Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  Mourinho oo dalbaday Gerrard, Carvalho oo ku riyoonaya Real iyo Diarra oo la fasaxay

26.07.2010, deeyoo.com.

Tababaraha cusub ee kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa waxaa uu diyaar u yahay in uu u dhaqaaqo xidiga kabtanka kooxda Liverpool Steven Gerrard.

Mayestaraha Real Madrid Jose Mourinho waxaa uu isku dayayaa in uu ka dhaadhiciyo madaxda Real Madrid sidii ay bankiga ugu jabin lahayeen keenista magaalada Madrid Kabtan Gerrard.

Wararka ka imaanaya wadanka Spain ayaa sheegaya in Jose Mourinho muddo u hanqal taagayay in uu ka hoos cayaaro Gerrard isagoo aaminsan in la gaaray waqtigii xidiga qadka dhexe ee ingiriska Gerrard ay  ku midoobi lahaayeen hal naadi.

Xiisaha Real Madrid ay u qabto Gerrard ayaa dhibaato kale ku noqonayso tababarah cusub ee Liverpool Roy Hodgson kaas oo isku dayaya in uu ka dhaadhiciyo Torres in naadiga uu sii joogo.

Real Madrid ayaa xidigaan Gerrard doonaysay 8 sanno ee ugu dambeysay iyadoo markasto uu diidayay in uu ku biro koox aan ahayd Liverpool.

Kooxda Liverpool sidoo kale waxa albaabka looga baxo naadigas kusii jeeda kabtanka wadanka Argentina Javier Mascherano kaas oo si weyn u doonaya in uu dib ula midoobo tababaraha ku fashilmay naadiga Liverpool xiligii tagay ee Rafael Binitez ee kooxda Inter.

Liverpool ayaa waxaa ay isku dayaysaa in xiliga soo aadan ay u dagaalanto horyaalka Ingiriska iyadoo kulan saaxibtinimo oo habeenki sabtida ee todobaadkan ay la cayaartay kooxda ka dhisan wadanka Jarmalka ee Kaiserslautern ay 1-0 kaga adkaatay.

Gerrard oo ku dhaawaday in uu ku biro koox uu macalin u ahaa Jose Mourinho 2005 ee Chelsea ayaa lagu fashilmay kadib Gerrard oo guul weyn ka gaaray koobka horyaalada Yurub iyadoo Ac Milan ay ka qaaden koobka naadiyada yurub taasoo ka dhigtay in 5 sano hishiis cusub uu u saxiixo Liverpool.

Jose Mourinho ayaa kulan gooni la qaadanaya gudoomiyiha kooxda Real Madrid Florentino Perez isagoo u sharaxaya rabitaanka Gerrard in uu keeno Real Madrid iyadoo Jose Mourinho xidigaan uu doonayay lexdii sanno ee ugu dambeysay wayihiisa naadiyada Chelsea iyo Inter.

Hadii ay dhacdo in Gerrard laga iibiyo kooxda Real Madrid ayaa dharbaaxo xoogan ku noqon doonta tababaraha cusub Hodgson iyo naadiga Liverpool.

Real Madrid oo fasaxday Diarra.

Kooxda Real Madrid ayaa fasaxday xidiga qadka dhexe ee wadanka Mali Mahamadou Diarra.

Mahamadou Diarra ayaa waxaa dalabyo ugu imaanaya kooxo ka dhisan horyaalka Ingiriska kuwaas oo doonaya in ay heleen cayaaryahanka muslimka ee reer Mali.

Cayaaryahanka reer Afrika Mahamadou Diarra ayaa waqti adag ku qaatay Real Madrid kadib markii ay kazoo iibsadeen kooxda Lyone 2006 iyadoo haatan ay wada hadalo kula jirto kooxda Newcastle.

Xidiga raacmada badan (Tough-tackling) Mahamadou Diarra ayaa sidoo kale waxaa uu ku jiraa liiska soo dukaamaysiga kooxda Manchester utd isagoo suura gal tahay in xiliga soo aadan uu kacayaaro horyaalka Ingiriiska.

Mahamadou Diarra oo 29 jir ah ayaa lagu doonayaa 23 milyan oo gini oo Real Madrid ay soo bandhigtay waana lacagihii lagu soo iibsaday 4 sanno ka hor.

CARVALHO oo sheegay in uu dib ula midoobayo Jose Morrinho.

Daafaca dhexe ee kooxda Chelsea RICARDO CARVALHO ayaa waxaa uu sheegay in uu jecel yahay in uu ku biro Real Madrid si uu dib ugu hoos cayaaro Jose Morrinho.

RICARDO CARVALHO oo 32 jir ah ayaa waxaa uu haatan doonaaa in uu ku biro horyaalka Spain iyadoo real Madrid ay si weyn u doonayso cayaarhanka.

Xidiga caalamiga wadanka Portigal RICARDO CARVALHO waxaa uu ahaa kacaanka cusub ee Morrinho kooxda Chelsea isagoo kamid ahaa cayaaryahanadii la qaaday horyaalka ingriiska Chelsea 50 sanno kadib.

“Waxaan ku riyoonayaa in aan u cayaaro Real Madrid waana doorbidaya in aan u cayaaro kooxda ugu wanaagsan caalamka taasoo taarikh ku leh kubadda cagta caalamka ayuu yiri RICARDO CARVALHO.

Wuxu intaa raaciyay RICARDO CARVALHO Jose waxaa kala soo hoos cayaaray labo koox waxayna ahayd waayihii ugu wanagsanaa ee I soo mara.

 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
 

00252615140242

 

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com