Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  Ancelotti oo sheegay in Cole meelna u socon, Liverpool oo kasii quusaneysa Torres

26.07.2010, deeyoo.com.

Tababaraha kooxda Chelsea carlo anceloti ayaa waxa uu sheegay in daafaca wadanka Ingiriska  Ashley cole uu sii joogayo kooxda.

Kooxda Real Madrid ayaa waxay si weyn u doonaysaa daafaca wadanka ingiriska Ashley Cole laakin waxaa diiday inuu kooxda ka tago tababare Carlo Anceloti kaas oo sheegay in uu ku dagaalami doono sidii uu ugu dhaadhicin lahaa in uu sii joogo kooxda Liverpool.

Cayaaryahanka Kacaanka ah ee AShle Cole ayaa waxaa uu doonayaa in nolol cusub uu ka bilaabo horyaalka Spain iyo magaalada Madrid.

Daafaca dambeedka bidix ee dambe Ashley Cole wuxuu doonayaa in uu la midoobo mar kale tababarihiisa hore Jose Morrinho kaas oo isna raba in uu dib u hello ardaygiisa hore ee waayihii Chelsea isagoo Morrinho uu ahaa ninkii ka dambeeyay in Ashley uu kusoo biro Chelsea.

Real Madrid ayaa doonaysa in Ashley ay ka saxiixato hishiis afar sanno ah iyadoo u maraysa wado kasto xitaa ay sheegtay todobaadkii laso dhaafay in Kaka ay ku badalanayaan.

Tababaraha kooxda Chelsea Carlo Anceloti oo ku sugan gobolka Emilia-Romagna ee ku yaala waqooyga dalka Talyaaniga ayaa sheegay in uu u marayo xitaa majaajilo sidiii uu Ashley uu kusii joogi lahaa Chelsea.

“haddii uu Ashley uusan faraxsanayn waxaa isku dayi doonaa in aan u hello xal isaga farxad galinaya xitaa laga yaabo in kaftano badan aan isaga la kaftamo si aan xal ugu hello waxa uu tababanayo ayuu yiri Carlo Anceloti oo haatan fasax ku jooga waqooyga Talyaaniga.

Wuxuu intaa raaciyay Anceloti in dalabyada kaga imaanaya Real Madrid waa eber marnaba maka tagayo kooxda ayuu yir Carletto.

Liverpool oo dadaal ugu jirta Torres in uu sii joogo naadiga.

Tababaraha kooxda Liverpool Roy Hodgson ayaa aaminsan in uu ka dhaadhicin karo Torres in kooxda uu sii joogo isagoo u maraya wado kasto oo cayaaryahanka ka dhaadhicin karta in waqti kale uu kusii qaato kooxda. 

Hadalkaan ayaa soo baxay kadib markii kooxda Chelsea ay soo bandhigtay lacago dhan 60 milyan iyo mushaaro ku filan cayaaryahanka.

Tababaraha kooxda ku cayaarta garoonka Anfield ee Liverpool Roy Hodgson wuxu doonayaa in xiliga soo aadan uu tartan u galo horyaalka Ingiriska oo Liverpool aysan qaadin 19-kii sanno ee ugu dambeeyay isagoo horey u sheegay in Torres iyo Gerrard ay yihiin xidigaha uu ku tashanayo xiliga cusub ee furmaya.

Fernando Torres oo 26 jir ah ayaa waxaa uu doonaya kooxo ay kamid yihin Chelsea,Man City iyo Barcelona oo muddo dheer uu bartilmaameed u ahaa.

Tababare Hodgson ayaa sheegay kadib markii uu lasoo saxiixday Joe Cole oo lagu daray Gerrard iyo Torres ay ka dhigan tahay in kooxda Liverpoo dagaal u gali karto horyaalka ingiriska iyadoo sanadkaan aysan cayaaraynin koobka horyaalada Yurub.

Agaasimaha cayara kooxda Liverpool Christian Purslow ayaa dhowr jeer wada hadalo la qaatay Torres waxaana kamid ahaa kulan todobaadkii lasoo dhaafay uu la qaatay cayaaryahanka oo uu kula qaatay magalada Majorca oo xidigaan uu ku sugan yahay isagoo kala hadlay macquul ahaanshaha xidigaan uu sii joogo kooxda ugu guulaha badan wadanka Ingiriska ee Liverpool.

Mid kamid ah Milkiilayaasha kooxda Liverpool nimanka deynta lagu leeyahay ee reer Maraykan Tom Hicks ayaa soo gaaray magaalada London isagoo wada hadalo la qaatay madaxda maamulka kooxda Liverpool oo ku aadan sidii kooxda loogu sii hayn lahaa cayaaryahanada Muhiimka ah sida Torres iyo Gerrard.

Torres ayaa dalbaday hishiis cusub laakin waxay isku fahmi wayeen dhanka mushaaradka uu qaadanayo cayaaryahanka iyadoo Liverpool ay dareemayso dhaqaalo daro.

Liverpool ayaa waxaa ay la kulmaysaa dalabyo ugu imaanaya kooxo badan oo doonaya qaar kamid ah cayaaryahanadooda ugu muhiimsan sida Gerrard,Torres iyo Mascherano.

“dadka ha iska ilaabaan cayaaryahanadaas ayuu yiri Roy Hodgson oo ah tababaraha cusub ee Liverpool  wuxuuna intaa raaciyay in xidigahaan ay doonayaan in waqti kale ay kusii qaataan kooxda.

 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
 

00252615140242

 

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com