| Dhageyso |
 |
|
|
|
Warbixin ku saabsan kulanka adag ee
Manchester Utd vs AC Milan, kulamadii hore u dhex maray iyo
Beckham oo kusoo noqonaya Old Trafford
09.03.2010, deeyoo.com.
waxa lagu wadaa in ay ku kulmaan garoonka Old
Trafforrd ee magaalada Manchester kooxaha Manchester utd iyo Ac
Milan kulan ka tirsan koobka horyaalada Yurub.
David Beckham ayaa dib ugu soo laabanaayo magaaladii uu mudada
ka cayaarayay ee Manchester waxaana uu la socdaalayaa kooxda Ac
Milan.
Ac Milan ayaa la ciyaarayso kooxda Manchester utd iyadoo lugtii
hore ee garoonka San siro ka dhacday looga soo badiyay Milan.
kooxda Manchester ayaa doonayso in Beckham ay ku soo dhaweyso
guuldaro iyadoo taageerayaasha Manchester ay si weyn ugu
cabsanaayaan xidigoodi hore ee qatarta ku ahaa laadadka xorta
ah.
Kabtankii hore ee wadanka Ingiriiska Beckham ayaa waxaa uu
imaanayaa garoonka uu kusoo caan baxay ee Old Traford isagoo
kooxdiisa Milan lagu hogaaminayo 2-3 guul daro ah.
Kooxda Manchester ayaa kasoo kabsatay gool uu daqiiqadihii hore
ka dhaliyay Ronaldinho kadibna ay kaga jawaabeen Paul Scholes
daqiiqadii 36-aad kadibna waxaa sii raacsaday labo gool
weeraryahanka Rooney daqiiqadaha 66- aad iyo 74-aad inkastoo
daqiiqadii 85-aad uu Clarence Seedorf uu goolka 2-aad u dhaliyay
Milan.
ka hor kulankii guruubka ee kooxda Besiktas ay ku adkaatay
garoonka Old Traford ayaa Manchester waxanan looga adkaanin 23-
kulan kulamaas ay rikoorka dhigtay ka hor Manchester waxaa kaga
adkaatay garoonkee Ac Milan sanadkii 2005 waxana Milan ay
kulankaan cayaaraysaa iyadoo rajo wanaagsan ka qabta in ay kasoo
kabsato guuldaradii garoonkeeda ay kula kulantay waxaana
xiligaan Milan ay garoomadooda kaga soo adkaatay Real Madrid iyo
Olympique de Marseille.
Kulamadii hore ee ay kulmeen
naadiyadaan.
kooxda Ac Milan ayaa waxay adkaatay ilaa afar jeer kulamo
labo lugood ah oo ay Manchester la cayaartay koobkaan kaliya
sanadkii 2007 ayay ku guul dareysatay in ay adkaato labada lug.
Markii ugu horeysay oo labadaan koox ay ku kulmaan koobkaan
waxay ahayd xili ciyaareedkii 1957/1958 markaas oo ay ku kulmeen
Seme Finalka koobkan waxana lugtii hore 2-1 ku badisay
Manchester laakin lugtii 2-aad ayaa waxaa Milan ay ku badisay
4-0 kadib Ac Milan ay goolasha u dhaliyeen Juan Schiaffino labo
gool, Nils Liedholm iyo Giancarlo Danova.
Naadiyadaan ayaa mar kale waxay ku kulmeen Seme Finalka koobkaan
1968/1969 waxaana cel celis labadii kulan ay Milan ku badisay
2-1 waxana Ac Milan garoonkeeda ay ku badisay 2-0 halka
Manchester iyana garoonkeeda ay ku badisay 1-0.
Ac Milan ayaa mar kale waxay badisay labadii lug ee tartankaan
xiligii 2004/2005 waxaa ay ku adkaatay min gool waxaana u
dhaliyay labadii jeerba Hernan Crespo.
hadaba waa kumaan xidigihii u
safnaa labada koox lugtii hore. waxayna ahayd 23 February 2005
Manchester United: Carroll,
Neville (Silvestre 80), Ferdinand, Brown, Heinze, Ronaldo (Van
Nistelrooy 63), Scholes, Keane, Fortune (Saha 80), Giggs,
Rooney.
Milan: Dida, Cafu (Costacurta
87), Nesta, Maldini, Kaladze, Gattuso, Pirlo (Ambrosini 84),
Seedorf, Rui Costa, Kaká (Serginho 90), Crespo.
Kooxahaan ayaa mar kale kulmay iyadoo Manchester gurigeeda lagu
hormaray waxaana ay ku badisay 3-2 xiligii 2006/2007 waxayna
ahayd ciyaar Seme final ah waxaana Milan ay lugtii labaad ku
badisay garoonkeeda 3-0 kadib Kaka Seedord iyo Alberto Gilardino
ay u dhaliyeen goolasha.
hadaba waa kuwaan xidigihii u
safnaa habeenkaas labada koox waxayna ahayd 24 April 2007
Manchester United: Van der Sar, O'Shea, Brown, Heinze, Evra,
Fletcher, Carrick, Scholes, Ronaldo, Rooney, Giggs.
Milan: Dida, Oddo, Nesta,
Maldini (Bonera 46), Jankulovski, Gattuso (Brocchi 52), Pirlo,
Ambrosini, Seedorf, Kaká, Gilardino (Gourcuff 84).
Kooxda Manchester ayaa waxay tahay mid ka badin jirtay naadiyada
ka socda Talyaaniga kaliya Ac Milan ayaa ah kooxda kaga adkaato
garoonkaan waxana Manchester ilaa shan jeer ay kaga adkaatay
garoonkeeda kooxaha ka socda Talyaaniga.
Ac Milan kulankii ugu dambeeyay ee ku cayaarto gudaha ingiriiska
ayaa waxaa ay Bar baro 2-2 ah la gashay Potsmouth.
Ac Milan ayaa garoonkaan waxaa uu u leeyahay ahmiyad weyn kadib
markii ay ku qaaday koobka horyaalada Yurub sanadkii 2003
markaas oo garoonkaan uu marti galiyay Finalka.
xidigahaan ayaa ku soo bilaawday kulankaan iyagoo matalayay Ac
Milan Dida, Gennaro Gattuso, Inzaghi, Alessandro Nesta, Andrea
Pirlo iyo Seedorf halka Massimo Ambrosini uu kursiga keydka ku
jiray Finalka 2003 ee ay ku qaadeen garoonkaan halka Gianluca
Zambrotta, oo haatan ku sugan Ac Milan uu u cayaarayay Juventus
kulankaas kana mid ahaa xidigihii matalayay Juve.
kooxda Ac Milan ayaa u soo baxaysay wareegyada kale ee koobkaan
iyadoo laga badinayay lugta hore waxaana jiray ilaa saddex jeer
oo kooxda Milan laga badiyay cayarta hore tan labadna ay
badinaysay oo ay ku soo baxaysay waxaana kamid ah kulamo ay la
cayaartay FC Saarbrücken 1955/56,FC Barcelona (1959/60,RCD
Espanyol (1987/88 markaan waa markii afaraad oo laga badinaayo
lugta hore.
Kooxda Manchester utd ayaa kasoo gudbaysay koobkan marka ay
badiso lugta 1-aad ilaa 12 jeer ayayna u soo baxday koobkan
wareegyadiisa kale.
Tababaraha kooxda Ac Milan Leonardo ayaa waxaa uu kamid ahaa
xidigihii xulka Braziil cayaar ka dhacday Wembley waxaana xulka
ingiriiska u cayarayay G.Neville,waxaa uu sidoo kale uu wajahay
Schole iyo G.Neville cayaar saaxibtinimo oo ka dhacday dalka
Faransiiska1997 markaas oo Braziil ay ku badisay 1-0.
Beckham ayaa isagoo 12 jir ah waxaa uu ku soo biiray Manchester
waxana uu ahaa wiil yar oo iskuuley ah isagoo cayaartii ugu
horeysay u saftay 1995 waxaana uu u cayaaray 394 kulan isagoo u
dhaliyay 86 gool dhamaan tartamadii uu u saftay ka hor intii uu
ku biirin Real Madrid sanadkii 2003 isagoo kooxda Manchester u
leh xusuus.
Waayihii Garoonka Old Trafod ee Beckham ayaa waxaa uu kula
guulaystay ilaa lix koob horyaal ah waxana uu sidoo kale koobkan
oo uu la qaaday 1999.Ryan Giggs iyo Neville waxay kala
tirsanaayeen kooxdan.
goolkii ugu dambeeyayHoryaalka ee Beckham uu u dhaliyay
Manchester wuxuu ahaa 3-dii bisha May sanadka 2003 waxaa sidoo
kale goolkii ugu dambeeyay ee koobka horyaalada Yurub ayuu
Beckham u dhaliyay Manchester utd cayaar ay kaga Horjeedeen Real
Madrid waxaana uu dhaliyay labo gool isagoo badal ku soo galay.
Cayaaryahan Inzaghi iyo Edwin Van der sar ayaa waxay kawada
tirsanaayen kooxda Juventus sanadihii 1999 ilaa 2001.
Inzaghi ayaa waxaa uu ahaa dhaliyihii goolka kaliya ay Juventus
kaga badisay Manchester Magaalada Torino sanadkii 1997,sidoo
kale waxaa uu ka dhaliyay labo gool ayuu ka dhaliyay sanadkii
1999 laakin Juventus ayaa kulankas looga adkaaday 3-2.
Thiago Silva ayaa waxaa uu kamid aha xidigihii xulka Braziil ee
ka badiyay ingiriiska cayaar saaxibtimimo oo ka dhacday qadar
waxana ingiriiska u matalayay cayaartaas Wes Brown, Ben Foster
iyo Rooney.
Ronaldinho waxaa uu ahaa dhaliyihii goolka guusha ee Brazil kaga
badiyeen Ingiriiska 2-1 koobkii aduunka 2002 waxaana kamid ahaa
ingiriiska xulkiisa Rio Ferdinand Scholes iyo Owen inkastoo Owen
uu ka maqan yahay kulankaan.
Ronaldinho iyo Anderson ayaa labadaba waxay kasoo bilaabeen
cayaarahooda kooxda Gręmio FBPA ee dalka Braziil.
Zambararotta ayaa waxaa uu kamid ahaa xulkii Barcelona ee
Manchester ka badisay Koobkan Seme Finalkiisa waxana ka dhaliyay
goolka Scholes.
Gool haye Flavio Roma ayaa waxay kawada tirsanaayeen kooxda
Monaco Patrice Evra.
• Ji-Sung Park ayaa ka dhaliyay gool kooxda Ac Milan Seme
finalka koobkan sanadkii 2005 isagoo u cayaarayay PSV laakin waa
laga badiyay kooxdiisa.
Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
002521-5140242
deeyoo_edit@hotmail.com
|

Halkan
riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore
|