| Dhageyso |
 |
|
|
|
Horyaalka wadanka Chile oo dib loo
dhigay iyo qubanayaal kale oo ka hadlaya Koofur Ameerika.
 02.2010, deeyoo.com.
Horyaalka wadanka
Chile oo dib loo dhigay iyo qubanayaal kale oo ka hadlaya Koofur
Ameerika.
Chile.
Horyaalka wadanka Chile ee loo yaqaan Chile's Apertura
championship ayaa dib loo dhigay kulamadii laga ciyaari lahaa
todobaadkaan kadib dhul gariir xoogan oo ka dhacay Sabtidii
dalkaas oo ay ku dhafwaayeen boqolaal qofood.
dalkaan ayaa waxaa ku dhuftay dhul gariir xoogan oo cabirkiisu
yahay 8.8 waana mid xoogan oo hakiyay dhamaan dhaq dhaqaaqyadii
dalkaaas.
xiriirka dalka Chile ayaa waxaa uu go'aan ku gaaray in uu
joojiyo dhamaan cayaaraha gudaha iyo kuwo saaxiibtinimo ee uu la
kala ciyaari lahaa dalalka Coast Rica iyo Koofur Korea kadib
wadanka Chile oo soo wajahday masiibo rabaani ah.
Madaxweynaha dalka Chile Haweeneyda lagu magacaabo Michelle
Bachelet ayaa waxay ku baqday in dalka uu galay masiibo qaran
waxaana dalka oo dhan ruxay dhul gariir xoogan.
dalka Chile ayaa lagu waday in ay la cayaaraan dalalka Coasta
Rica iyo K/Korea Tababaraha wadanka Chile Marcelo Bielsa ayaa
isku diyaarinayay in uu ku tijaabiyo kulamadaan qaar kamid ah
xidigihiisa.
goobta uu ka dhacay dhulgariirka ayaa waxaa ay dhanka koofur
galbeed kaga beegan tahay caasimadda dalkaas Santiago 325 Km
waxaana la qiyaasayaa in ay ku guryo beeleen masiibadaan
rabaaniga ah dad kor u dhaafaya hal milyan oo qof.
URUGUAY.
Labo Tababare ayaa waxay Lumiyeen shaqooyinkooda gudaha
dalka Uruguay waxaana kamid ah xidigii hore ee xulka wadanka
Uruguay Mario Saralegui ayaa waxaa iska ceyrisay kooxda Central
Espanol halka kooxda Danubio' ay shaqadii ka eriday
Tababarahooda Jorge Giordano waxaana ay ka dhigantahay in
sanadkaan 2010 horyaalka dalka Uruguay laga buriyay afar
Tababarayaal ah.
Tababare Saralegui ayaa kooxda qabtay Bishii December 2009
waxaana kooxda ay ka bixi waysay natiijo xumo iyadoo lix kulan
keentay shan dhibcood.
Kooxda Danub ayaa waxay ka dambeysa 11 dhibcood naadiga
hogaaminaya ee Penarol inkastoo ay natiijo xumo kala kulmayso
naadiga ayaa hadana waxaa u cayaara Alvaro Recoba oo mudo u
ciyaari jiray Inter.
ECUADOR.
Kooxda ah horyaalka dalkaan ee Deportivo Quito ayaa markii
saddexaad laga badiyay afartii ciyaarood ee ay cayaartay
naadigan waxaana kamid ah kulankii ugu dambeeyay oo 3-0 loog
adkaaday.
Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
002521-5140242
deeyoo_edit@hotmail.com
|

Halkan
riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore
|