HomeNewsChampoins LeagueWararka SuuqaArimaha BulshadaMusic Contacts
Chelsea Oo Soo Dhameys Tirtay Kooxaha Semifinaalka Sanadkan Markii Ay Ka Badiyeen Benfica
2012-04-05 01:10:44

F.G: Goolasha kulankan filo goor dhow

Kooxaha Chelsea iyo Real Madrid ayaa sidii la filayey soo gaaray semifinaalka Champions League markii ay sida ay u kala horeeyaan uga kala adkaadeen kooxaha Benfica iyo Apoel oo usoo kala martiyey.

 

Chelsea oo kulankii hore banaanka 1-0 uga soo badisay Benfica ayaa aad loo saadaalinayey iney kulankaana ka badin doonto iyadoo dadkii shakiga ka qabay in Chelsea soo baxeyso oo Benfica ka naxsan karto uu Lampard candhuuftooda dib u laqsiiyey markii uu gool rigoore ah kooxdiisa u dhaliyey daqiiqadii 20aad ee cayaarta.

 

Garsoorihii cayaarta Damir Skomina oo u dhashay dalka Slovakia ayaa u muuqday inuu dilay xiisihii cayaarta markii uu guduud siiyey cayaaryahan Maximilano Pereira 5 daqiiqo ka hor dhamaadka qeybtii hore ee cayaarta.

 

Pereira ayaa jaalle beenbeen ku qaatay markii uu aad uga murmay go`aankii uu garsooraha rigoorada ku dhigay isagoo jaalihii labaad la siiyey markii uu taako lagalay Mikel sidaasna garoonka looga saaray.

 

 

Laakiin xidigihii Benfica oo cayaar ahaan u dhigmay amaba ka wanaagsanaa Chelsea ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyey soo nooleeyey xiisihii cayaarta hurdadii iyo caajiskiina ka kiciyey taageerayaasha labada koox markii uu gool teesto ugu dhaliyey Javi Garcia 5 daqiiqo ka hor dhamaadkii cayaarta.

  

Benfica oo 10 xidig ku cayaareysay ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyey la mooday iney iyaga hal ciyaaryahan oo dheeri ah heystaan waxeyna weeraro isdaba joog ah kusoo qaadeen goolka Chelsea iyadoo la arkayey taageerayaasha Chelsea oo wadnaha farta ku haya.

?

Laakiin waxaa ka fujiyey cayaaryahan Meireles oo noqday halyeygii Stamford Bridge markii uu dhaliyey goolkii guusha isla markaana wadnaha gooyey taageerayaasha wadanka uu ka yimid ee Portugal una suura geliyey in Chelsea isku darka labada kulan kusoo baxdo 3-1.

 

Chelsea waxaa semifinaalka ku sugaya kooxda daafacaneysa koobka ee Barcelona waxaana la cayaari doonaa 18ka iyo 24ka bishan iyadoo kulanka hore loo soo martin doono Chelsea.

  

Latest News Muuqaalkii la wada sugayay ee heesta tofdheer iyo fanaanka weyn abdijabar alkhal
2013-05-23 22:12:39
Top 10 ten waxaa maanta kusoo qaadaney xidiga faneedka casrigan waa abdi holland
2013-05-23 13:37:26
Heesaha maanta waa 5 shan sidii caadiga aheyd aad ayey u xiisa badan yihiin maan
2013-05-23 13:03:31
Top 10 ten maanta waxaa ku haynaa 10 hees iyo fanaanka weyn ee la jecelyahay abd
2013-05-21 12:44:23
Walii gabar ma sheekeysateen, kaftan aan lahayn godob ma isku gacala miirteen, h
2013-05-21 10:49:30
Heesaheena maanta ee shanta ah waa kuwa xiisa badan oo play list isku xiga ah ku
2013-05-21 10:45:34
Ayaan tromso oo kamid ah fanaaniinta kuwooda ugu caansan xilliyadan ayaa wareyso
2013-05-20 17:02:42
Heestii degmo iyo fanaankii caan baxay king khalid oo muuqaal ah idiin haynaa ee
2013-05-20 16:53:59
Alfanaan sahal amoore ayaa soo saaray video aad u qurux badan iyo heestiisii dho
2013-05-20 16:33:52
Heestii maryan iyo fanaanka weyn legend bashiir ali hussein oo muuqaal ah nala d
2013-05-19 19:03:38
Arimaha Bulshada Muuqaalkii la wada sugayay ee heesta tofdheer iyo fanaanka weyn abdijabar alkhal
2013-05-23 22:12:39
Top 10 ten waxaa maanta kusoo qaadaney xidiga faneedka casrigan waa abdi holland
2013-05-23 13:37:26
Heesaha maanta waa 5 shan sidii caadiga aheyd aad ayey u xiisa badan yihiin maan
2013-05-23 13:03:31
Top 10 ten maanta waxaa ku haynaa 10 hees iyo fanaanka weyn ee la jecelyahay abd
2013-05-21 12:44:23
Walii gabar ma sheekeysateen, kaftan aan lahayn godob ma isku gacala miirteen, h
2013-05-21 10:49:30