| Dhageyso |
 |
|
|
|
Tababare
Carlos Alberto Parreira iyo Xulkiisa K/Afrika oo Tababar Bil ah
ku aaday Braziil.

06.03.2010, deeyoo.com.
Tababaraha xulka qaranka Koofur Afrika
Carlos Alberto Parreira ayaa
waxaa uu xulkiisa ku daray xidig 19 jir ah kaasi oo kamid
noqonaya 29-ka cayaaryahan ee uu u xulay Tababarka diyaar
garoowga ah ee koobka aduuunka ee uu ku aadayo dalka Braziil.
xidigaan lagu soo daray xulka K/Afrika ayaa lagu magacaabaa
Kermit Erasmus waa 19 jir
waxaana uu safar ku aadayaa dalka Brazil kaasi oo qaadanaayo
muddo bil ah.
Inkastoo dalka K/Afrika uu bar baro la galay dalka hooseeya ee
Namibia Arbacadii ayaa hadana waxaa uu yahay mid rajo wanaagsan
ka qaba hanashada koobka aduunka ama meel wanaagsan ay gaaraan.
Xidigahaan labada ah ee Erasmus iyo Daylon Claasen ayaa ah
labada xidig ee kaliya ee saldhigooda yahay dibadda ee kujira
xulka wadanka K/Afrika ee safarkaan tababar ku aadaya dalka
Braziil waxayna ka cayaaraan dalka Holland labadoodaba.
xulka Koofur Afrika waxaa uu aadayaa Tababar mudo dheer ah oo uu
ku tagaayo dalka Braziil waxaana xulka Bafana Bafana marka uu u
soo dhamaado Tababarkaan ay safaro kale ku tagayaan xerooyin
kumeel gaar ah oo ku yaala Jarmalka bisha Apriil halkas oo ay ku
diyaar garoobayaan.
Dalka K/Afrika waxaa cayaarta furitaanka koobka adduunka uu
cayaarayaa 11 bisha June sanadkaan waxana guruubka kula jiro
dalalka Mixico,Uruguay iyo dalka Faransiiska.
Habada waa kuwaan magacyada xidigaha xulka Koofur Afrika ee
tababarka ku aaday dalka Braziil
Gool hayayaal: Emile Baron
(SuperSport United), Moeneeb Josephs (Orlando Pirates),
Itumeleng Khune (Kaizer Chiefs)
Difaacyada : Matthew Booth,
Siboniso Gaxa, Siyanda Xulu, Innocent Mdledle (all Mamelodi
Sundowns), Bongani Khumalo (SuperSport), Thabo Nthethe
(Bloemfontein Celtic), Siyabonga Sangweni, Lucas Thwala (both
Orlando Pirates)
Qadka Dhexe : Franklyn Cale,
Surprise Moriri, Lebohang Mokoena (all Mamelodi Sundowns),
Daylon Claasen (Ajax Amsterdam), Lance Davids (Ajax Cape Town,
Holland), Andile Jali, Teko Modise (both Orlando Pirates),
Thanduyise Khuboni (Golden Arrows), Daine Klate (SuperSport
United), Reneilwe Letsholonyane, Siphiwe Tshabalala (both Kaizer
Chiefs), Tlou Segolela (Bloemfontein Celtic)
Weeraryahanada: Kermit Erasmus
(Excelsior Rotterdam, Holland), Thulasizwe Mbuyane, Gert
Schalkwyk (both Orlando Pirates), Katlego Mphela (Mamelodi
Sundowns), Richard Henyekane (Golden Arrows), Thulani Serero
(Ajax Cape Town)
Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
002521-5140242
deeyoo_edit@hotmail.com
|

Halkan
riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore
|