Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  Khedira oo ku biiray Real Madrid iyo wararkii ugu dambeeyey ee suuqa kala gadashada cayaartoyda

Samo Khedira

31.07.2010, deeyoo.com.

Cayaaryahan Sami Khedira (23) ayaa kasoo tagaya kooxdiisii Stuttgart kana mid noqonaya xidigaha kooxda weyn ee Real Madrid sida ay xaqiijiyeen hogaanka sare ee kooxda Stuttgart oo sheegay in labada koox ay sidaas heshiis ku gaareen.

Khedira ayaa kala xaajoonaya Real Madrid mushaharkiisa iyo inta sano oo uu kooxda la joogaayo ka hor inta uusan marin baaritaan caafimaad.

Xidigan oo ay iska dhaleen Aabe reer Tunisia ah iyo Hooyo Jarmal ah wuxuu ka mid noqdey qaranka Jarmalka wax yar ka hor bilowgii koobka aduunka hase yeeshee nasiib u helay inuu aad ugu soo caan boxo markii uu kabtanka qaranka Jarmalka Ballack dhaawac dartiis u cayaari waayey koobka aduunka bedelkiisana isaga la safay.

Khadira wuxuu noqonayaa xidigii labaad ee kusoo biira real markii uu la wareegay Mourinho ka dib waxaana ka horeeyey xidiga qaranka Argentina Angel Di Maria.

**********               **********               **********

Kooxda Lazio ayaa lasoo wareegtay cayaaryahanka daafaca bidix ee Man. City Javier Garrido ka dib markii ay waayeen xidiga ay sida aadka ah u doonayeen Aleksandar Kolarov oo dhowaan ku biiray kooxda Man.City.

Garrido wuxuu ka mid ah xidigaha Manchester City ilaa 2007 wuxuuna booska daafaca bidix kula dagaalamayey Weyne Bridge laakiin Koralov oo ay isku boos yihiin markii uu kooxda yimid ayuu ku qasbanaaday inuu u tago koox uu boos ka heli karo.

**********               **********               **********

Goolhayaha qaranka Ingiriiska David James (39) ayaa si lama filaan ah ugu biiray kooxda Bristol City oo xiligaan ka cayaarta heerka labaad ee dalka Ingiriiska.

Goolhaye James wuxuu qalinka ku duugay qandaraas hal sano ah oo sanad kale lagu kordhin karo waxaana aad loogu maleynayey inuu ku biiri doono kooxda reer Scotland ee Celtic oo aad u raadineysay.

Boortahan 39 jirka ah ayaa ku sababeeyey ku biiritaankiisa Bristol inuu doonayey meel aan ka fogeyn halka uu degen yahay wuxuuna xaqiijiyey iney lasoo xiriiireen Celtic hase yeeshee uu diiday.

Kooxda Bristol ayaa lacag la`aan ku heshay boortaha qaranka Ingiriiska kala qeyb galay koobka aduunka markii ay iska soo fasexeen kooxda musalaftay ee Portsmouth.

**********               **********               **********

Tababarihii hore ee kooxda maal qabeenka ah Man.City Mark Hughes ayaa la wareegay shaqada tababaranimo ee kooxda Fulham ee uu dhowaan baneeyey macalinka cusub ee Liverpool Roy Hugson.

Mark Hughes ayaa markiiba bilaabay inuu kasoo adeegto kooxdiisii hore wuxuuna dalab u dirsadey xidigaha Roque Santa Cruz, Stephen Ireland iyo Craig Bellamy oo sida muuqata aan boos ka heli doonin kooxda Man.City.

**********               **********               **********

Cayaaryahan C.Ronaldo ayaa codsadey inuu qaato lambarkii uu caanka ku ahaa ee 7 oo uu dhowaan ka tagay gooldhaliyihii weynaa ee Real Madrid Raul oo u caro gedistay kooxda Schalke  ee 04dalka Jarmalka.

Ronaldo oo caan ku ahaa lambar 7 xiligii Manchester Utd iyo weliba xulkiisa Bortoqiiska iyadoo magaciisana loo soo gaabin jiray R7 ayaa waayey maadaama u xirnaa Raul oo 16 sano lasoo qaatay kooxda.

 

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com