodii hore kusoo dhamaaday 2 gool iyo 1 oo ay Bayern hogaanka ku hayso. waana Finalkii 2aad oo ay Chelsea soo gaarto 4tii sano ee ugu danbeysay.
Deeyoo Sport
Oslo / Norway








Top 10 ten maanta waxaa ku haynaa 10 hees iyo fanaanka weyn ee la jecelyahay abd
Walii gabar ma sheekeysateen, kaftan aan lahayn godob ma isku gacala miirteen, h
Heesaheena maanta ee shanta ah waa kuwa xiisa badan oo play list isku xiga ah ku
Ayaan tromso oo kamid ah fanaaniinta kuwooda ugu caansan xilliyadan ayaa wareyso
Heestii degmo iyo fanaankii caan baxay king khalid oo muuqaal ah idiin haynaa ee
Alfanaan sahal amoore ayaa soo saaray video aad u qurux badan iyo heestiisii dho
Heestii maryan iyo fanaanka weyn legend bashiir ali hussein oo muuqaal ah nala d
Alfanaan saalax carab oo soo saaray hees muuqaal ah oo inbadan la wada sugayay e
Xidigaha caan baxay ee mursal muuse iyo xaajiyadiisa iyo weliba lamaantiisa fane
Xasuustii fanka iyo heesihii 2009kii, waa 15 hees oo aan kasoo qaadanay heeshii 