| Dhageyso |
 |
|
|
|
Warbixin aan
kaga hadlayno diidmada is gacan qaadka ee ka dhacday garoomada
cayaaraha.

02.03.2010, deeyoo.com.
Warbixintaan waxaa ku eegeynaa iyadoo dhawaan uu daafaca kooxda
Mancheter City Wayne Bridge uu diiday in uu gacan qaado
saaxiibkiisa hore ahna kabtanka Chelsea John Terry ayaa waxaa
dib ugu laabanaynaa diidmada gacan qaadka ee la diiday .
kooxda Mancheter City ayaa waxay u socdaashay kooxda Chelsea
kulan ka tirsanaa horyaalka Ingiriiska oo Chelsea looga badiyay
4-2 waxaana xiisaha ugu badan ee kulankaas uu ahaa qilaadkii
dhexmaray Terry iyo Bridge oo ku aadan iyadoo Terry xiriir
sharci darro ah uu la sameeyay hooyada dhashay wiiilka Bridge.
Hadaba waxaa qormadaan waxaa ku soo qaadanaynaa shaqsiyaadkii
diiday in ay is gacan qaadaan ama dhacdooyin ku aadan is gacan
qaadka ay is gacan qaadaan Cayaaryahanada ama Tababarayaasha ka
hor ama kadib cayaarta.
Arsene Wenger & Mark Hughes
bishii December ee sanadkii tagay 2009 ayaa waxaa dhacday in
Tababaraha Arsenal Arsen Wenger uu diiday in uu gacan qaado
Tababarihii hore ee Naadiga Manchester City Mark Hughes
dhamaadkii cayaartii dhexmartay Arsenal iyo Man City oo ahayd
koobka Carling Cup-ka oo laga badiyay Arsenal.
inkastoo uu diiday Wenger in uu gacan qaado hughes ayaa hadana
kaamirooyinka ay soo sareen dhamaadka cayaarta markii la baxayay
in Hughes uu dhanka dambe ee Wenger uu u muujiyay sida qof uu
gacan qaadayo gudaha Tunelka.
Terry Butcher & Diego Maradona
Daaficii hore ee xulka Ingiriiska
Terry Butcher ayaa diiday in uu
gacan qaado mucjisadii kubadda cagta adduunka
Maradona sanadkii 2008 mar ay ku kulmeen tartan munaasab ah
waxaana uu sheegay Butcher in ay muhiim ahayn in lays gacan
qaado kaliya ay tahay in la cayaaro ama qeybta farsamada lagu
kulmo.
Gary Neville & Patrick Vieira
Bishii February sanadkii 2005 ayaa waxaa dhacday in xidigaha
Gary Neville & Patrick Vieira
ay dhexmartay arinta la mid ah tan dhexmartay Terry iyo Bridge
waxaana Gary Neville uu diiday in uu gacan qaado
Vieira waxaana soo kala
dhexgalay arrintaan Garsoorihii caanka ahaa ee
Graham Poll oo isku dayay in uu
dhexdhexaadiyo laakin waa ay diideen waxaana sabab u ahaa Nevile
oo Vieira ku Tilmaamay in uu yahay Nin waalan madman.
Nigel Worthington & Neil Warnock
Bishii Maarso sanadkii 2006 ayaa Tababaraha kooxda Norwich
Worthington ayaa diiday in uu gacan qaado Tababaraha kooxda
Sheffild United waxana taa ay ka dambeysay kadib markii
kooxdiisa looga badiyay 2-1 waxana uu kula dhaqmay si ka baxsan
sharciga isagoo yastiin ku sameeyay kaliya waxaa uu u soo taagay
labadiisa farood halkii uu si wanaagsan u gacan qaadi lahaa
waxaana ku ganaaaxay arrintaan xiriirka wadanka ingiriiska ee
F.A.
Arsene Wenger & Phil Brown
Bishii Maarso sanadkii 2009 Tababaraha kooxda Arsenal Arsen
Wenger ayaa waxaa uu ka diiday in uu gacan qaado Tababaraha
kooxda Hull Phil Brown sidoo kale kulankaas ayaa kabtanka
Arsenal Febrigas waxaa la sheegay in uu ku candhuufay caawiyaha
tababaraha kooxda Hull Brian Horton iyadoo Phil Brown uu sheegay
in Wenger uu ka diiday in gacantiisa uu ku dhameeyo ama si
wanaagsan uu u gacan qaado.
Rafael Benitez & Jose Mourinho
Bishii Augost sanadkii 2006 Tababaraha u dhashay wadanka
Portugal ee Jose Morrinho ayaa waxaa uu diiday in uu si
wanaagsan u gacan qaado Tababaraha Liverpool isagoo si jees jees
ah ku yiri hadalo aanan wanaagsanayn Tababaraha Liverpool halkii
uu ka gacan qaadi lahaa.
Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
002521-5140242
deeyoo_edit@hotmail.com
|

Halkan
riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore
|