| Dhageyso |
 |
|
|
|
Real Madrid oo kaalinta 1-aad ka
gashay kooxaha ugu lacagta badan caalamka.

03.02.2010, deeyoo.com.
naadiyada waaweyn ee dalka Spain ee Real Madrid
iyo Barcelona ayaa waxaa ay ka soo galeen kaalimaha ugu
horeeyaya qiimeynta naadiyada ugu daqliga badan caalamka.
wadanka Spain ayaa 20 naadi waxaa ugu jira Real Madrid iyo
Barcelona oo xertay labada boos ee ugu sareysa qiimeyntaan mana
jirto koox kale oo spain ah oo qiimeyntaan 20 naadi soo gashay.
Real Madrid ayaa heshay labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay
lacago ka badan 700 Milyan oo gini.
Dalka Ingiriiska ayaa waxaa qiimeyntaan 20 naadi ee ugu lacagta
badan ugu jira ilaa 7 koox waana horyaalka ugu badan halka
Koobka horyaalada Yurub uu noqday kan daqliga ugu badan laga
hellay iyadoo Manchester city ay markii ugu horeysay soo gashay
kaalintaan.
Qiimeyntaan oo ay samaysay shirkadda Deloitte ayaa waxaa lagu
xusay ilaa 20 kooxood waxaana ugu badan dalka Ingiriiska oo ku
leh Todobo Naadi, Jarmalka Shan koox, Talyaaniga afar
Koox,Faransiiska iyo Spain ayaa min labo koox ku leh.
Shirkaddaan ayaa waxay u fiirisay qiimeyntaan dhan kasto oo ay
kooxda ku hesho daqliga sida daqliga garoomada,Xayaysiinta
ganacsi iyo dhanka warbaahinta.
kooxda Real Madrid ayaa waxay noqotay kooxda kaalintaan muddo ku
jirtay iyadoo ay xiligaan in ay kusii jirto ay u suura galisay
kadib markii ay lasoo wareegtay xidigaha ugu qaalisan caalamka
ee Kaka iyo Ronaldo oo xiligaan bilaawgiis ay soo xero galisay.
Kooxda Barcelona ayaa iyana kaalin wanaagsan kasoo gashay
qiimeyntaan waa kaalinta 2-aad iyadoo ay kala baxday kooxda
Manchester utd waxaana u suura galiyay koobabkii ugu badnaa ee
koox ay ku guulaysato hal xili ay qaaday waxaana kamid ah koobka
horyaalada Yurub oo Manchester utd kaga adkaatay Finalkii
koobkan.waxaana ay heshay 366 Milyan oo gini.
inkastoo dalka Spain kaalmaha 20 koox ay kasoo galeen Labo naadi
oo kaliya ayaa kooxda ugu dhaw waxaa ay tahay Atletico Madrid oo
kaalinta 22-aad soo gashay.
kooxaha afarta ee ugu xoogan dalka Ingiriiska ayaa waxay kamid
yihiiin ilaa 7 kooxood oo ingiriis ah oo soo galay 20 koox ee
ugu dhaqaalaha badan caalamka.
kooxda Manchester City ayaa kaalinta 19-aad soo gashay markii
ugu horeysay waxaana u suura galiyay lacagaha badan ee kooxdaas
lagu maalgaliyay iyadoo soo iibsatay xidigo badan.
Qiimeyntaan sanadkaan waxaa ku cusub Manchester City iyo Werder
Bremen oo badal VFB Stutgard iyo kooxda wadanka Turkiga ee
Fenerbahce.
1. (1.) Real Madrid - €401.4m
kooxda Real Madrid ayaa waxay heshay lacago badan iyadoo 7 sanno
ee ugu dambeysay lagu qiimeeyay lacagaha ay heshay 1.1 Billion
waxaana kooxdan ay inta badan lacagaha ka heshaa xayaysiinta iyo
warbahinta iibsada ciyaaraheeda.
2. (3.) Barcelona- €365.9m
kooxdan sanadkii lasoo dhaafayay waxay ku jirtay kaalinta 3-aad
waxay soo gashay 2-aad iyadoo kala baxday Manchester Utd waxaana
sabab u ah guusha ay ka gaartay koobka horyaalada Yurub oo
Manchester ay lugteeda isaga reebtay waxaana ay kor u kacday 18%
sanadkaan.waxaana ay heshay €365.9million.
3. (2.) Manchester United-
€327.0m
kooxda ah horyaalka ingiriiska ee Manchester utd ayaa u
dhaadhacday kaalinta 3-aad iyadoo booskeeda ay kala wareegtay
kooxda ah horyaalka Spain ee Barcelona waxaa ay heshay
Manchester utd 327 Milyan.
4. (4.) Bayern Munich- €289.5m
kooxdan waa kooxda ugu culus dalka Jarmalka waxay soo tiiksatay
kaalinta 4-aad waxay heshay 289 Milyan waxaana lacagaha ay ka
heshay dhanka warbaahinta iyo koobka horyaalada Yurub oo ay u
sooo baxday walina ay ku jirto.
5. (6.) Arsenal- €263.0m
kooxdan waxay nasiib u heshay kaalinta 5-aad waxana ay ka
maqneyd sanadkii lasoo dhaafay waxaana daqliga ugu badan ay ka
heshay garoonkeeda Emarates iyo iibinta qaar kamid ah
xidigaheeda.waxayna heshay €263.0 Milyan.
6. (5.) Chelsea- €242.3m
Chelsea waxay sanadkii ladoo dhaafay ay ku dhamaysatay kaalinta
3-aad horyaalka Ingiriiska iyadoo ku guulaysatay F.A Cup-ka
waxayna markeedi ugu horeysay tan iyo sanadkii 2002 ay ka baxday
iyadoo heshay 242.3 Milyan
7. (8.) Liverpool- €217.0m
kooxda Liverpool ayaa sanadkii lasoo dhaafay waxay ku
dhamaysatay kaalinta 2-aad horyaalka Ingiriiska waxayna kor u
soo dalacday hal kaalin iyadoo horey ugu jirtay 8-aad waxayna
timid 7-aad xiligaan waxna uma dhimin kasoo haridii koobka
Horyaalada Yurub.waxayna heshay 217 Milyan.
8. (11.) Juventus- €203.2m
wadanka Talyaaniga kooxda ugu daqliga badan ayay noqotay kooxdan
waana tan ugu guulaha badan dalka Talyaaniga gudahiisa waxayna
koxdan kor u soo kacday ilaa saddex kaalmood waxaana ay horey
ugu jirtay 11-aad iyadoo soo gashay 8-aad waxay heshay 203.2
Milyan.
9. (10.) Internazionale-
€196.5m
kooxdan ah horyaalka iyo hogaamiyayaasha Talyaaniga horyaalkiisa
ayaa sare u soo kacday 14% waxaana ay heshay 196.5 Milyan
waxaana ay kor u soo dalacday hal kaalin.
10. (7.) AC Milan- €196m
kooxdan Ac Milan waxay hoos u dhacday saddex kaalin waxaana ay
heshay 26 Milyan oo ay sanadkii lasoo dhaafay ka heshay
ciyaaraha koobka Uefa Cup-ka iyo tabinta warbaahinta.waxaana ay
heshay 196milyan.
kooxaha kale waxay qiimaha
lacag ay u kala heleen
11. (15.) Hamburger SV- €146.7m
12. (9.) Roma- €146.4m
13. (12.) Olympique Lyonnais-
€139.6m
14. (16.) Olympique de Marseille-
€133.2m
15. (14.) Tottenham Hotspur-
€132.7m
16. (13.) Schalke- €124.5m
17. (-) Werder Bremen- €114.7m
kooxdan waa ay ku cusub tahay qiimeynta 20 koox ee ugu sareysay
daqliga soo galidda.
19. (-) Manchester City-
€101.2m sidoo kale kooxdan waa ay ku cusub tahay kaalintaan.
20. (17.) Newcastle United-
€101.0m
kooxdan inkastoo la ilaabay ayna ku guul daraysatay in ay kasii
ciyaarto horyaalka Ingiriiska heerkiisa 1-aad ayaa dib ugu
laabatay sanadkii lasoo dhaafay kadib 16 sanadood oo heerka hore
ay ku sugneyd waxaana wali la yaab ah in ay ku jirto kooxaha ugu
helidda badan daqliga caalamka iyadoo ku jirta kaalinta 20-aad
oo ay tahay meel wanaagsan.
F.G: Nambarada hore waa
kaalimaha ay hadda ku jirto kooxda nambarka ku jira Baraakatka
ama calaamaddaan ( ) waa tii ay ku jireen sanadkii lasoo dhaafay
calaamadda Baraakatka ee sidan ah ( -) waa ay ku cusub tahay
Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
002521-5140242
deeyoo_edit@hotmail.com
|

Halkan
riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore
|